, 2025-07-09 20:06:05 ,
Hiiraanweyn.net9 Luulyo 2025Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shixnad milateri oo ay ugu talagashay in ay ku kaalmeyso dagaalka ay ciidamada dowladda iyo kuwa macawisleyda reer Hiiraan ay kula jiraa Ururka Alshabaab soo gaarsiisay gobolka Hiiraan, sida ay BBC u xaqiijiyeen ilo kala duwan.Shixnaddan ma ah tii ugu horreysay ee ay Itoobiya soo gaarsiiso gobolka Hiiraan, waase markii seddexaad ee ay soo gaarsiiso, balse gargaarkan milateri ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan ay Alshabaab ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Moqokori ee gobolka hiiraan.Shixnadda oo ka koobneyd ilaa sedex gaari oo shiraacan oo kuwa xamuulka sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah ayeysan labada maamul ka hadlin waxa ay kooban tahay, waxaana Taliyaha Guud ee Ciidanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Gen. Cabdi Cali Siyaad uu ku wareejiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad. Hiiraanweyn.netTaliye Cabdi Cali siyaad oo warbaahinta kula hadlay Deegaanka Feerfeer Soomaaliya oo ku taal xadka labada dal ayaa markii uu wareejinayay shixnaddan sheegay in ay “socdaal dheer u soo galeen walaalahooda gobolka Hiiraan” dagaalka ay kula jiraan Alshabaab in ay garab taagan yihiin. “Waxa aannu wadnay kaalmo yar oo kooban oo aan ku wareejinayno guddoomiyaha gobolka si ragga dagaalka ku jira loo gaarsiiyo caawinaadaas” ayuu sheegay General Cabdi Cali oo intaas ku daray in kaalmadaas ay usoo dhiibeen Dowladda Deegaanka Soomalaalida, madaxweynahooda iyo hoggaamintiisa ka hooseeysa.Jeneral Cabdi Cali ayaa sheegay in kaalmadan aanay ahayn tii ugu horreysay ee ay Hiiraan keenaan oo ay hadda ka hor laba jeer oo horre ay u keeneen, sanadihii 2022kii iyo 2024kii. “Tani waa tii seddexaad, tan seddexaadna kuma dhamaaneyso waa sii wadeynaa haddii Alle yiraa ilaa heer waxa aan gaari doonaan in ciidamadeenu ay ka Barbar dagaallamaan ciidamada deegaanka ee gobolka Hiiraan ee dagaalka adag ku jira” ayuu yiri Taliye Cabdi Cali. Jeneraalka ayaa ugu baaqay in gobolada kale ee deriska la ah Hiiraan ay garab istaag u muujiyaan umadda ku nool gobolka Hiiraan si aanay arintu u noqon buu yiri ‘dibigii caddaa iyo kii madoobaa’. Hiiraanweyn.netDhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad oo shixnadaas la wareegay ayaa sheegay in ‘dagaalka lagu jiro uu yahay dagaal caalami ah oo dadka Soomaliyeed iyo guud ahaan deriska saameyn ku leh’, waxa uuna ka mahadceliyay dadaalka kaalamada milateri ah ee ay Dowlad Deegaanku soo gaarsisay, horeyna ay u soo gaarsiiyeen, isaga oo ballan qaaday in sida ugu macquulsan ay u gaarsiin doonaan furimaha dagaalka.”Waxa aan rabaa inaan baaq guud u diro dowlad goboleedyada haddey yihiin Itoobiya iyo haddey yihiin Soomaalida inteeda kale in hal meel looga soo wada jeesto dagaalka Alshabaab” ayuu sheegay Muuse Salaad oo intaas ku daray in haddii meel kasta oo kaga addan dowlad goboleed kasta dagaalka looga furo ay fududaaneeyso in Shabaab laga adkaado ayna meesha ka baxeyso in ay gurmad badan isku sameeyaan.Dhanka kale waxa degmada Maxaas ka socdo shirar iyo abaabul dagaal oo ay wadaan masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo dadka deegaanka waxaana dhawaan halkaasi gaaray Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan . Mar uu la hadalayey BBCda ayuu Cali Jeyte Cismaan sheegay in Maxaas ay ka socdaan shirar ku saabsan sidii la iskaga difaaci lahaa ‘caddowga ku soo duulay’ ee Alshabaab taasina la isku afgartay. Mar uu ka hadlayey kaalmada milateri ee Dowlad Deegaanka Soomalida Itoobiya ay soo gaarsiisay gobolka Hiraan ayuu sheegay in in marka laga reebo Dowadda Federaalka ah ee Soomaaliya aanay jirin cid kale oo taageero soo gaarsiisay, isagoo intaas ku daray in ay horey u taageereen, haatanna talaabadani ay ka mid tahay taageeradii ay horey noo taageeri jireen ayuu sheegay Cali Jeyte . Axmed KabooleDhanka kale ayaa waxaa loo fasiran kara sida u sheegay Axmed kaboole in Deegaanka Soomaalida oo xiriir la leh reer Hiiraan in ay si Soomaalinimo leh ay u garab istaagaan.Maadaama gobolka Hiiraan uu la leeyahay xuduud dhanka Itoobiya gaar ahaan Dowlad Deegaanka Soomaalida khatar amni oo noocee ah ayey ku yeelan kartaa Itoobiya haddii uu sii fido dagaalka Alshabaab ee gobolka Hiiraan ayaan weeydiinay Axmed Kaboole, isagoo kaga jawaabay in Alshabaab haddii ay deegaandaas qabsadaan oo ay ka adkaadaan shacabka reer Hiiraan ujeedadoodu aanay ahayn inay hadda aadaan Itoobiya, sabbato ah ah buu yiri “Alshabaab waa ay ogyihiin in dowladda Itoobiya ay awood ahaan iyo ciidan ahaanba ay u diyaarsan tahay horreynay ay ugala kulmeen cawaaqib”.”Alshabaab waxa ay raadinayaan oo khatarna ay ku yihiin waa jiritaanka dowladnimada, waxayna rabaan in ay daciifiyaan awoodda Hiiraan oo ay doonayaan in inta u dhaxeysa Hiiraan iyo Shabeelada dhexe in ay waddo ka furtaan si ay iskugu xirtaan gobolka shabeelada Hoose ” ayuu yiri Kaboole oo intaas ku daray in Alhsbaab ay doonayaan in ay kor ka maamulaan iyagoo aan galeynin magaalooyinka.”Laakin gobolka Hiiraan waa khatar in Alshabaab ay la wareegaan deegaandaas , dadka daciifiyaan si ay heshiis ula galaan waa wax dhici karo haddii aan dowladda Soomalia anaay garab istaagin reer Hiiraan” ayuu yiri Axmed Kaboole”.
Maxay ku saleysan tahay Kaalmada milateri ee Itoobiya soo gaarsiisay gobolka Hiiraan
Published on:
