More

    Maxay fallanqeeyayaashu ka yiraahdeen saamaynta ay ku yeellanayso madasha xubnaha ka baxay maxayse dowladda ugu dhigan tahay?

    Published on:



    , 2025-08-24 14:47:34 ,

    SOCIAL13 Daqiiqadood ka horXilli siyaasadda Soomaaliya ay marayso heerkul sarreeya, muddo xileedka dowladdana bilooyin ka harsanyihiin, ayaa waxaa muuqanaya is mari-waa xooggan oo ka dhex taagan mucaaradka iyo madaxda dowladda.Siyaasiiyiin isugu jira madaxwayne hore, Ra’iisul wasaarayaal hore, wasiiro hore, xildhibaano iyo jilib culus siyaasaddeed ayaa bartamihii Bishii June Muqdisho kaga dhawaaqay madal ay ugu magac dareen Samatabixinta taas oo loo arkayey miisaan culus oo mucaarad ku ah dowladda.Madaxda ku midaysan madashaas ayaa dhowr jeer oo kala duwan kulamo la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo dhammaan kulamadaas sida siyaasiyiinta ka qayb galay ay warbaahinta u sheegeen looga wadahadlay arrimaha ku saabsan waxka baddelkii lagu sameeyey dastuurka, doorashooyinka iyo ammaanka dalka.Arrimaha qaybtood wali si dhamaystiran dhinacyadu xal ugama gaarin iyadoo sidoo kale mucaaradka madasha Samatabixinta ku midaysan ay dhowr jeer kulamo la qaateen wakiillada calaamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho.Warrar horey u soo baxay ayaa sheegay in ragga ku midaysan Madashu qaarkood ay ku kala aragti duwan yihiin qodobada la isku hayo walow taasi huursanayd basle ay si rasmi ah xalay bannaanka u timi ka dib kulan ka dhacay hoyga Muqdisho uu ka deggan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed kaas oo ay siyaasiyiinta Madashu kulan ku yeeshen.Kulankaas ayaa afar xubnood ku sheegeen inay isaga baxeen Madasha Samatabixinta sida uu BBC-da u sheegay Axmed Ciise Cawad, wasiirkii hore ee arrrimaha dibadda Soomaaliya xubina ka ah madasha Samatabixinta.”Xalay shir goluhu yeeshey ayay ku shegeen inay inay ka baxeen madasha, waana Cumar Cabdirashiid, Shariif Xasan sheekh Aden, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Daahir Maxamuud Geelle” ayuu BBC-da u sheegay Cawad.Wuxuu intaa ku daray wasiir hore Cawad in ay sidoo kale sheegeen raggan inay xisbi furan doonnaan.Marka laga yimaado arrintaas si dhaba wali uma cadda waxyaabaha ay tabanayaan xubnahan ee dhalisay inay isaga baxaan madasha samatabixinta. xiriiro BBC-du la samaysay qaar ka mida ahna kumaanna guuleysan.Saameynta ay ku yeellan karayso madasha Samatabixinta siyaasiyiinta ka baxay Machadka daraasaadka HeritageInkastoo hadda ay soo baxday in siyaasiiyiin ka baxeen madasha Samatabixinta haddana sida uu BBC-da u sheegay Dr Cabdirishiid Cabdi Ismaaciil oo ah agaasime ku xigeenka machadka daraasaadka Siyaasadda ee Heritage tanni waxay saamayn ku yeellanaysaa midowgoodii.” Walahi saamayn weyn bay ku yeelanaysaa,sababtoo ah waxay markii hore isugu yimaadeen oo isu garabsanayeen iyagoo midaysay inay culays ku saaran madaxtooyada saasuu markii hore ahaa haday kala maarmi karaan markii hore isma soo doonteen. Kooxda hadda baxday oo miisaan culus oo an waxba ka dhicin inta isku hartay, muddadaanba mushkiladaasi waa muuqanasyay, muddana ay ka shaqaynayaan inaysan tani soo bixin oo xakameeyaan basle inay guulaysay marka dhabar jab weyn ku tahay madasha” ayuu BBC-da u sheegayDr Cabdirashiid wuxuu intaa raaciyey in ay dowladda ay wax weyn ugu dhigan tahay in xoog culays ku hayey uu kala qaybsamo.”Marka Villa Soomaaliya guul bay u tahay waxay isku arkaysaa in kooxdii culayska ku hayey ay qaybsameen oo nugul yihiin oo ay dhici karto qaarkood inay xagga aadi karaan ay maslaxad ka raadin karaan ” ayuu intaas raaciyey Dr Cabdirashiid.Basle Maxamed Mukhtaar oo ah fallanqeeye siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in ka bixida xubnahan ee madasha Samatabixinta aysan ka dhignayn Dhammaadka mucaaradka.”Ma filayo inay wax weyn ka baddelayaan sababtoo ah dadkii rabay madaxweynimimada inay sii joogaan kuwa cusub oo dhahaya madaxweynaha rabnaa inay ku soo biiraayan markasta oo loo dhawaado waqtiga doorashada waa sii xoogaysanaysaa laakiin tiradii rabtaba ha ka baxaane ma filayo inay noqonayso dhammaadkii mucaaradka”ayuu BBC-da u sheegay Maxamed Mukhtaar.Mukhtaar ayaa qaba in markii horeba madasha ay isugu tageen siyaasiyiin kala duruufo ah kuwaas oo ajandayaal kala duwan leh taasna ay keenayso inay kala aragti duwanaadaan.”Marka hore duruuftoodu kala duwanayd qaar baa madaxweyninimo u sharaxan qaar baa danno siyaasadeed leh kuwaa dowlad goboleedyada rajo ka leh, kala aragti duwanaanshaha ayaa waxay keenaysaa inaysan aragti midaysan ka wada yeellan wadaxaajoodka madaxweynaha kala dhaxeeya” ayuu yiri Maxamed Mukhtaar.Afarta xubnood ee ka baxay shirka iyo kaalintoodii siyaasaddeed ee dalka SOCIALCumar Cabdirishiid Cali Sharmaarke oo ah siyaasi ruug cadaa ah marka la eego sooyaalka siyaasaddeed ee isaga iyo qoyskiisa ayaa laba jeer Soomaaliya ka noqday Raysal Wasaare sanadihii 2009-ilaa 2010- 2014-ilaa 2017-kii.Sharmaarke ayaa loo arkaa siyaasi qunyar socoda oo isku magacaaba inuu siyaasadda laga aado ‘Xasilooni siyaasaddeed’.Ku biiristiisii madasha Samatabixinta ayaa loo arkayey miisaan siyaasi ah.Shariif Xasan Sheekh Aadan, waa siyaasi kale oo muddo dheer ku soo jiray siyaasadda muddo ka badan labaatan sanno.Waa siyaasi saameyn aad u ballaaran ku leh siyaasadda Soomaaliya oo soo martay marxalado kala duwan, isagoo soo qabtay jagooyin kala ah xildhibaannimo, guddoomiye baarlamaan iyo Wasiir. Siyaasadda ayuu ku soo biiray sanadkii 2004-tii markaas oo uu noqday guddoomiye Barlamaan. Sidoo kale wuxuu soo noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee maamulka Koonfur-Galbeed.Maxamed Mursal Sheekh Cabdirixman, waa siyaasi xilal badan ka soo qabtay dowladdihii dalka isagoo soo noqday xildhibaan, wasiir, danjire, iyo guddoomiye Baarlamaaan.Daahir Maxamuud Geelle, waa siyaasi Af-tahana oo siyaasaddana ku jiray muddo dheer isagoo laba jeer soo noqday wasiirka warfaafinta dowladdihii 2009 iyo 2017-kii, wuxuu muddo ahaa danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudiga.Daahir waxaa kale oo lagu xasuustaa inuu ahaa afhayeenkii Midowga Musharrixiinta Soomaaliya intii lagu guda jiray doorashadii 2022-kii.

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here