, 2025-07-02 12:48:02 ,
AFP2 Luulyo 2025Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin milatariga dalka Uganda ayaa saakay ku burburtay garoonka diyaaraddaha ee Aden Cabdulle ee magaalada Muqdisho sida uu BBC-da u xaqiijiyay maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin.Diyaaradda oo ka soo kacday garoonka Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku burburtay qaybta garoonka ciidamada cirka ee garoonka, waxana saarnaa siddeed qof oo ay ku jiraan duuliyeyaashii diyaaradda, waxana socda gurmad la doonayo in lagu bakhtiiyo diyaaradda oo uu dab xoog leh qabsaday, lamana oga masiirka dadkii saarnaa diyaaradda.Waxaa duullimaadkeedii dib u dhigtay shirkadda Turkish Airline sababo la xiriirra shilka ka dhacay garoonka, waxaase garoonka ka dagtay diyaaradda Daalo iyo kuwa yaryar ee gobollada dalka ka shaqeeya.Illaa hadda lama oga sababta dhalisay shilka diyaaradda, waxaase socda baaris la xiriirta arintaas sida uu BBC-da u sheegay maareeyaha hay’adda duulista raiydka Axmed Macallin.Uganda ayaa ka mid ah dalalka ay ciidanka nabad-ilaalinta ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo dowladda federaalka ka caawinaya xasilinta dalka. .Qoraalka sawirka, Illaa hadda lama oga sababta dhalisay shilka diyaaradda, waxaase socda baaris la xiriirta arintaasMaxaan ka ognahay iskaashiga militari ee Uganda iyo Soomaaliya?Dowladaha Uganda iyo Soomaaliya ayaa leh taariikh iskaashi militari, gaar ahaanna ciidanka ay Uganda usoo dirtay dalka ee qeybta ka ah kuwa nabad-ilaalinta Midowga Afrika oo markii ugu horreysay magacoodu ahaa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).Ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga waxay ka mid yihiin talisyada waddamada ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo ay iyagu yihiin taliska koowaad waxayna ka howlgalaan gobolka Benaadir oo caasimadda Muqdisho kamid tahay iyo gobolka Shabeellaha Hoose.Dalalka kale ee ciidankoodu joogo Soomaaliya waxaa ka mid ah Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.Uganda ayaana ah dalkii ugu horreeyay ee ciidan usoo dira Soomaaliya bishii March ee sanadkii 2007, welina waa dalka ciidanka ugu badan uu ka joogo Soomaaliya.Iskaashigan militari ayaa qeyb ka ah la dagaallanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu jirto kooxda al-Shabaab oo inta badan laga saaray koofurta Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale abuuray jawi lagu dardar-gelin karo nabadda Soomaaliya iyo inay bulshadu fursad u hesho waaxo lala xisaabtami karo kuwaasoo bixin kara adeegyo dhisina kara dhaqaalaha gudaha isla markaana isku xiri kara dhaqaalaha qaranka iyo dowladda. SocialBishii February ee sanadkan labada dowladood ayaa kala saxiixday heshiis iskaashiga ammaanka ah oo lagu xoojinayo iskaashiga difaaca.Wasiirka gaashaandhigga Uganda Jacob Oboth Oboth, iyo wasiirkii gaashaandhigga xilligaas Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Kampala ku kala saxiixday heshiiska.”Uganda iyo Soomaaliya waxay leeyihiin xiriir wanaagsan. Waxaan Soomaaliya joognay 17 sano in ka badan, waxaana rajo ka qabnaa Soomaaliya oo sidan ka wanaagsan,” ayuu yiri Hon. Oboth.Wasiirkii gaanshaandhigga Soomaaliya ee xilligaas ayaa isagana ciidamada Uganda ku ammaanay sida ay naftooda ugu hureen xasilinta Soomaaliya. VILLA SOMALIAMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagana isla bishaas gaaray magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, waxa uu la kulmay dhiggiisa Yoweri Musevani oo ay kawada hadleen la dagaallanka argagixisada iyo xoojinta xiriirka labada dal.Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Xadaana oo si kooban uga warbixiyay safarka madaxweynaha ayaa sheegay in wafdiga la socda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay kulamo la qaateen mas’uuliyiinta dalka Uganda.Door muhiim ahQoraalka sawirka, Col Felix Kulayigye Reer Uganda qaarkood ayaa u arka kuna faraxsan in Uganda ay dadaal dheeri ah ka sameyneyso gobolka, qaar kale ayaa aaminsan in ku lug lahaanshaha Uganda ee Soomaaliya ay keentay inay isku soo jeediso kooxda al-Shabaab.Bishii July 2010, labo qarax ayaa ka dhacay caasimadda Uganda ee Kampala, kaasoo ay ku dhinteen 76 qof oo telefishin ka daawanayay cayaaraha Koobka Adduunka, taasoo keentay baaqyo ah in Uganda ay ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya.Qaar kale waxay aaminsan yihiin in kharashka ku baxaya howlgalka uu aad u badan yahay, lacagtaasna ay tahay in lagu maal-geliyo dayactirka waddooyinka iyo in koronto loogu geliyo dadka ku nool meelaha aysan koronto fiican ka jirin.Balse booska Uganda ay ka taagan tahay arrintaas waa mid cad.”Ficilka qarxinta Uganda wuxuu caddeyn u yahay baahida loo qabo in la xasiliyo lana xakameeyo Soomaaliya. Kan waa dadaal ay tahay qof walboo dunida jooga inuu yiqiinsado,” ayuu xilligaas yiri afhayeenka ciidamada Uganda Felix Kulayigye – kaasoo intaa ku daray in iyadoo qaraxyadaasi dhaceen haddana ay muhiim tahay in ciidanka Uganda ay sii joogaan Soomaaliya.Waxaa laga yaabaa in ciidamada Uganda ay cadow u arkaan kooxda al-Shabaab, balse beesha caalamka ayaa u aragta inay door muhiim ah ka qaadanayaan taageeridda dowladda federaalka Soomaaliya iyo xasilinta dalka.