, 2025-08-05 14:00:05 ,
Qoraalka sawirka, Suuq-BacaadArticle InformationSaacado kaddib waxa lagu guulaystay in la damiyo dab xooggan oo geystay khasaare dhimasho iyo bubur hantiyeed oo shalay ilaa xalay ka socday Suuq-Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho.Dabka oo bilowday shantii galabnimo xilliga maxalliga ah wax yar uun kaddib saaladda casar ayaa si degdeg ah ugu fiday qaybo badan oo suuqa ka mid ah, iyadoo halkaas ay ku burbureen hanti badan oo ay lahaayeen ganacsato yaryar, sida uu baahiyay telefinshanka ay dawladdu maamusho.Ilaa hadda ma jiraan warbixinno rasmi ah oo laga soo saaray inta uu leg yahay khasaaraha hantiyeed ee soo gaadhay ganacsatada suuqaasi, waxa se la xaqiijiyay in ay ku naf weyday gabadh yar, sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid, Salaabeen Fargax.Sababta dabka dhalisay ayaa lagu sheegay koronto inkasata oo aan faahfaahin laga bixin. Yuusuf Sheekh Maxamed oo ah Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Suuq-Bacaad ayaa BBC-da u sheegay in xakamaynta dabkaasi ay ahayd mid aad u adag maaddaama ay jirtay dabayl xooggan oo qayb ka qaadatay in dąbku uu ku fido qaybo kale oo ka durugsan meeshii uu ka bilowday.”Ilaa lix saac ayuu dabku socday. Waxa na soo gaadhayay gurmad dawladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Waxaa se xaaladda sii xumaysay dabayl xooggan iyo korontada oo la damin kari waayay. Tasina waxay sii badisay khasaaraha,” ayaa uu yidhi.Muuqaallo ay baahiyeen wabaahinta gudaha ayaa muujinaya qiiq madow oo cirka isku tolay iyo ganacsatda oo ku jira xaalad jahwareer ah. Ibraahim Muuse Maxamed waxa uu suuqan yimid isagoo dhawr iyo toban jira ah, waxana uu ganacsigii uu xiligaas soo bilaabay xalay kahor uu soo gaaray sedex tukaan oo lagu iibiyo dharka haweenka, sida uu usheegay BBC da.Aagga uu dabku ka bilowday oo in cabaar ah u jirtay dukaamadda Ibraahim ayaa markii dambe waxa dhacday in uu si dhakhsiyaha ku soo gaaro sababo la xiriirra dabaylaha xiliga xagaagga oo socday iyo gurmadka oo bilowgii hore aan si degdeg ah ku bilaaban.”Waxaan ka ganacsan jiray dharka. Laga ma sheekayn karo dhibaatada dhacday. Waad dareemi kartaa qof shalay hantiile ahaa maantana aan waxba haysan. Waxaan filaynnay in dabku yar yahay maaddaama uu naga fogaa. Laakiin mar dambe ayaan aragnay annaga oo badhtanka ugu jirna. Muhiimadda waa in naftayada aan u badbaadnay.”Qoraalka sawirka, Ibraahin Muuse oo taagan goobtii uu ku gubtay ganacsigiisuMaxaa lagu gadaa Suuq-Bacaad?Suuq-Bacaad waxa uu ku yaallaa xaafadda Yaaqshid ee magaalada Muqdisho. Waa kan labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho marka laga soo tago suuqa Bakaaraha, sida ay qabaan ganacsatada gudaha. Waa goob lagu iibiyo noocyadaha kala duwan ee alaabaha oo ku jiraan raashinka, elektarooniga iyo qalabka dhismaha. Dadka uu hadda sida gaarka ah u saameeyay dabkani ayaa ah ganacsatada yaryar ee ka xoogsata bagaashka. “Dadka uu khsaaraha tooska ahi soo gaadhay waa ganacsatada iibisa maacuunta, bagaashka, dharka iyo waxyaabaha quutal-daruuriga ah, ” ayaa uu yidhi Yuusuf Sheekh Maxamed, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Suuq-Bacaad. Maxamuud Cabdille Maxamed waxa uu ka mid yahay ganacsatda dharka ku iibiya suuqan gubtay. Waxa uu BBC-da u sheegay in gebi ahaan uu gubtay dukaankiisa oo saddex qaybood ka koobnaa. “Khasaaraha hantieed ee i soo gaadhay waa ugu yaraan 100 kun oo Doollar. Mana jiraan wax ii badbaaday,” ayaa uu yidhi.Waxa uu ka warramay raadka uu dabkani kaga tagay hantidiisa. “Dhibaato xoog leh ayaa na soo gaadhay. Waa dareemi kartaa nin lixdan jir ah oo xoolihiisii oo dhan ay gacantiisa ka baxeen. Ilaahay ayaan se aamminsan nahay,” ayaa uu hadalkiisa raaciyay. Xabiiba Maxamed Calasow waxa ganacsade kale oo ka mid ahayd dadka dukaammada ku leh suuqaasi. BBC-da ayay la hadashay iyada oo ku sugan goobtii uu ku burburay dukaankeedu. “Halkan dukaan baa iigu yaallay. Waxa uu ahaa dukaan dharka lagu iibiyo. Waxba iiga ma badbaadin.34 sano ayaan ku shaqaysanayay. Ammin fiidkii ah ayuu dabku i soo gaadhay, ” ayay tidhi. Dabka oo noqday mid ku soo noqnoqday MuqdishoMa aha markii ugu horraysay ee dab ka kaco suuq ku yaalla magaaada Muqdisho bilihii la soo dhaafay. Bahtamihii sannadkii hore dab ka billowday xilli subaxnimo hore ah ayaa ka kacay goobo ganacsi ee ku yaalla waddada isku xidha dhismaha shirkadda Somtel iyo suuqa Cabdalla-shideeye.Ilaa 12 boos oo isku wareeg ah ayaa gubatay, waxaana lagu iibin jiray elektarooniga iyo bagaashka, qaarkood ayaa gebi ahaanba baaba’ay, halka qaarna weli ay gubanayaan.”Halkan musiibo ayaa ka dhacday, mobeyllo iyo waxyaabo kale ayaa ku qarxay” ayuu yidhi mid ka mid ah ganacsatada suuqa oo la hadlayay warbaahinta dowladda Soomaaliya.Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in dabkan uu halkaa ka kaco, waxaana loo malaynayaa in khalad xagga korantada ah uu la xidhiidho, korantadaas oo dabkeedu uu ka billowday meel sandaqad ah.
Maxaan ka og nahay khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhashay dabkii Suuq-Bacaad?
Published on: