, 2025-03-20 13:53:10 ,
sonna2 Saacadood ka horHowlgallo ay ka mid ahaayeen duqaymo dhanka cirka ah oo lala beegsaday xubno ka tirsan ururka al Shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka Sumadaale sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.Wasiir ku xigeenka warfaafinta dolwadda federaalka ee Soomaaliya cabdiraxmaan Yuusuf al-Cadaala oo BBC la hadlay ayaa sheegay in holwgaladan ugu dambeeyay ay ku dileen saraakiil ka tirsan ururka.”Howlgalka hore wuxuu ka dhacay meel hoostagta deegaanka lagu magacaabo Sumadaale oo khawaarijto ay ku shirsanaayeen ayaa xalay ciidanka gaarka ah waxay ka fuliyeen howlgal si guul ah ayuu howlgalkaas ku dhamaaday horjoogayaashi iyo maleeshiyaadkii halkaasi wax dhintay iyo wax dahawacmay ayay noqdeen.”Hawlgalkaan ayaa u dhacay sidii loo agaasimay, waxaana la toogtay dhammaan horjoogayaashii iyo maleeshiyaadkii goobtaasi joogay, kuwaas oo awoodi waayay inay ka baxsadaan ciidanka gaarka ah ee dowladda oo ku hawlgalayay xog sirdoon oo dhamaystiran,” ayuu yiri Mr Caddaala.Dhanka kale, ururka al Shabaab ayaa waxay weerar ku ekeeyeen xerooyin ay leeyihiin ciidanka milatariga Soomaaliya oo ku yaalla Sabiid iyo Caanoole. Wasiir ku xigeenka warfaafinta dolwadda federaalka ee Soomaaliya cabdiraxmaan Yuusuf al-Cadaala ayaa farta ku fiiqay in ciidamada oo ka sii warhayay weerarka Al-shabab ayna ku jabiyeen.”Saaka salaadii subax ayay isku dayeen ianay soo weeraraan fariisimo ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin gobolka Shabeelaha hoose deegaanka Sabiid iyo Caanoole, ciidanka oo xaalad fejignaan ah ku jira ilaahey mahaddii way jabiyeen” ayuu intaa ku daray.Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan booqday furimaha dagaalka, ka hor inta aan lala beegsan weerar kolonyadiisa oo u socotay garoonka diyaaradaha. Maxaa ku qasbay madaxwaynaha inuu furumaha dagaalka tago SNTVWasiir ku xigeenka warfaafinta dolwadda federaalka ee Soomaaliya cabdiraxmaan Yuusuf al-Cadaala oo BBC ay wax ka waydiisay sababta uu madaxwaynaha xilligan mar kale uu furumaha ugu laabtay ayaa sheegay in madaxwaynahu aysan ahayn markii uygu horeysay ee uu furimaha tago.Waxaa uu intaa ku daray in madaxwaynaha uu yahya abaanduulaha ciidamada qalabka side islamarkana uu ciidamada ugu tagay dhiirigalin.”Madaxwaynaha sidaad ogtahay waa taliyaha guud ee ciidanak qalabka wuxuu halkaas u tagay inuu dhiirigaliyo ciidanka qaranka ee dagaalka ku jira iyo shacabak Soomaaliyeed ee iyaga dagaalamaya” ayuu yiri Mr Cadaala.Wasiir ku xigeenka ayaa carabka ku adkeeyay in ficilka madaxwayanha uu ku tagay jiidda hore ee dagaalka ay muujinayso sida ay uga go’an tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab.”Waana runtii calaamad muujinaysa heerka ka go’naanta ee madaxwaynaha iyo dowladda guud ahaan in dalkan laga xoreeyo Khawaarijta marka habacsanaan ma jirto,” ayuu intaa ku daray.Wasiir ku xigeenka warfaafinta dolwadda federaalka ee Soomaaliya cabdiraxmaan Yuusuf al-Cadaala ayaa dhanka kale farta ku fiiqay kaalinta dalalka saaxibada la ah Soomalaiya ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Al-shabab.”Runtii waxaa si guud door wayn ku leh dagaalka aan kula jirno Khawaarijta taageero fiicana siiya dabcan taageeradoodu kaalin wayn ku leedahay guulaha aan ka gaarno Khawaarijta”Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan dib u bilowday dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab oo hakad ku yimid muddooyinkii dambe.Dagaalladii ugu adkaa ee u dambeeyay ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, gaar ahaanna deegaannada Ceel-baraf iyo ee deegaanka kale ee Daaru-nicma, halkaas oo al-Shabaab dib looga qabsaday mar kale.Duqeymaha cirka ayaa sidoo kale lala beegsanayay kooxda.
