, 2025-08-21 21:48:33 ,
Mohamed Hussein Roble3 Saacadood ka horRa’iisulwsaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho kaga hadlay is mari waaga siyaasdeed ee u dhaxeeyo siyaasiyiyiinta mucaaradka iyo madaxweynaha dalka Xasan Sheeikh Maxamuud.Hadalka Rooble ayaa u muuqday mid uu kaga jawaabayey khudabaddii uu xalay Madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay magaalada Dhuusamareeb oo uu ku sheegay in ay mucaardku lahaayen is-afgaranwaaga waddahadalladii ay dhawaan wada yeesheen.Shirka jaraa’id oo Maxmed Xuseen Rooble uu arimo badan kaga hadlay waxa ugu muhiimsanaa qoddobadan:1. Ra’iisul wasaarahaan hore oo ka mid ah madasha la magacbaday Samata-bixinta ee ay ku mideysan yihiin musharixiinta xilka madaxweyne ee Soomaaliya ayaa ka hadlay in iyadoo waqtigii afarata sano ahaa ee dolwaddu uu gabagabo marayo aan wel lahayn hanaan doorasho oo lo dhan yahay, kaas oo uu ula jeedo mid ay raalli isaga yihiin siyaasiyiinta mucaaradka, maamul goboleedyada qaar iyo xukuumadda Soomaaliya. “Waxa muuqato in la rabo in qabto dooarsho koox gaar ahi wadato taas oo burbur ku keeni karta hanaanka dowladeed iyo midnimada qaranka” ayuu yiri Rooble .Waxa uu ku dhaliilay dowladda uu hugaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh in “aanay lahayn jiheeyn cad”. Waxa uu sheegay in mucaardka iyo madaxweynuhu ay horrey u yeesheen shan kulan ujeedaduna ay ahayd in xal loo dhan yahay laga gaaro sababta keentay khilaafka siyaasaded oo ay ugu weeyntahay sida uu sheegay wax ka beddelka dastuurka iyo doorashooyinka la filayo. Mohamed Hussein RobleKulamadaas ayuu sheegay in ay ku dhamaadeen fashil isagoo masuuliyadda fashilkaasina ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo uu ku eedeeyay in ay diiday in uu sameeyo tanaasul siyaasadeed oo dhab ah oo la taaban karo. Balse madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay khudbad ka jeediyay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa uu sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood ay ku jiraan baarlamaanka kaas oo ansixiyay qodobada wax ka badalka dastuurka ee haatan wax laga badalay ee ay ka cabanayaan siyaasiyiinta mucaaradka. Hadii loo baahdo in dib loo eego ayuu tilmaamay in ay wali jiraan nidaamyo loo mari karo wax ka badalka qodobada qaar. 2.Rooble ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrin ku aadan in waqtigii dastuuriga ahaa ee madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaar uu dhamaaday, isaga oo ugu yeeray “muddo kororsiga sharci darro ah”.”Waxaa dowlad goboleedyada qaarkood loo sameeyay muddo kororsi sharci darro ah iyadoo aan loo marin hanaan dastuuri ah mid federaal iyo mid gobolba” ayuu yiri Rooble. Waxaa xusid mudan in madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaar la dhaafay waqtigii uu dastuurkoodu u ogolaaday in ay xafiiska joogaan. Golaha wadatashiga qaran ayaa warmurtiyeed ay soo saareen horay ugu sheegay in ay ku shiiyeen in si loo midooyo doorashooyinka dalka la qaban doono doorashada madaxweynayaasha maamul goboleedyada 30 ka bisha November. Balse, qaar ka mid ah dowlad goboleedyada oo waqtigooda horay u dhamaaday ayaan wali wax doorasho ah ka dhicin. Madaxweyne Xasan SHeekh ayaa ka hadlin arrintaan khudbadiisii xalay, balse waxa uu ku dhalliilay xubnaha mucaaradka ee la baxay Madasha Samatabixinta in ay iyagu lahaayeen sababta keentay in isfahan la gaadhi waayo.
Laba qoddob oo Rooble ku soo hadal qaaday shirkiisa jaraa’id iyo sida ay u aragto dowladda Soomaaliya
Published on: