GEED waxa uu ka kooban yahay shan mashruuc lagu horumarinayo kobcinta suuqyada, dhisidda awoodaha maxalliga ah iyada oo loo marayo tababarro xirfadeed, yareynta khataraha maalgashiga gaarka loo leeyahay, iyo xallinta caqabadaha sharciyeed, dhaqaale iyo deegaan ee hor taagan horumarka.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson, ayaa tiri,”Tamarta dib loo cusboonaysiin karo iyo kobaca cagaaran ay yihiin arrimo mudnaan gaar ah leh oo aan la wadaagno Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxay sheegtay inay muhiim u yihiin horumar waara, dhimista faqriga, iyo dhismaha nabadda.”
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, agaasimayaal guud, wakiillo ka socday hay’adaha wada-shaqeynta leh iyo la-hawlgalayaal kale.