Guddoomiyaha Midowga Afrika oo sheegay in Soomaaliya ay wali u baahan tahay ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda Midowga Afrika
“Inkastoo ay soo food saartay caqabado dhaqaale, Ururka Midowga Afrika waxaa ka go’an inuu abaabulo wax waliba oo lagama maarmaan u ah socodsiinta Howlgalka cusub, Dadaal iskaashi ayaa lama huraan u ah in la adkeeyo howlgalkan” ayuu yiri Guddoomiyaha Midowga Afrika.
Waxa uu sidoo kale Khudbadiisa ku xusay in Xasiloonida Soomaaliya kaliya faa’iido ugu jirin Geeska Afrika balse sidoo kale ay faa’iido u leedahay nabadda caalamka.
Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay shaqada ay wadaan ciidamada ka socda Midowga Afrika iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ee dadaalka ugu jira dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed.