Dowladda Kuwait oo malaayiin lacag ah ugu deeqday Soomaaliya
Deeqdan ayaa ujeedadeedu tahay in lagu maalgeliyo mashaariicda bani’aadamnimada ee yar-yar ee daboolaya baahida 6.9 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya oo ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha.
Tani waa taageeradii afaraad ee Sanduuqa Kuwait ee Dawladaha Carabta ay siiso Qaramada Midoobay.
Tan iyo 2017, waxa ay bixisay ku dhawaad $4.6 milyan, oo ay ugu dambaysay deeq ay siisay dhulka Falastiiniyiinta 2024. Kuweyt waxa ay caddaysay sida ay uga go’an tahay in ay taageerto dadaallada bani’aadamnimada ee caalamiga ah.
