More

    Jigjiga oo laga fuliyay adeeg caafimaad oo aad loogu baahnaa

    Published on:



    , 2025-08-25 14:32:39 ,

    Qoraalka sawirka, .Saacad ka horDeegaanka Soomaalida waxa markii ugu horraysay laga bilaabay qalliin noociisu ku cusub yahay oo lagu beddelayo jilbaha, miskaha iyo sinaha islamarkaana wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka la xidhiidha seedaha.Qalliinka ayaa markii hore dad badan u aadi jireen magaalada caasimdda ah ee Addis Ababa iyo dalka dibaddiisa.Adeegyadaan caafimaad ayaa dadka waxa auga bixi jiray wakhti iyo dhaqaale badan, waxaana hadda fulinaya dhaqaatiir ka timid dalka Turkiga.Hawshan oo ay fuliyeen 16 dhakhtar oo muddo tobaad ah ku sugnaa deegaanka ayaa laga fuliyay isbitaallka Jigjiga ee Sheekh Xasan Yabarree.Madaxweyanha Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar oo goob joog ka ahaa munaasibadda lagu abaalmarinayay dhakhaatiirtan oo ka tirsan Hay’adda Iskaashiga Turkiga oo dhammaystiray qalliimo ay u sameeyeen 34 qof oo isugu dhallinyaro iyo waayeel.”Tani waxa ay muujinayaa wanaagga iyo kalgacalka ka dhaxeeya shacabka Itoobiya, gaar ahaan kuwa deegaanka Soomaalida iyo dalka Turkiga. Waxaan og nahay in markii Turkidu ay ka talinayeen meelo ay ka mid tahay magaalada Herer, in xidhiidh wanaagsan uu kala dhaxeeyay shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yidhi madaxeynaha deegaanka Soomaalidu.Mustafe Muxuxumed Cumar oo hadalkiisa sii wata ayaa raaciyay “Ma aha keliya in aad caawiseen 34 qof, laakiin waxaad kurbada ka fayddeen bulsho dhan. Soomaalidu waa dad badan oo qoysas qaar ay ka kooban yihiin 10 qof. Waxaana laga yaabaa in qoyska oo dhan ay ku howllaneeyeen hal qof oo naafo ah. Waxaanan rabnaa in cilmiga noocan ah aan ka faa’iidaysanno,” ayuu yidhi madaxweyne Mustafe.Dhinaca kale, Dr. Cabdillaahi Xuseen, oo ah Maareeyaha isbitaalka qalliimada laga fuliyay ayaa sheegay in dhibaatada bukaannada yimaadda xaruntan caafimaad ay kala kulmi jireen, iyada oo dadka intiisa badan ay door bidi jireen waddamada dibadda, sida dalka Hindiya.”Dadka qalliimadan loo sameeyay 21 qof oo ka mid ah waxa laga beddelay lowyaha. Hadda ka hor ma jirin adeegga noocan ah. Meelo kooban oo ka mid ah caasiamdda ayaa iyagu sameeya beddelka miskaha. Laakiin 95 boqolkiiba waxa loo aadaa dalka dibaddiisa. Dhaqaale ahaan, aad ayay u adkayd in adeeg caafimaad loo raadsado dibadda. Tusaale kooban, qofka raba in laga beddelo jilibka, waxa ku baxaysa hal miyan oo lacagta Itoobiya ah. Waxa intaasi dheer, kharshaadka kale oo nooliga iyo nolosha,” ayaa uu yidhi.Maareeyuhu waxa uu intaasi ku daray in isbitaalka la keenay qalabka lagu fulinayo hawshan islamarkaa ay jiraan xirfadalayaal Soomaali ah oo ku guda jira barashada noocyadan qalliimada ah.Qoraalka sawirka, .Dadka deegaanka ee adeegyadaan fursadda u helay ayaa iyaguna soo dhaweyay oo sheegay in ay bahai weyn u qabeen qalliimada, maadama dad badan aaney awoodin in ay dibadda u aadan oo aaney haysan kharashaka faraha badan ee ku baxa.Cabdulaahi Abdi Axmed oo ka mid dadka fursaddaan helay ayaa sheegay in qallin looga sameeyay lowga/jilibka kaasi oo uu baahi muddo dheer ah u u qabay.”Sifiican ayaa naloo qaabilay dowaladuna si wanaagsan ayay inoo qaabishay, lowyaha ayaa la’ iga hayay lugta bixida ah ayaa qalin lag iga sameeyay wax ilaahay inoo keenay ayuu ahaa lacag faro badan ayaa ku bixi jirtay oo shan iyo toban kun oo dollar taasna maaan awoodi karayn inaan lacag intaas leg bixino iyo inaan aadno Turkiga oo naga bixi lahaa kharash badan awoodeedana manaan lahayn”. ayuu yidhi.Waxaa uu sheeegay Cabdulaahi in muddo ka badan 20-sanno uu ka xanuusanayay jilbaha isla markaana aanu helin helin adeeg nooacan oo kale ah.

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here