More

    Itoobiya oo dalbatay in baaritaan lagu sameeyo xawaalado Soomaali leedahay oo Maraykanka ka hawlgala

    Published on:



    , 2025-08-04 22:14:33 ,

    Ethiopian National Bank2 Saacadood ka horBangiga qaranka ee Itoobiya ayaa ku baaqay in afar shirkadood oo fadhigoodu yahay Mareykanka lagu sameeyo baaris. Bangiga ayaa sheegay in shirkadahan maaliyadeed ay isku dayayaan in ay wiiqaan nidaamka maaliyadeed ee Itoobiya.Qoraal la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu sheegay magacyada afarta shirkadood ee lagu eedeynayo in ay shaki geliyeen aaminaadda nidaamka maaliyadeed ee Itoobiya, kuwaasoo la sheegay inay ka hawlgalaan gobollada Maryland, Virginia iyo Minnesota. Sida lagu sheegay qoraalka, “shirkadahan lacagaha xawila waxa ay ka uruuriyaan lacag jaaliyadaha Itoobiya ee ku nool Mareykanka, ka dibna waxay u diraan Itoobiya iyo dalal kale”.Bangiga waxa uu sheegay in “shirkadahan ay xalaaleeyaan lacago sharci darro ah iyo in ay maalgeliyaan howlo aan sharci aheyn”.Doolarka Mareykanka ayaa ah lacagta ugu badan ee la geeyo dalka Itoobiya marka la fiiriyo lacagaha qalaad ee soo gala dalka.Dowladda waxay isku dayeysay in ay saxdo nidaamka sarrifka suuqa laga soo bilaabo sanadkii hore si loo yareeyo lacagaha qalaad ee suuqa madow.Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegtay in go’aankan uu kordhinayo keydka sarrifka lacagta Itoobiya, balse qiimaha suuqa madow ayaa sidoo kale kor u qaadi doona nidaamka.Dhinaca kale, bangiga wuxuu dacwadeeyay afar shirkadood uu fadhigoodu yahay Mareykanka kuwaas oo lacagaha xawila. Afarta shirkadood ayaa magacyadooda lagu sheegay.Shgey Money Transfer — Silver Spring, MD, and Falls Church, VAAdulis Money Transfer — Falls Church, VA, and Silver Spring, MDRamada Pay (Kaah) — Falls Church, VATAAJ Money Transfer — Minneapolis, MNBangiga wuxuu sidoo kale ugu baaqay hay’adaha ay Khuseyso in ay taageeraan baarista lagu sameynayo shirkadaha. Wuxuu sidoo kale bangiga ka dalbaday jaaliyadaha Itoobiyaanka ah ee ku nool dibadaha in ay joojiyaan xiriirka ay la leeyihiin shirkadahan.”Waxaan si adag ugu talinaynaa in lacagta ay u dirayaan dadkooda ay marsiiyaan xawilaadaha laysku haleyn karo ee sharciga ah” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay bangiga.Bangiga wuxuu kaloo sheegay in uu sii wadi doono baarista iyadoo tallaabada uu qaadayana uu ku saleyn doono baahida jirta ayaa lagu yiri qoraalka bangiga.”Waxaan ka codsanaynaa maamulka ku shaqada leh ee aaggooda ay ku yaallaan wadashaqayntooda baaritaankan ku saabsan” ayaa lagu yiri qoraal uu bankiga qaranka ee Itoobiya soo dhigay barta X. Ethiopian National BankQoraalka sawirka, Qoraalka Bankiga qaranka ee ItoobiyaBangiga wuxuu ka digay lacagaha la soo mariyo hay’adahan, waxa uuna sheegay in taasi ay sababi karto tuhun ah in hanti sharcidarro ah la doonayo in lagu xalaaleeyo.”Waxaa muhiim ah in lacagaha dalalka la isaga diro loo sameeyo qab waafaqsan hanaanka sharciyeed ee maaliyadda, ayadoo la xaqiijinayo qaabka loo kormeerayo si loo yareeyo khatarta ka imaanaysa lacagaha sharci darrada ah iyo maalgelinta argixisada” ayaa lagu yiri qoraalka baanka Itoobiya ee la soo dhigay barta X.Bangiga wuxuu kaloo sheegay in aysan jirin wax damaanad qaadaya in lacagaha lagu soo diro shirkadahan ay gaareyso dadka loo soo diray.Bangiga ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay hay’adaha sharciga ah ee uu ugu yeero xawaaladaha.Ugu dambeyn bangiga wuxuu sheegay in dadka ay isticmaalaan shirkadaha sharciga ah ee lacagaha xawila.BBC waxay isku dayday inay jawaab ka hesho madaxda shirkadda xawaaladda Taaj oo magacooda lagu sheegay warbixinta, hase yeeshee maas’uuliyiintii aan la xiriirnay waxay ka gaabsadeen inay jawaab ka bixiyaan arrintan. Sidoo kale waxaan noo suurto gelin in aan jawaab ka helno shirkadda Kaah oo ayadana lagu sheegay warbixinta.

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here