More

    Isniin, Apr 28, 2025-Hogaankii Dhismaha Ciidanka Boliiska ee qaabilsanaa Hirgelinta Dhismayaasha Dawladda oo 34sano kadib la hirgaliyey

    Published on:


    Hogaankii Dhismaha Ciidanka Boliiska ee qaabilsanaa Hirgelinta Dhismayaasha Dawladda oo 34sano kadib la hirgaliyey

     
    Isniin, April 28, 2025 (HOL) – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa 34sano kadib dib u howlgeliyey Hogaankii Dhismaha Ciidanka Boliiska oo qaabilsanaa Hirgelinta Dhismayaasha Dawladda iyo Horumarinta Adeegyada kaabayaasha dhaqaale ee guud ahaan Dalka.Hogaankii Dhismaha Ciidanka Boliiska ee qaabilsanaa Hirgelinta Dhismayaasha Dawladda iyo Horumarinta Adeegyada kaabayaasha waa uu jiray magac ahaan shaqaduna waxa ay aheyd mid xadidan.

    Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa G/le Sare Axmed Xusseen Maxamed u magacaabay dhawaan Hogaanka Dhismaha waxaana markiiba uu ka howlgalay diyaarinta qorshaha uu Hogaankan ku howlgalayo isagoo kaashanaya khubaro uu Taliyuhu uu xushay dib u howlgelinta shaqadii uu Dawladda u hayey.

    Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa Taliyaha gudoonsiiyey ruqsadda uu Gobalka Banaadir uu Hogaanka Dhismaha uga howlgeli karo si uu doorkiisa uga qaato Hirgelinta Dhismayaasha iyo dib u habeynta xarumaha loogu adeego Bulshada ee Gobalka Banaadir ku yaala.

    Dib u howlgelinta Hogaanka Dhismaha ayaa soo celinaya Nidaamka Dawladnimo ee dhinaca Dhismayaasha Dawliga iyo awoodii uu Hogaankaasi ulahaa fulinta adeegyadaasi.













    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here