More

    ‘Garsoorihiii ugu fiicnaa dunida’ iyo xiriirkii kala dhaxeeyay Soomaalida

    Published on:



    , 2025-08-21 18:23:44 ,

    Caught In ProvidenceSaacad ka horGarsooraha caanka ah ee Maraykanka ahna xiddigga baraha bulshada Frank Caprio ayaa geeriyooday isagoo 88 jir ah, sida ay qoyskiisu sheegeen. In ka badan 40-sano ayuu kasoo sahqeeyay jasiiradda Rhode Island, wuxuu caan ku ahaan naxariis iyo kaftan si uu u sameeyo xukunno tixgelinaya duruufaha shakhsi ahaaneed ee dadka lagusoo oogay dacawada ee maxkamada jooga.Dhimashadiisa ka dib markii laga helay kansarka ganaca ayaa lagu shaaciyay akoonkiisa rasmiga ah ee Instagram-ka, halkaas oo lagu xasuusto “soo dhaweyntiisii ” iyo “aaminsananatiisii aan gabahsada lahay ee ahay in dadka loo wanaag falo”.Garsoore Caprio ayaa kumanaan kiis ku soo qabtay magaaladiisa Providence, Rhode Island, ka hor inta uusan bilaabin xirfadda TV-ga.Qaabka maxkamadiisa waxaay noqotay muuqaallo faad u faafo isaga oo ku martiqaadaya carruurta inay la fadhiistaan kursiga gka danbeeya inta lagu jiro kiisaska dacwada, si uu ugu yeero “xaakim yar”.Fiidiyow TikTok lagu baahiyay oo uu kusoo bandhigay hawlihiisa subaxnimo – cadaysashada ilkahiisa, saxeexa buuggiisa iyo daawashada muuqaalada bandhiggiisa -ayaa waxaa daawaday in ka badan 5 milyan oo qof. Caught in ProvidenceWareysi lala yeeshay sanadkii 2019, Garsoore Caprio wuxuu sheegay muujintiisa qolka maxkqamadda ay tahay ” mid uu ku muujinayo qayb ka mid ah nolosha Rhode Island taas oo ah mid aad u xiiso badan, waxayna ka tarjumaysaa arrimaha isku midka ah ee ay dadka dalkan ku nool ay la kulmaan “.David Caprio, wiilkiisa, ayaa uga mahadceliyay taageerayaasha jacaylka iyo taageerada ay u hayaan, wuxuuna dadka ku booriyay inay “si naxriis leh u faafiyaan” xusuusta aabihiis.Qoraal uu soo dhigay Instagram-ka oo ay ku xiran yihiin 3.4 milyan oo taageerayaashiisa ah, ayaa garsoore Caprio lagu xusuustaa “ficillada naxariista leh ee aan la tirin karin ee uu dhiirigeliyay”.”Dabacsananatiisa, kaftankiisii, iyo naxariistiisii waxay ku reebtay raad aan ka tirtirmin dhammaan dadkii yaqaanay,” ayaa lagu yiri bayaanka.Intii uu shaqaynayay, barnaamijkiisa Caught in Providence – waxaa loo magacaabay seddex abaalmarin oo ah Emmy, iyadoo Garsoore Caprio uu kasbaday in laba jeer loo magacaabo abaalmarintaas sanadkii hore.Mid ka mid ah qoraalladiisii ugu dambeeyay ee baraha bulshada, Garsoore Caprio wuxuu ku dhawaaqay inuu ku soo laabtay isbitaalka ka dib markii uu “dib u dhac” ku yimid daweyntiisa wuxuuna weydiistay taageerayaashiisa duco.Garsoore Caprio waxa uu ifka kaga tagay xaaskiisa Joyce Caprio oo ay da’deedu ku dhowdahay 60 sano, iyo sidoo kale shan carruur ah oo ay dhaleen, toddobo ay awoowe u yihiin iyo laba ay awoowe labaad u yihiin.Garsoore Frank Caprio iyo xiriirka kala dhaxeeyay SoomaalidaKa sokow in ay soomaalidu ka mid ahayd dadka uu qaaday dacwadooda, garsoore Frank Caprio waxaa uu bartiisa YouTube uu kusoo bandhigay qoys Soomaali ah oo Garsoore Caprio ugu deeqay sedeex geel ah oo ay hadiyad ahaan u siiyeen iyo sheekadii dhex martay ee geela ku saabsaneyd.Cumar Xasan oo joogo magalaad Muqdisho ah ayaa garsoore Frank haddiyad ahaan u siiyay seddex geel ah .Cumar ayaa sheegay “waxa aan rabaa in aan siiyo garsoore Caprio seddex halaad oo geel ah, sababtoo ah waa nin naxariir badan oo leh wadno naxariis leh taasina waa sababta aan u jecelahay .Garsoore Franka aya isaga laftiisa telafoonka la iska arko maqal iyo muuqaal ahaan ku wacay Cumar oo dhex jooga xerada geeliisa isagoo dhinac fadhiya aabiihiis Dr Cali.Garsoore Caprio ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay wada hadlaan oo xiriiraan halka Cumar laftiisu uu sheegay in uu aad ugu faraxsanayahay isaga laftiisu in uu Khadka kula xiriiro .Garsoore Caprio ayaa weeydiiyay Cumar sababta uu geela u siiyay. Waxaana Cumar kaga jawaabay “waad na farax gelisay sida aad dadka u caawineeysid maalin kasta”, halka cumar aabihiis uu u sheegay Garsoore Caprio in ay go’aansadeen in ay geel siiyaan, sababtoo ah buu yiri “waxaa aad tahay qof aan jecelnahay”.Garsoore Caprio ayaa u sheegay Cumar iyo aabihii “Waan aqblay haddiyadaas qaaliga ah laakin waxa aan ku xirayaa hal shardi oo ah in geelaasi aad magcayga ku siisaan qof aad ugu baahan oo ku nool deegaankiina, gaara ahaan qoys sabool ah” ayuu yiri garsoore Caprio.Cumar ayaa sheegay in ay sugayeen amarkiisa oo geelu uu yahay geeliisa sidaasi darteedna ay hadda siinayaan dad sabool ah kuwaas oo ah seddex qof oo danyar ah. “Taasi waa cajiib” ayuu yiri Garsoore Caprio oo in taasi ku daray waxa aad tahay qof naxariis badan.Garoosre Caprio ayaa weeydiiay Cumar in uu fiidiyowga ka tuso seddexda geela ah ee uu haddiyada u siiyay. Cumar aya yiri “ma ku qabtaa kaamerada si aan kuu tuso” Garoose Caprio ayaa yiri ” Haa , waan jeclaan laha in aan arko” isagoo markaasi garsoore Caprio marii uu arkay seddexda geela ah ee haddiyada loo siiyay oo ku dhex jirta geela kale ee Cumar, ku yiri cumar waa geel wanaagsan.Ugu danbeytii Garoosre Caprio aya weeydiiyay Cumar abihiis, Dr Cali qiimaha lacageed ee u geelaasi joogo waxana uu Cumar oo arintaasi ka jawaabayey uu sheegay in qiimaha hashii geela ay qiyaastii tahay $1000.Garoosre Caprio ayaa uga mahadceliyay Cumar iyo Aabihiis iyo qoyskiisa in ay seddex geel ah oo ay haddiyad ahaan u siiyeen isaga ay haddana magaciisa ku bixiyaan oo ku siiyeen dad sabool ah. Taasina ay aad u farax gelineyso.

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here