More

    Faahfaahin ka soo baxaysa dayaaraddii ku burburtay agagaarka garoonka Aadan Cadde, yaase ku dhintay

    Published on:



    , 2025-07-02 19:09:05 ,

    Reuters2 Luulyo 2025Wasaaradda difaaca ee Uganda ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in khasaare dhimasho leh uu ka dhashay ka dib markii dayaarad Helikobter ah oo ciidankooda qaybta ka ah hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya leeyihiin ay ku dhacday meel u dhow garoonka dayaaradaha ee magaalada Muqdisho.Qoraalka ayaa lagu sheegay in dayaaradaas oo nooceedu yahay Mi-24, kuna dhacday meel garoonka u jirta 200 mitir ay saarnaayeen 8 qof oo 6 ka mid ah ay ahaayeen shaqaalihii dayaaradaas.”Jugtii ay dhulka ku dhacday ayaa dhaliyey in rasaas saarnayd ay qaraxdo , taasoo sababtay dhaawac soo gaaray dhismayaal u dhawaa, ayadoo ay sidoo kalena ku dhaawacmeen 3 qof oo rayid ah” ayaa lagu yiri qoraalka.Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in duuliyihii, kaaliyihiisii iyo injineerkii dayaaradda ay ka badbaadeen shilka, ayadoo uu soo gaaray dhaawac daran iyo gubasho xoog leh. “Waa la soo badbaadiyey ayaga iyo seddex qof oo rayid ah” ayaa lagu yiri qoraalka, ayadoo loo qaaday dadka dhaawacmay isbitaal uu leeyahay hawlgalka AUSSOM.Wasaaradda gaashaandhigga ee Uganda waxay intaa ku dartay in 5 qof oo shaqaalihii dayaaradda ahaa ay shilka ku geeriyoodeen.”Koox gurmadka degdegga ah oo ka socotay dabdamiska garoonka dayaaradaha caalamiga ee Muqdisho, Qaramada Midoobay, iyo kooxda burburinta hubka ee AUSSOM ayaa maamulayey goobta, ayagoo taageerayey hawsha samata bixinta” ayey tiri wasaaraddu.Goor sii horreysay ayaa hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) wuxuu sheegay in dayaarad Helikobtar ah oo ay leeyihiin ciidanka Uganda ee hawlgalka qaybta ka ah ay dhacday subaxnimadii saacaddu markay ahayd 07:30 in yar ka hor markii ay ku degi lahayd garoonka dayaaradaha ee Aadan Cadde, ayadoo xilligaas ka timid saldhigga militariga ee Balli Doogle oo qiyaastii 100 koofur galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.Mashaqadan ayaa keentay in ay saamayn ku yeelato hawlihii ka socday garoonka, gaar ahaan dayaaradda Turkish Airlines oo xoogaa dib u dhac ah uu la soo dersay, halka ay dayaaradihii yaryaraa ee duullimaadyada gudaha samaynayey ay duullimaadyadooda wateen.In yar ka hor intii aysan wasaaradda difaaca ee Uganda shaaca ka qaadin warka dhimashada shaqaalaha saarnaa dayaaradda, ayaa safaaradda Maraykanka ee Muqdisho waxay soo saartay qoraal ay kaga hadlayso sida ay uga xun tahay shilkaas, ayadoo ka tacsiyeysay geerida aan weli xilligaas si rasmi ah loogu dhawaaqin. XDawladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin shilkan.Qaybo badan oo magaalada Muqdisho ka mid ah ayaa laga arkayey qiiq madow oo cirka isku shareeray, ayadoo sidoo kalena la maqlay qarax weyn markii ay dayaaraddu dhacday, waxaana si degdeg ah halkaas u gaaray ciidamada Uganda oo la wareegay koontaroolka goobta intii uu gurmadku socday.Ilaa hadda lama sheegin sababta keentay shilka dayaaraddan.Bishii Maarso ee sannadkii hore ayaa dayaarad xamuul ah waxay ku dhacday duleedka magaalada Muqdisho, ayadoo ay ku dhinteen dhamaanba 5tii qof ee la socotay.Diyaarada oo nooceedu ahaa DHC-5D Buffalo oo lagu sameeyo dalka Canada ayaa ka diwaangashneyd dalka Kenya. Diyaarada waxaa saarnaa labo duuliye, injineer iyo qof maamula xamuulka.Agaasimaha hay’adda duulista hawada ee Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan, ayaa BBC-da uga warramay sidii ay wax u dhaceen ka hor inta aysan diyaarada dhicin.”Shantii iyo afartan iyo afar daqiiqo ayey aheyd oo maqribku soo dhawaa, hal matoor ayaa dayuurada ka damay inta aan ognahay oo aan diwaanka ku hayno markii ay ku soo dhaweyd Muqdisho, kaddib hawada ayey ka baxday”.

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here