, 2025-07-28 20:14:09 ,
Facebook3 Saacadood ka horXaalad colaad ayaa weli ka taagan magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo oo ay ku dagaallameen saakay ciidamo kala taabacsan maamulka Jubaland iyo kuwo dowladda oo uu hoggaaminayo sarkaal dowlada federaalka Soomaaliya ka tirsan oo lagu magacaabo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).BBC-da oo khadka taleefonka kula hadashay Janan waxa uu sheegay in weerarka saakay uu jiray mid ka horeeyay, wuxuu kaloo sheegay in labada jeer uu isaga difaac ahaa.”Dagaalka maanta dagaal ayaa ka horeeyay, xerada ayaa laygu soo weeraray… saakay 11-kii subaxnimo ayaa dib la ii soo weeraray, marka waa laysoo weeraray ee ciidamadan weerar ma aadin” ayuu yiri.Cabdirashiid Janan wuxuu kaloo sheegay in maalimihii u dambeeyay ay ciidamadiisa ku jireen go’doon. Wuxuu kaloo sheegay in xiradooda laga dulqotay dhufeyso, lana go’doomiyay, biyahana laga celiyay iyagoo ciriiri ku jiray maalmahan oo dhan.”Maalmahan oo dhan, barnaamij wuxuu ahaa ay xerada ku wareegsanaayeen oo difaac ka kor-qodanayeen nimanka weerarka saakay soo sameeyay, anagana intaas shacabka Soomaaliyeed baan u tureynay iyo in uusan meeshan dagaalka ka dhicin”.Mar aan weydiinay Cabdirashiid Janan in dagaalka looga adkaaday wuxuu sheegay in weli uu joogo halkii uu ku sugnaa.”Nin laga gacan roonaaday inta badan ma hadlo booskiisana kuma sugnaado, anigana waxaan kaala hadlayaa xerada”.Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in ciidamadiisa aysan cid ka dhiman balse ay jiraan qaar ka mid ah askarta oo dhaawacmay.”khasaare dhimasho ah oo i soo gaaray ma jiro balse dhaawac waa i soo gaaray”.Janan ayaa sheegay in ciidamada ka soo horjeeda ay dad ka dhinteen, uuna ka xun yahay maadaama ay yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed oo ahaa “askar la qalday” sida uu sheegay.Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in Beled Xaawo uu u yimid sidii uu dhisi lahaa ciidamada dowaldda federaalka Soomaaliya.”Anigu waxaan ahay sarkaal ay dowladda Soomaaliyeed soo dirtay, una soo dirtay ciidamada gobolka Gedo jooga in uu habeeyo goob kasta ay ku sugan yihiin, gaar ahaan Jubaland oo dhan”.Cabdirashiid Janan ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka joogay gobolka ay ahaayeen kuwa ay dirir ka dhexeysay oo lagu kala dhex jiray.”Sideed bilood ayey odayaasha dhaqanka ku kala dhex jireen ciidamadii labada dhinac u kala fadhiyay, sideed bilood dagaal soo taagnaa oo socday ayuu ahaa, aniga in aan qaboojiyo oo ciidamadaas aan dib u habeyn ku sameeyo ayaan u yimid”.Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in Gedo saysan joogin ciidamo ka socda maamulka Jubaland.”Gedo wax ciidan ah oo Jubbaland ay leedahay oo annaga aan ognahay oo shaqsiyan aan ogahay, anigu reer Gedo ayaan ahay ma jiraan” ayuu yiri Janan oo intaas ku diray in kuwa la dagaallamaya ay yihiin ciidamadii dowladda iyo maleeshiyaad la abaabulay oo hadda la abuuray.Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in uu doonayo sidii uu dhibaatada gobolka wax uga qaban lahaa.”Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada lagu wado iyo sida ay wax u dhacayaan marka aan fiirino, waxaan ku qasbanahay hadii aan nahay ciidamadii Soomaaliyeed iyo madaxda meesha joogta oo aniga aan u sareeyo in aan shacbkeena ka badbaadino cid kasta oo dhibaato u geysaneysa”. MAXAMED QANI KUUSOOWDhanka kale maamulka Jubaland ayaa ku eedeeyay in ciidamadooda ku sugan Beled Xaawo iyo Doolow ay dowlada federalka soo weerartay.Wasiirka warfaafinta maamulka Jubaland Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar ayaa BBC-da u sheegay in ciidankooda muddo la weerarayay.”Muddo toddobaad ku dhow magaalada Beled Xaawo iyo Doolow waxay wajahayeen weeraro kaga imaanayay ciidamo ku sugan xerada UK ee Beled Xawa, ciidamadaas waxay ka amar qaataan ciidamada dowladda federalka Soomaaliya”Mar aan weydiinay in ay garab ka helayaan ciidamo Itoobiyaan ah, wuxuu sheegay wasiir Cabdifitaax in taas uusan la socon balse ay dowladda federalka ku eedeynayaan dagaalka halkaas ka socda.”Anaga waxaan ku eedeynay dowaldda in ciidamada nabad-sugidda ee Doolow jooga ay xalay weerareen xarumaha ciidamada Daraawiishta Jubaland”.Wasiir Cabdifitaax wuxuu sheegay in xalka ay u arkaan in looga dambeeyo wixii maamul ah.”Anaga waxaan u aragnaa gobolka Gedo waa gobol Jubaland maamusho, in looga dambeeyo Jubaland wixii mas’uuliyad ah, wixii wadahadal ahna heer gobol iyo heer federal loo xaliyo”.Ma ahan markii ugu horeysay ee gobolka ay ku dagaallamaan ciidamo ka socda dowladda federaalka iyo kuwa Jubaland.Sanadkii 2020-kii ciidamo ka socda dowladda federalka iyo kuwa Jubaland ayaa ku dagaallamay Gedo. Dagaalka dhanka ciidamada Jubaland waxaa hoggaaminayay Cabdirashiid Janan oo laga adkaaday.Maamulka Jubaland xiligaas wuxuu ku eedeyay in Dowladda Dhexe ay dagaalka soo qaadeen.Khilaafka dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo hoggaanka maamulka Jubbaland ma ahan mid ku kooban dowladda hadda jirta ee Jubaland waxay sidoo kale la soo dagaallameen dowladdii tan ka horreysay.
Dhinacyada isaga soo horjeeda Gedo oo eedeyn isku jeediyey ayadoo mar kale uu dagaal dhex maray
Published on: