, 2025-08-11 11:23:25 ,
Qoraalka Codka, Dagaalkan ayaa ah mid soo laalaabtayDhegeyso: Madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo BBC-da uga warramay khasaaraha ka dhashay dagaalkii saakay dhacay21 Daqiiqadood ka horMaamulka Jubaland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya mar kale ku eedeeyay colaadda ka taagan magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo saaka ay ku dagaallameen ciidamo dowladda federaalka ah iyo kuwa maamulka Jubaland.Maxamuud Sayid Aaden, madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo BBC-da la soo xiriiray ayaa sheegay “in nabad sugidda dowladda federaalka amar lagu siiyay in ay weeraraan fariisimo ay joogaan ciidamada Jubaland oo ku yaalla duleedka Balad-Xaawo.”Wuxuu xaqiijiyay “in khasaare xooggan uu jiro oo soo gaaray labada dhinac isla markaana dhaawacydii loo qaaday dhanka magaalada Mandheera ee dalka Kenya.”Saraakiil ayaa dagaalka ku dhintay sida uu sheegay Maxamuud Sayid Aaden.Wuxuu tilmaamay “in madaxda dowladda federaalka ah lagula xisaabatamayo waxa ka dhacaya Balad-Xaawo, isagoo odayaasha iyo xildhibaannada ka soo jeeda Gedo ugu baaqay in nabad la kala dhex dhigo dhinacayada dagaallamaya.Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysigiisa oo dhammeystiran:
Dhegeyso: Madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo BBC-da uga warramay khasaaraha ka dhashay dagaalkii saakay dhacay
Published on: