More

    Dhakhtarii wehelka la ahaa saalada qalliinka xiliyadii dagaallada iyo qaraxyda oo Muqdisho lagu aasay

    Published on:



    , 2025-02-28 18:31:28 ,

    GOOBJOOGQoraalka sawirka, Dr Maxamed Yuusuf ayaa xalay Muqdisho ku geeriyooday2 Saacadood ka horAllaha u naxariistee waxaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho Dr Maxamed Yuusuf Xasan oo muddo dheer agaasime ka ahaa isbitaalka Madiina, isla markaana ahaa dhakhtar qalliin xilliyadii dagaalladu ka socdeen Soomaaliya.Dr Maxamed Yuusuf waxa uu ku dhashay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose 1950-kii, waxa uu waxbarashadiisa hoose dhexe ku kala qaatay magaalooyinka Qoryooley, Baydhabo iyo Marka.Dugsiga sare waxa uu ka galay sanadkii 1966-kii magaalada Muqdisho, waxa uuna ka baxay dugsigii Sheekh Xasan Barsame.1970-kii ayuu tagay dalka Taliyaaniga halkaas oo uu ka bilaabay barashada cilmiga caafimaadka isagoo qalin jabiyay sanadkii 1975-kii. Isla Taliyaaniga ayuu ka bilaabay takhasuska qaliinka guud, isagoo takhsuskaas dhameystay 1980-kii. Isla takhasus kale oo ah qaliimada saableyda ayuu sameeyay.Ku soo labaashadii Dr Maxamed Yuusuf ee Afrika iyo shaqooyinkii uu ka qabtay GOOBJOOGQoraalka sawirka, Dr Maxamed Yuusuf oo warbaahinta uga warbixinaya dhaawacyada isbitaal madiina la gaarsiisyay Maajo 31, 2020Dr Maxamed Yuusuf intii uu joogay dalka Taliyaaniga ee uu waxbarashada ku jiray gaar ahaan kuwa takhasuska waxa uu ka shaqeeyay Isbitaallo ku yaala wadankaas.Soomaaliya waxa uu ku laabtay sanad kii 1986-kii, waxa uu macalin ka noqday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuliyadda caafimaadka. Kuma sii nagaan Soomaaliya ee markii dagaalladu qarxeen 1991-kii, waxa uu ku laabtay dalka taliyaaniga halkaa oo uu madaxa qaliinka ka noqday isbitaal ku yaala, isagoo joogay muddo seddex sano ah.Afrika ayuu markale u soo wareegay waxa uuna ka shaqo bilaabay isbitaalka dawladda ee caasimadda Mbabane ee dalka Eswatini halkaas oo ka noqday madaxa qaliinka isagoo ka shaqeeyay muddadii u dhaxeysay 1995-kii illaa 1998-kii. Kaddib waxa uu u wareegay dalka Koonfur Afrika, isagoo uga sii gudbay wadanka Musaabiig caasimaddiisa Mabuuto oo Isbitaal ku yaala uu ka noqday madaxa qaliinka.Soomaaliya waxa uu markale dib ugu laabtay 2001-dii, isagoo ka hawl bilaabay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxana laga dhigay madaxa qaybta qaliinka sanadkii 2004-tii.Afar sano kaddib waxa loo magacaabay agaasimaha guud ee Isbitaal Madiina, waxa uuna xilkaas hayay illaa 2020-kii. Muddadii uu agaasimaha ka ahaa isbitaalka Madiina, waxa labo jeer loo doortay in uu noqdo gudoomiyaha ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu macalin ka ahaa kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir.Xiliyadii adkaa ee Dr Maxamed Yuusf uu wehelka la noqday saalada qalliinka ReutersQoraalka sawirka, Dhaawac loola cararrayo qaybta gurmadka degdeg ah isbitaal MadiinaDr Maxamed Yuusuf intii uu agaasimaha ka ahaa Isbitaal Madiina waxay ahayd xiliyadii ugu adkaa ee dadka reer Muqdisho ay dhibta dariska la noqdeen. Sanaddadii uu Isbitaalka joogay waxa dhacay dagaalladii lagu hoobtay ee ciidamada Itoobiya iyo kooxaha kacdoonka waday , waxana isbitaalka si joogta ah loo geynayay dhaawacyacda duqeynta aan loo aabo yeelin ee ciidamada Itoobiya ku hayeen xaafaddo ka tirsan magaalada iyo dadka ku soo dhaawacma rasaasta la is waydaarsanayay.Dhakhaatiirta oo yareyd darteed Dr Maxamed Yuusuf waxa uu si farsamo leh oo dhakhso ah u hawlgaliyay dhakhaatiirtii da’da yarayd ee xiligaas ka baxaysay kuliyadda caafimaadka, waxana marrarka qaar dhacaysay in maalintii oo kaliya la sameeyo tobannaan qaliin oo ah dad rasaas iyo madaafiic waxyeeleysay.”Waxa jirtay in dhakhaatiirtii ay yaraato marka ardaydii jaamacaddaha ka baxay ayuu waxa uu u fidiyay tababarro qaliinka ah si ay gacan uga gaystaan, dhaawacyadu waxay u imaanayeen boqol boqol, labo labo boqol madaafiicdii ciidamada Itoobiya ku ridayeen magaalada awgeed, marka waxa uu ku guuleystay dhakhaatiir badan markii ay qalin jabinaayeen in gacantoodu fadhiday” ayuu yiri Dr Rooble Maxamed Yuusuf oo ah wiil uu dhalay Dr Maxamed Yuusuf oo BBC-da waraysi siiyay.Xiliyada kale ee uu wehelka la noqday Dr Maxamed Yuusuf saalada qaliinka waxa kamid ah waqtiyadii ay dhaceen qaraxyadii ugu waaweynaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho sida qaraxii ka dhacay xarunta hargaha iyo saamaha 2011-kii iyo qaraxii soobe ee 2017-kii, markaas oo mar kaliya isbitaalka dhaawac ahaan loo geynayay boqollaal qof.Sidee uga badbaaday Dr Maxamed Yuusuf weerar lagu khaarajin lahaa 2008-dii GOOBJOOGQoraalka sawirka, Waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo ah halkii lagu weerarray Dr Maxamed YuusfDhammaadkii 2008-dii Dr Maxamed Yuusuf Xasan waxa uu ka soo baxay gurigiisa oo ku yaalay inta u dhaxaysa ceelasha biyaha iyo siinka dheer, waxana uu ku socday magaalada Muqdisho, hayeeshee marka uu marayay tabeellaha sheikh Ibraahim ayaa waxa gaarigiisa lagu horjaray gaari kale kaddbna rasaas ayaa oodda looga qaaday.”Inta uusan soo gaarin tabeellaha Sheekh Ibraahim waxa gaarigiisa lagu horgeeyay gaari ruuneet ah, niman hubeysan ayaa ka soo dagay markaas ayaa xabaddo lagu soo hurgufay, ma qalqalin ee waxa uu gaariga u dhaqaajiyay mid kamid ah dableydii rasaasta ku ridaysay sidaas ayuuna waddada ku furtay laakiin hal qof oo isaga la socday ayaa garabka dhaawac ka gaaray, isaga wax gaaray ma jirin si daganaansho leh ayuu goobta uga baxsaday” ayuu yiri Dr Rooble Maxamed Yuusuf oo BBC-da la hadlay.Gaariga oo dhinac kasta ay rasaas uga taalo ayaa Muqdisho soo galay, sidaas ayuuna Dr Maxamed Yuusuf uga badbaaday isku daygaas lagu khaarajin lahaa.Isla waqtigaas ICRC oo taageereysay isbitaal Madiina ayaa ugu baaqday Dr Maxamed Yuusuf in uu wadanka isaga baxo oo ay gaynayaan meel kasta oo uu doorto si naftiisu u nabadgasho, balse waxa uu ku adkeystay in uu wadanka ka sii shaqeenayo.

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here