, 2025-05-12 18:46:58 ,
 GoogleSaacad ka horGaroonka diyaaradaha degmada Doolow oo xirnaa ilaa bishii Desember sanadkii la soo dhaafay ayey dowladda federalka dib u furtay. Garoonka waxa uu halbowlo u ahaa isu socodka dadweynaha maadama meelo badan dhulka aan loo mari karin sababo amni iyo wadooyinka oo burbursan.Cabdifitaax Cali Dhoore waxa uu ka mid yahay dadweynaha reer Beledxaawo oo ay saameysay xirnaashaha garoonka diyaaradaha magaalada. Sanad kan waxa uu doonayay in uu xajiyo, muddo ayuu ku xayirnaa Gedo, balse markii dambe dhulka ayuu soo maray isagoo dhibaatooyin kala duwan la kulmay oo ay ka mid tahay in laga furtay wixii uu watay markii burcad hubeysan ay jidka u galeen, sida uu u sheegay BBC da.In ka yar labo saacadood ayey ku qaadan jirtay dadweynaha u kala socda Muqdisho iyo Beledxaawo balse xirnaashaha garoonka ayaa keenay in waqtiga intaas ka bato oo maalmo qaato.”Safar dheer oo labo habeen iyo maalin qaatay ayuu ahaa, una dhexeeyay Beledxaawo iyo muqdisho” ayuu yiri Cabdifitaax oo sheegay in wax ka yar labo saac uu qaadan jiray markii uu garoonka furnaa.Intii ay jidka ku soo jireen Cabdiftiaax waxa uu noo sheegay in xaalku aad u adkaa maadama qof xanuusan ay wadeen.”Qof haween ah oo xanuunsan oo sokor qabtay ayaan wadnay oo sokorteedu dhaceyso, oo markii afka wax loo saarana soo celineysa”.Sababaha keenay in gobolada Soomaaliya loo kala raaco diyaarado waxaa ka mid ah arrimo lax iriira dhanka ammaanka.Safarkii dhulka uu soo galay Cabdiftaax waxa uu keenay in koox hubaysan ay jidka kula kulmaan sida uu noo sheegay.”Waxaan u sheegnay in aan xujey nahay laakiin waxaas nooma shaqeyn, mobilada, iyo lacagtii EVC ee taleefoonada noogu jirtay waa nalaga qaatay, safarkaas dhaca iyo dhibka badan oo dheer oo saddexdaas isku darsaday ayaan soo marnay”.Cabdiftaax oo BBC-da uga sheekeeyay sida ay wax u dhaceen ayaa sheegay in goobta lagu dhacay ay 5-km ku dhawaad u jirtay degmada Afgooye inta aysan soo gelin.Dadweynaha magaalada Beledxaawo waxay markii hore tagi jireen Doolow halkaas oo ay ka soo raaci jireen diyaaradaha.Sida ay sheegtay dowladda federalka waxaa garoonka loo xiray markii hore sababo la xiriira ammaanka.Warka ku saabsan furitaanka garoonka diyaaradaha Doolow markii lagu dhawaaqay waxa uu sheegay Cabdifitaax in saddex maalin kaddib imaatinkiisa ay aheyd, aadna uu ugu farxay.”Warkaas faxad ayuu ahaa, shalay ayuu isoo gaaray markii lagu dhawaaqay, dad asxaab ah ayaa ila wadaagay, aad ayaan ugu farxay, dhibkii isoo gaaray in dad Soomaaliyeed uu gaaro aad baan u dhibsanayaa”.Xirnaashaha garoonka waxa uu sidoo kale sameeyay dad badan oo noloshoodu ku tiirsaneyd shaqooyinka garoonka. Waxaa ku noolaa dhallinyaro badan oo isugu jiray kuwa shirkadaha diyaaradaha, tagsiilayaal iyo shaqaale kale.Cabfitaax waxa uu sheegay in shacabka uu ku dhaco dhibka ugu badan marka khilaaf siyaasadeed jiro.”Hadii aan reer Gedo nahay anaga dhib ayaan qabnaa markasta oo Jubaland iyo Federalka isku dhacaan garoonka lagu ciyaaro ama laysku dhibaateeyo ayaa noqonaa” Radio MuqdishoDhanka kale, Dr. Shaafici Aadan Dirir waxaa uu ka mid yahay dhakhaatiirta qalliinka ee ka shaqeysa gobolka, wuxuu sheegay in garoonku ahaa halka isku xirta gobolka iyo dalka intiisa kale.”Buundooyinku way go’an yihiin, caqabado kale oo dhulka oo la maro way iska jiraan” ayuu yiri Dr. Shaafici oo sidoo kale sheegay in dad xanuunsan ay jiraan oo garoonka isticmaali jiray.Intii uu xirnaa garoonka waxaa dhacay waxbaayo uu sheegay dhakhtarka in wax laga qaban karay.”Intii uu xirnaa waxaa dhacay wax aad looga xumaado, dad qallimo u baahnaa ayey u suuroobiweyday in diyaarad soo racaan ama meesha loogu tago, sidaa darteed dad baa ku dhintay”.Dr. Shaafici wuxuu kaloo sheegay in uu si joogto ah bil walba u tagi jiray gobolka si loo maareyo culeyska haysta dadka ku nool dhulkaas.”Dad badan ayaa jiray oo qalliimo loo sameeyay, una baahnaa in xaaladooda lala socdo”.
Cabdifitaax Dhoore: ‘farxad ayaan dareemay markaan maqlay furitaanka garoonka Dooloow saddex maalin kadib safarkeygii naxdinta lahaa’
Published on:
