More

    Baasaboorka Soomaaliya sannadkan kaalintee kaga jiraa baasaboorrada caalamka

    Published on:



    , 2025-07-25 11:19:37 ,

    henleyglobal/SOCAIL53 Daqiiqadood ka horSannadka 2025 liiska kala sarreynta Baasaboorada adduunka ugu awoodda badan ayey u muuqataa inuu isbaddel ku dhacay, dalalka qaar ayaa wali ah kuwo fadhiya kaalimihii ay horrey ugu jireen sanadkii la soo dhaafay halka dalalka qaarna ay muujiyeen hoos u dhac xagga liiska ah, halka qaar kalena ay sare u kaceen.Bogga wax ka qora jaantuska arrimaha socdaalka iyo baasaboorrada caalamka ee Henley Passport Index oo ay aqoonsan tahay hay’adda maamusha duulimaadyada caalamak ee IATA, ayaa sannad walba soo saarta liis muujinaya baasaboorrada adduunka iyo sida ay ugu kala horreeyaan fududaanta safarrada.Dalalka humarka dhaqaale iyo midka tiknoolajiyadeed ku horreeya oo ku yaalla qaaradda Aasiya ayaa ah wali kuwa ku jira halka ugu sarreysa liiska ay soo saartay Henley Passport.Liiskan oo markasta la cusboonaysiiyo ka hor inta aan si sanadle ah loo shaacin ayaa waxaa ku jira ilaa 199 dal oo adduunka ah.Dalalka Singapore iyo Japan ayaa ah wali kuwa hoggaaminaya liiskan mar kale.Singapore ayaa fadhida kaalinta kowaad iyadoo basaaboorkeeda uu awooddo in lagu tago 193 dal oo dalalka adduunka ah.Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ku wada jira kaalinta labaad ee liiska iyagoo Baasaboorradooda lagu teg karo190 dal.Dalal u badan Yurub ayaa fadhiya kaalinta saddexaad kuwaas oo kala ah Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Italy iyo Spain. UK ayaa ku jirta kaalinta Lixaad ee tusmadan.Maraykanka ayaa qarka u saaran inuu ka baxo 10-ka waddan ee ugu sarreeya qiimeynta sannadlaha ah ee baasaboorka ugu awoodda badan adduunka markii ugu horreysay taariikhda 20-ka sano.Baasaboorada Maraykanka ayaa u dhacay kaalinta 10-aad, oo ay si wada jir ah ugu jiraan dalka Iceland iyo Lithuania, marka loo eego xogta Henley Passport Index ee sanadkan – kaas oo ku salaysan qiimayntiisa inta goob ee uu qofka baasaboorka haystaa ku geli karo fiis la’aan.Qofka haystan Baasaboorka Maraykanka ayaa fiiso la’aan booqan karo 182 dal.Dalka kaliya ee Afrika ee kaalinta hore ka galay liiskan waa dalka Mauritius, oo ku jira booska 27-aad iyadoo Baasaboorka dalkan uu awood u leeyahay in lagu tago fiiso la’aan 149 dal oo adduunka ah.Soomaaliya iyo dalalka kale ee Bariga Afrika SOCIALDalalka ku yaalla Bariga Afrika, ayaa qaarkood muujiyey inay sare u kaceen marka la eego awoodda qofka sita Baasaboorradan u leeyahay inuu dalalka dunida ku tago fiiso la’aan.Kenya ayaa ugu sarreysa dalka Bariga Afrika ee ka soo muuqday liiska halka ugu sarreysa dalka Bariga, iyadoo Kenya ku jirta kaalinta 69-aad, waxayna muwaadiniinta haysta Baasaboorka Kenya ay ku tagi karaan fiiso l’aan 71 dal. Halka Tanzania ay tahay kaalinta labaad ee Bariga Afrika iyadoo kaga jirta liiska kaalinta 70-aad, waxaan muwadinteedu ay awood u leeyihiin inay fiiso la’aan ku tagaan 70 dal. Uganda ayaa ku jirta kaalinta 71-aad iyadoo 67 dal ay tagi karaan muwaadiniinta haysta Baasaboorkeeda fiiso la’aan.Jabuuti ayaa ku jirta kaalinta 87-aad iyadoo baasaboorka dalkaasi lagu tagi karo 47 dal. Itoobiya ayaa ku jirta kaalinta 88-aad ee liiska ay soo saartay Henley Passport Index — iyadoo Baasaboorka Itoobiya lagu tagi karo fiiso la’aan 45 dal.Soomaaliya ayaa muujisay sare u kac xagga liiska ah marka la barbar dhigo sanadkii 2024-kii oo ay ku jirtay kaalinta 106-aad ee liiska la soo saaray.Soomaaliya oo dal ahaan soo kabanaysa kuna biirtay ururka Bulshada Bariga Afrika ayaa sanadkan kaga jirta liiska ay soo saartay Henley Passport Index — kaalinta 96-aad iyadoo muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaaliga ay awood u leeyihiin inay booqdaan fiiso la’aan ama ka qaataan garoomada dalalkaas 32 dal.Afar dal oo ay ka mid yihiin Suuriya, Afganistan, Yemen iyo Ciraq aya liiska ka hooseeya Soomaaliya.

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here