More

    Al-Shabaab iyo arrimaha kale ee ay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Geelle

    Published on:



    , 2025-07-27 15:28:18 ,

    SONNA2 Saacadood ka horMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saaka kulan kula yeeshay Xarunta Madaxtooyada Jabuuti Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay “xoojinta xiriirka istiraatijiyadeed ee ka dhexeeya dalalkooda, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, sida amniga, dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab, iyo sidii Jabuuti ay u sii wadi lahayd taageerada dowlad dhisidda iyo xasilinta Soomaaliya.”Waxaa kale oo shirka lagaga hadlay arrimaha bini’aadantinimada, gaar ahaan dhibaatada abaartu keentay ee saamaysay qaybo ka mid ah Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday Jabuuti inay gacan ka geysato sidii gargaar waqtigeeda loo gaarsiin lahaa bulshada ay abaaruhu saameeyeen.Hoggaamiyayaasha ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku aaddan xaalada guud ee Geeska Afrika, iyagoo dib u xaqiijiyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn dhow iyo wadahadal joogto ah si wax looga qabto caqabadaha gobolka.”Labada madaxweyne waxay hoosta ka xarriiqeen in xasilloonida, midnimada, iyo horumarka Soomaaliya ay udub dhexaad u yihiin nabad waarta iyo barwaaqo ka dhalata gobolka.” Ayaa lagu yiri warka ay daabacday wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA.Waa sidee xaaladda abaaraha Soomaaliya? Unicef SomaliaSoomaaliya waxaa soo food saartay jahawareer cimilo oo xiriir ah, iyadoo roobabkii da’ay ay ka hooseeyeen celceliska dabayaaqadii sanadkii hore ee 2024 kuwaas oo si ba’an u yareeyay wax soo saarkii dalagga, xaalufiyay ilihii biyaha oo sababay dhimashada xoolaha, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka.Saamaynta roobabka aan joogtada ahayn iyo fatahaada webiyada ee meelaha muhiimka ah ee beeralayda – sida Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Jubbada Dhexe – ayaa sii baabi’iyay dalagyadii beeraha.Natiijatada ka dhalatay ayaa noqotay in qiimaha cunnada uu weli aad u sarreeyo, taas oo ka sii daraysa haqab-beelka cuntada ee malaayiin Soomaali ah oo horay ula daalaa dhacayay faqri iyo barakac ay sababeen colaadaha.Marka loo eego warbixintii u dambeysay ee ay soo saartay la socodka haqab-beelka cuntada ee caalamiga ah, IPC, 1.7 milyan oo carruur ah oo ka yar shan sano ayaa la filayaa in ay soo food saarto nafaqo-xumo ba’an sanadka 2025, oo ay ku jiraan 466,000 oo ay hayso nafaqo-xumo ba’an – oo kordhay 9 boqolkiiba marka loo eego sannadkii hore.Ku dhawaad saddex-meelood labo kiisaskan waxay ku badan yihiin koonfurta Soomaaliya, halkaas oo cunto yaridu ay aad u daran tahay.Dhanka kale, dowladda UK ayaa dhowaan daaha ka qaadday qorshaha ay ku dhimeyso kaalmada dibadda, iyadoo taageerada waxbarashada carruurta iyo caafimaadka haweenka Afrika ay wajahayaan dhimista ugu weyn.Dawladdu waxay sheegtay bishii Febraayo inay dhimi doonto kharashaadka gargaarka dibadda 40% – laga bilaabo 0.5% dakhliga guud ee qaranka ilaa 0.3% – si loo kordhiyo kharashaadka difaaca ilaa 2.5% ka dib cadaadis uga yimid Mareykanka.Dalalka ay saameyneyso waxaa ka mid ah Soomaaliya, Itoobiya iyo Suudaanta Koofureed.

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here