22.7 C
New York

Wararka: Qarax miino oo Beledweyne ku dilay hal qof, laba kalena dh…

Published:

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii miino dhulka lagu aasay ay saaka oo Arbaco ah ku qaraxday goob dhisme oo ku taalla xaafadda Buundo Weyn ee magaalada Beledweyne, xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka Soomaaliya

Dhacdada ayaa la sheegay inay timid xilli shaqaalaha dhismaha ay ku guda-jireen dejinta iyo hagaajinta qalabka howsha, waxaana goobta si degdeg ah uga dhashay khasaare soo gaaray dadkii goobta ku sugnaa.

Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka iyo kuwa booliska deegaanka ayaa gaaray goobta uu falku ka dhacay, iyagoo bilaabay hawlgallo baaritaan ah si loo ogaado nuuca qaraxa iyo ciddii halkaas ku aastay miinada.

Ilaa hadda ma jirto koox si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ka dhacay magaalada Beledweyne, waxaana la filayaa in laamaha amnigu ay faahfaahin ka bixiyaan xogta rasmiga ah ee ku xeeran dhacdada.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img