gelinta nuqulo muhiim ah oo katirsan astuurka…
Wararka Soomaaliya
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay ku guul-darraysatay dhaqan-gelinta nuqulo muhiim ah oo katirsan astuurka cusub, xilli ay maalinimadii shalay ku eg tahay muddadii lixda bilood ahayd ee ay horey dowladda u sheegtay inay ku dhammaystirayso una dhaqan-gelinayso qodobbada Dastuurka.
Muddo lix bilood ah kadib, dowladda federaalka ayaa weli ku guul-darraysatay inay si buuxda u hirgeliso qaar kamid ah qodobbada muhiimka ah ee Dastuurka cusub, waxaana weli taagan xaalado la xiriira isku-dhafka xilalka iyo mas’uuliyadaha dowladda.
Qodobada hadalhaynta xooggan ka taagan tahay hirgelintooda waxaa kamid ah xubno weli isku haya xilalka wasiirrada iyo xildhibaannada isku haya, iyadoo ay jiraan mas’uuliyado kale oo uu dastuurka cusub dhigayo inuusan hal shaqsi isku haynkarin.
Faahfaahinta
Dastuurka cusub ayaa markii hore si weyn uga hor yimid Puntland, Jubbaland iyo qaar kamid ah mucaaradka Muqdisho, kuwaas oo sheegay in aan loo marin hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, isla markaana ay madaxda dowladdu i sameeyeen inay muddo kororsi ku samaystaan.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

