22.6 C
New York

Wararka: Barlamaanka Somalia oo ansixiyey sharci muran ka dhashay f…

Published:

Dood xooggan oo ku aaddan xeebaha Puntland iyo saamaynta ka dhalatay falalka afduubka ee ay geysanayaan…

Wararka Soomaaliya

Dood xooggan oo ku aaddan xeebaha Puntland iyo saamaynta ka dhalatay falalka afduubka ee ay geysanayaan kooxaha burcad-badeedda ah ayaa ka dhex abuurantay xildhibaano katirsan labada aqal ee barlamaanka Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa siweyn isugu maandhaafay qaabka ay Dowladda federalka ah ee Somalia sharciga la dagaalanka burcad-badeedda uga hirgelinayso deegaamada Puntland, iyadoo xubno katirsan barlamaanku ku eedeeyeen DFS iyo dalal macaash doon ah inay ka dambeeyaan falalka burcad-badeedda ee ka aloosan xeebaha Puntland.

Senator Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), oo kamid ah xubnaha laga soo doorto Puntland ayaa sheegay in sheegay inaan cidna laga aqbali doonin difaaca kooxaha burcad-badeedda ah ayna Puntland kamid tahay Soomaaliya laguna fulin doono sharci walba oo barlamaanku meelmariyo, sida uu hdalka u dhigay.

Faahfaahinta

“Puntland dalka Soomaaliya ayay ka mid tahay waana ka dhaqan galayaa sharciga la dagaalanka Burcad badeedka qofna lagama yeelaayo difaac burcad badeed”, Ayuu yiri Senator Majiino oo la hadlayey qaar kamid ah warbaahinta Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Cadaalada iyo arimaha dastuurka Xasan Macalin, ayaa siweyn uga horyimid go’aankii Puntland ku cambaaraysay duqaymihii ka dhacay xeebaha gobolka Nugaal, wuxuuna sheegay inaysan Puntland difaaci karin fal kasta oo lagu beegsanayo kooxaha burcad-badeedda ah, “Puntland ma difaaci karto burcad badeeda qoladaas anaga aragti ayaa naga dhaxeysa, qof dambi intaas la eg galay sifo lagu difaaci karo malahan xirirka ayaan u jarnay iyo uma jarin midna ma ahan arinkaan.”

Dhanka kalena, Senator Xasan Dheere, ayaa sheegay in Puntland loogu beeray kooxaha burcad-badeedda ah si lamid ah ciidamadii ay horay uga qoratay Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya, isagoo xusay in sharciga la dagaalanka burbad-badeedda ee la meelmariyey looga awood batay uusanna akhrin nuquladiisa.

Saamaynta

“Puntland sida Ciidamada loogu dhax abuuray ayaana burcad badeeda loogu dhax abuuray Dowlada dhexe ayaan ka dambeysa sharcigaana gacanta ayaan isaga taagay maadama la iga badnaa waliba anoon aqrin”, Senetar Xasan Dheere

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img