, 2025-08-06 21:07:23 ,
Wasaaradda Arrimaha Dibedda SoomaaliyaQoraalka sawirka, Wafdiga Soomaaliya uga qeybgalay shirka. Article InformationHadalhayn badan ayaa ka dhalatay baraha bulshada kadib markii ay Soomaaliya ka qeyb gashay shir loogu talagalay dalalka dhul xiranka ah oo aan badda lahayn. Shirkan oo ahaa kii saddexaad ee ay Qaramada Midoobay soo agaasinto ayaa ka dhacay magaalada Awaza, ee dalka Turkmenistan. Qaar ka mid ah dadka ka falceliyay arrintan ayaa is waydiiyay sababta dal leh xeebta labaad ee ugu dheer qaaradda Afrika uu uga qeybgalay shir loogu talagalay dalalka aan badda lahayn.Shirka oo ku mudeysan 5ta ilaa 8da Agoosto ee sannadkan 2025, ayay iskugu yimaadeen 32 dal oo aan bad lahayn, waddamo daris la ah, hay’ado horumarineed iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, waxaana hal ku dhig looga dhigay “Horumarinta isku socodka iyada oo loo marayo iskaashi.”Baraha bulshada Soomaalida sida Facebook iyo X, dad badan ayaa ku muujiyay walaac ah in ka qeyb galka Soomaaliya loo fasiran karo taageero dadban oo ay siinayso dadaalka Itoobiya ee ah in ay hesho marin Badda Cas ah, iyada oo adeegsanaysa Somaliland, taas oo ah arrin ay dowladda Soomaaliya si cad uga soo horjeesatay. Mid ka mid ah faallooyinka laga dhiibtay qoraal ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ku shaacisay ka qeybgalka shirka ayaa lagu sheegay in ka qeybgalka Soomaaliya uu “halis ugu jiro in uu sharciyeyn u sameeyo rabitaanka Itoobiya ay marin badeedka ku raadinayso”. Wasaaradda Arrimaha Dibedda SoomaaliyaQoraalka sawirka, Ka qeybgalayaasha shirka Qaramada Midoobay ee LLDC3In kasta oo magaca shirka uu tilmaamayo dalalka aan badda lahayn, haddana Xafiiska Qaramada Midoobay ee UN OHRLLS wuxuu caddeynayaa in dalalka loo yaqaan “dalalka marinka”, oo ah kuwa xeebaha leh ee baddooda u fura dalalka aan badda lahayn ee deriska la ah, ay qayb ka yihiin hab socodka shirka. Sida ku cad ajandaha, shirka waxaa lagu doonayay “in la abuuro iskaashi u dhexeeya dalalka aan badda lahayn iyo dalalka deriska ah ee marinka badda u ah.”Soomaaliya waxay xuduud dhuleed la leedahay Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn oo ku tiirsan dekedaha gobolka si uu ula xiriiro suuqyada caalamiga ah. Inkasta oo Itoobiya marinkeeda ugu weyn uu maro Jabuuti, haddana dekedaha Soomaaliyeed sida Berbera, Kismaayo iyo Boosaaso ayaa u leh muhiimad istiraatiiji ah oo la adeegsan karo mustaqbalka. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda, Isaaq Maxamuud Mursal, uu uga qeyb galay shirka si “loo taageero iskaashiga gobolka.” UNQoraalka sawirka, Khariidadda dalalka soo kobcaya ee aan badda lahaynSoomaaliya kaligeed ma ahayn waddanka xeebaha leh ee shirka joogay; shirarkii hore ee LLDC waxaa ka qeyb galay dalal sida Kenya, Tanzania iyo Pakistan oo leh xeebo, misna marin badeed u ah dalalka aan badda lahayn ee deriska la ah. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in iskaashigan uu muhiim yahay sababtoo ah dalalka aan badda lahayn waxay la kulmaan kharash ganacsi oo ka sarreeya celceliska caalamiga ah ilaa 50%, taas oo ay ugu wacan tahay baahida ay u qabaan in badeecadooda la soo marsiiyo dhulka dal kale.Suhuur Carey, oo ah khabiir ku takhasustay arrimaha badda, ayaa sheegtay in ka qeybgalka Soomaaliya ee LLDC3 uu yahay xeelad istiraatiiji iyo diblomaasiyadeed oo muujineysa faham cusub oo Soomaaliya ay ka yeelatay doorkeeda gobolka iyo mustaqbalka dhaqaale. Waxay tilmaantay in shirarkani ay fursad u yihiin in Soomaaliya ay ka qeyb gasho go’aamada lagu qorsheynayo kaabayaasha isku xira dalalka badda la’ iyo suuqyada caalamka, taas oo ka caawin karta dhisidda is-faham dhaqaale, nabadeed iyo mid istiraatiiji. Suhuur CareyQoraalka sawirka, “Doorka Soomaaliya waa uu dhaafsiisnaan doonaa inuu ahaado marin badeed ganacsi oo kaliya” – Suhuur Carey”Waa fariin u diraysa deriska aan badda lahayn in Soomaaliya diyaar u tahay inay siiso marin-badeed la isku halleyn karo, taas oo sare u qaadaysa doorkeeda gobolka isla markaana kula tartami karta dekedaha kale ee gobolka,” ayay raacisay.Madaxweynaha Turkmenistan, Serdar Berdimuhamedov, oo marti geliyay shirka, ayaa ku booriyay dhammaan ka qeybgalayaasha; ha noqdeen kuwa aan badda lahayn ama kuwa xeebaha leh, in ay taageeraan siyaasado ay wax-soo saaristu ku taageerayso deegaanka halkii ay waxyeello u geysan lahayd.Inkasta oo warka ah in Soomaaliya ka qeyb gashay shir loogu talagalay dalalka aan badda lahayn uu dadka qaar ku abuuray su’aalo, haddana dukumentiyada Qaramada Midoobay waxay muujinayaan in dalalka marinka ah ay qayb muhiim ah ka yihiin doodaha noocan oo kale ah, Soomaaliyana ay u aragtay arrintan mid taageeraysa diblomaasiyaddeeda, isku xirnaanta ganacsiyeed, iyo xaqiijinta kaalinta ay ku leedahay qaabaynta marinada dhaqaale ee gobolka.
Waa maxay ujeedada ka dambaysa shirka ay Soomaaliya ka qayb gashay ee dalalka aan badaha lahayn
Published on: