More

    Somaliland oo BBC-da u faahfaahisay socdaalka Madaxweyne Cirro ee Qadar

    Published on:



    , 2025-07-02 13:54:06 ,

    madaxtooyada SomalilandQoraalka sawirka, Socdaalka madaxweynaha Somaliland Article InformationAuthor, Nimaan OsmanRole, BBC Somali2 Saacadood ka horWafti uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maalmihii la soo dhaafay booqasho ku joogay dalka Qadar, halkaasi oo ay kula kulmeen mas’uuliyiin ka mid ah dawladda Qadar oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qadar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Bin Jasim Al-Thani.Socdaalkan ayaa waxa uu noqonaya kii ugu horreeyay ee madaxweyne Somaliland ahi uu ku tago dalka Qadar.Wasiirka madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi ayaa BBC-da uga warramay socdaalka madaxweynaha oo uu sheegay mid ay uga gol lahaayeen raadinat iskaashi dhaqaale oo ay Somaliland la samaysato dalka Carbeed ee Qadar.”Ujeeddada socdaalkaygu waxay qayb ka ahayd safrro uu madaxweyuhu muddooyinkii la soo dhaafay ku tagayay dalal dhowr ah. Tan ugu weyni waxa ay ahayd sidii ay Somaliland iskaashi ula yeelan lahayd waddamada adduunka. Hore waxa aanu u tagnay Imaaraadka Carabta, Jabuuti iyo Kenya,” ayaa uu yidhi.Maxay ka wada hadleen Somaliland iyo Qadar? Madaxtooyada SomalilandQoraalka sawirka, Socdaalka madaxweynaha SomalilandWasiirka ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay la kulmeen oo ay ka mid yihiin raysalwsaaraha dalkaas, wasiiru-dawlada arrimaha dibadda iyo wasiirka ganacsiga ay kala hadleen iskaashi dhaqaale oo ay la samaysteen Somaliland.”Waxaanu caalamka u sheegnay in Somaliland anay ahayn dal gamo madhan oo baahan. Bal se ay leedahya fursado waaweyn oo la maalgashan karo, gaar ahaan dhinacyada xoolaha, beeraha iyo kalluunka. Qadar-na taas ayaan kala hadalnay isfanna waanu ka gaadhnay. Waxana rajynaynaa in ay Somalialand waftiyo ka socda Qadar yimaadddaan si ay u darsaan.”Maxaa ka jira in dhinacyadu ay isla soo qaadeen xaaladda ka taagan Soomaaliya?Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Qatar, waxa uu Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan bin Jassim Al Thani, xaqiijiyey kulanka uu la yeeshay madaxweynaha Somaliland.”Intii kulanku socday, waxaa la is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha cusub ee ka taagan Soomaaliya, muhiimadda ay leedahay taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida, iyo sidoo kale siyaabaha kala duwan ee lagu xoojin karo kalsooni-dhiska dhinacyada kala duwan.” ayaa lagu yidhi War-saxaafadeed ay ku baahiyeen boggooda arrimaha dibedda.Wasiirka madaxtooyada Somaliland ayaan sidoo kale waxa ka weyddiinay wararka sheegaya in labada dhinac ay isla soo qaadeen xaaladaha amni iyo tan siyaasadeed ee Soomaaliya.”Soomaaliya isku gobol ayaanu ku naallaa. Sidaas darteed, si guud gobolka xasilloonidiiisa waanu ka wada hadalnay. Waxaa kale oo aannu isla soo qaadnay iskaashiga dhaqaalaha ee gobolka iyo sidii looga wada faa’iidaysan lahaa,” ayaa uu yidhi wasiirka madaxtooyada Somaliland.Maxay Somaliland ka tidhi war-saxaafadeed hadalhayn dhaliyay oo ka soo baxay Qadar? Madaxtooyada SomalilandQoraalka sawirka, Watiga madaxweynaha SomalilandWar-saxaafadeedka ka soo baxay dawladda Qatar ayaa lagu yidhi “Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar waxa uu intii kulankan uu socday caddeeyey in Dawladda Qatar ay aamisan tahay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku xidhan yahay furfurnaanta iyo wada-shaqeynta dhaxalgalka ah ee u dhaxeysa dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed, taasoo lagu xaqiijinayo ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.Axmed Zaki Faarax Iidle oo ah falanqeeye siyaasaddeed oo la hadlay BBC-da ayaa tilmaamay in kala duwanaanta qaabka ay Somaliland iyo Qatar uga hadleen kulankankan uu muujiyey in labada dhinac ay qolo walba cid gaar ah farriin u diraysay.”Waxaad mooddaa marka aad akhrido War-saxaafadeedka Qatar in luuqadda ay ku hadlaysay ay muujinaysay in aanay waxba iska beddelin mowqifkeedii ay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya kula macaamilaysay, halka Somaliland ay qoraal ku soo saartay Af-Soomaali oo ay dadkeeda kula hadashay luuqadda siyaasadda gudaha oo ay u sheegayaan in ay kala hadlayaan Qatar danaha Somaliland, markaa waxa muuqata in aanay jirin hal qodob oo labada war-saxaafadeed mideeya”.Axmed Zaki Faarax Iidle, waxa uu xusay inuu aamisan tahay in ay jiri karaan waxyaabo laga wada hadlay oo labada dhinac midna aanu ku soo bandhin qoraallada ay soo kala saareen, waxaanu yidhi “Waxa dhici karta aragtiyada in laga wada hadlay qodobkii Madaxweyne Trump ka hadlay ee aan weli soo shaac bixin ee la xidhiidhay sidii Falasiiniyiinta Gaza loo soo rari karo, Somaliland-na loogu beddeli lahaa aqoonsi ay dawladda Mareykanku aqoonsato” ayuu sii raaciyey.Wasiirka madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi oo BBC-du weyddiisay sida uu u arko warsaxaafadeedka ka soo baxay dhinaca Qatar ayaa ku jawaabay in dal walba uu xaq u leeyahay waxa warsaxaafadeedkiisa gaarka ah, laakiin dhinacooda ay u arkayaan in ay guul ka gaadheen ujeeddada ay u tageen dalka Qatar.”Waddamadu iyaga ayaa garanaya waxa ay odhanayaan. Qadar iyo dalalka kalaba waxa ay ka siman yihiin in aanay aqoonsanayn Somaliland. Waana arrin hubaal ah in aanay Somaliland aqoonsi haysan. Laakiin waxa weyn oo dhib ahi kuma jirto warsaxaafadeedka waddanku soo saarayo. Nuxurka waa ujeeddada iyo waxa laga wada hadlay. Guul ayaanan ka gaadhnay.”

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here