, 2025-08-08 21:18:45 ,
 Getty ImagesArticle InformationAuthor, Saleebaan Saxansaxo Role,  Weriye Hargeysa Saacad ka horDadweynaha ku nool Soomaaliland ayaa si weyn uga falceliyay waxa ka beddel qiimaha dhinaca internet-ka ah oo ay sameeyeen shirkadaha Telesom iyo Somtel. Waxyaabaha la kordhiyay waxa ka mid xidhmooyinka ku hadalka ama wicitaanka iyo internet-ka ee sida maalinlaha ama  ah loo isticmaalo. Xidhmooyinka aan xadka lahayn ee Internet-ka 24-ka saac ah oo hore u ahaa $0.5 ayaa imika laga dhigay hal Doollar. Sidoo kale, xidhmooyinka toddobaadlaha ah oo markii hore  $0.5 lagu iibsan jiray 2GB ayaa hadda isla qiimahaasi uu kuu jarayaa 1.3GB, sida ku cad nidaamka shirkadahaan. Ma aha keliya qiimaha isbeddelka lagu sameeyay mid saamaynaya dhinaca internet-ka, balse taas si lamid ah ayaa loo kordhiyay xidhmooyinka wicitaanka. Haddii uu qofku u baahnaa $0.3 in uu ku hadlo 24 saac oo xidhiidh ah, haddana qofnaba suurtagal uma aha in uu isaga hadlo si aan xad lahayn.Ayaan Axmed Cabdillaahi oo ku guda jirtaa sannadkii labaad ee barshada dhaqaalaha waxa ay ka mid tahay dadka uu saameeyay qiime-korodhkan cusubi.”Haddii aan ku shaqeeyo $100 oo markii hore bisha ay iga bixi jirtey $7 oo internet ah; immika mushaharkaygii oo aan isbeddelin ayaan ku qasban ahayn in aan bixiyo 20 Doollar oo internet ah. Kordhinta lagu sameeyay internet-ka waxaa hubaal ah in ay saamaynso dakhligayga iyo hab-nololeedkayga,” ayay tidhi Ayaan Axmed.Waxay intaasi raacisay in ay jiraan baahiyo aanay ugu maarmin adeegsiga internet-ka. “Waxaan si maalinle ah u isticmaalaa internetka, aniga oo uga faa’idaysta in aan qoyskayga hadba cidda maqan, qaraabada iyo asxaabta aannu ku wada xidhiidhno. Internet-ku waxa uu ii yahay goob waxbarsho oo aan kala soo dego macluumaadka aan u baahan ahay. Waxa kale oo uu ii yahay goob maddadaalo,” ayay tidhi Ayaan.Si la mid ah, Caydaruus Yuusuf Ismaaciil waa arday kale oo ku jira sannadkii ugu dambeeyay warbarsahda kuliyadda sharcig, waxa uu sheegay in tallaabadani ay saamaysay xilligii uu ugu baahida badnaa dhinaca internet ka oo uu ku guda jiro qorista buuggiisa qalinjabinta. “Saaka aroortii ayaan mar qudha ka war helay qiimaha internet-ka ee shirkadda Somtel oo aan macmiil u ahaa in la kordhiyay. Waxa aan u adeegsan jiray baadhista macluumaadka aan ugu baahan ahay buugga qalinjebinta. Waxaan ku guda jiray wax ka qorista dhowrista hantida oo aan soo waday muddo laba bilood ah. Aad baan ugu xumahay in qiimaha la labanlaabay mar qudha,” ayaa u sheegay BBC da. Maxaa keenay in la kordhiyo qiimaha internet-ka iyo wicitaanka?  GuleedDafacQoraalka sawirka, Guuleed Axamed Jaamac (Dafac)Ma jiraan ilaa hadda faahfaahin ay bixiyeen shirkadaha internet-ka ee kordhinta ku sameeyay qiimaha adeegga internet-ka ay siiyaan macaamiishooda. BBC-du waxa ay la xidhiidhay shirkadaha tallaabadan qaaday ee Telesom iyo Somtel, bal se wax jawaab ah uma ay helin su’aalaha ay wayddiisay. Guuleed Dafac oo bartay arrimaha sharciga ayaa qaba in tallabada ay shirkadahani ku dhaqaaqeen ay tahay mid ka soo horjeeda waxa loo yaqaano suuqa xorta ah. “Runtii arrintan dhacday ma ah in keliya la kordhiyay qiimihii la siin jiray adeeggan, bal se waxa jirta in shirkado uu tartan ka dhaxeeyay ay ku heshiiyaan in hal mar qiimaha uu suuqu gooyay wada kordhiyaan, taasina waxa ay ka soo horjeeddaa mabaadi’da suuqa xorta ah. Dastuurka somaliland waxa uu si cad u qeexayaa in suuqu uu mar walba ahaanayo mid xor ah. Dawalddana ay masuuliyadi ka saaran tahay.”Waa qodob aad looga dooday markii dastuurka la samaynayay. Waxa la go’aamiyay in uu suuqu si madax bannaan isku maamulo oo aan farogelin lagu samayn. Sida aanay dawladdu awood ugu lahayn in ay shirkadaha sicirka u gooyaan ayaanay  iyaguna xaq u lahayn in ay shiraan. Guuleed ayaa sheegay in ay shirkadahaan u furan tahay in ay tartamaan, “Shirkaddii doontaa ha kordhiso, tii doontaana hoos ha u dhigto”, balse in ay dadka u shiraan ay cawaaqib xumo ku tahay macaamiisha. Doorka dawladda ee arrimahan ku aaddan  Getty IImagesQoraalka sawirka, Magaalada Hargaysa Soomaaliland ayaa goor dambe oo Jimcihii ah war war ka soo saaratay arrintan hadal haynta ka abuurtay magaalooyinka Somaliland.War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda ayaa lagu yidhi; “Wasaaraddu iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta  daryeelka Bulshada Somaliland waxay Shirkadaha Isgaadhsiinta isugu yeedhay kulan degdeg ah maalinta berri.”Kulankaas ayaa lagu sheegay in lagaga hadli doono kordhinta qiimaha internet-ka ee ay shirkaduhu sameeyeen. Sharciyaqaan Guuleed Dafac ayaa qaba in dowladda uu waajib ka saaran yahay in ay ilaaliso suuqa. “Waxa ka mid ah waajibaadka dawladda saaran, haddii shirkado tartamayay ay isku biiraan in ay hor istaagto”, ayuu BBC da u sheegay Guuleed. “Dawladdu tallaabo ayay ka qaadi kartaa. Waxay shirkad walba ku amri kartaa in sicirka halkiisii ay ku celiso”, ayuu raaciyay hadalkiisa Guuleed.
Somaliland: Dowladdu tallaabo ma ka qaadi kartaa shirkadaha kordhiyay qiimaha adeegga internetka?
Published on:
