, 2025-07-02 17:33:13 ,
Article InformationAuthor, Sidiiq BurmadRole, Weriye Author, Cismaan Cabdi XasanRole, Weriye 2 Luulyo 2025Sanadkii 1960-kii bishii Juun 26-keedi ayaa markii ugu horreysay dad Soomaaliyeed qorax u soo baxday iyagoo xor ah. Ingiriiska ayaa maamulayay 76 sano goboladii Somaliland oo markaas xornimada qaatay.Afar maalmood kaddib maanta oo kale 65 sanno ka hor ayey ahayd markii ugu horraysay ee ay guumaytihii Talyaaniga madaxbannaanida ay ka qaateen Soomaalidii koonfurta ee Talyaanigu gumaysanayay, isla maalintaas ayaa haddana xambaarsan dhacdo taariikhi ah oo ah in ay dawladnimo ku midoobaan koonfurtii xorriyada maalintaas qaadatay, iyo goboladii waqooyi oo iyaguna shan maalmood uun ka hor xorriyada ka qaatay guumaystihii ingiriiska.Sida ay sheegayaan dadka tirada yar ee ka nool intii goobjooga u aheyd maalintaas, farxad weyn ayaa ka muuqatay dadweynaha.Axmed Saleebaan Bidde oo ka mid ahaa dadkaas ayaa sheegay, “Hadaad maalmahaas joogto, 57 ilaa iyo 60-kii aad joogto, dadka waxa ay u soo jeedeen oo ay u dhinteen, ololaha halkaas ka dhacay ee dowladnimada lagu qaatay oo Ingiriis calankii laga keenay oo habeenkaas la taagay, ayaa yaab laheyd”Qof kasta oo maalintaas wax laga weydiiyo waxaa uu kuu sheegayaa in ay u dheereyd dareenka midnimo doonka ee shacabka Soomaaliland la sugi kari la’aayeen dhowrka maalmood ee ka harsanaa kowda July si ay ula midoobaan koonfurta oo maalintaas iyadana qaadaneysay madaxbannaanideeda.Maalmo yar kadib waxaa Muqdisho gaaray raysalwasaarihii Somaliland iyo afar wasiir oo ka kala socday beelaha Somaliland. Safarkooda waxaa uu ahaa kii ay kula midoobayeen koonfurta. Waxay goobjoog ka ahaayeen maalintii xorriyada koonfur ka qaadatay Talyaaniga. Maalintaas waxay sidoo kale aheyd maalintii ay midoobeen labada gobol ee koonfur iyo waqooyi.Sida uu midowga u dhacay waxaa laga soo wariyaa taariikho kala duwan. Dhanka Somaliland dadkii hoggaaminayay midnimada waxay sheegaan in islamarkiiba lagu hungoobay oo saluug uu soo baxay kaddib markii wafdiga halkaa tagay aysan ku qancin sida kuraasta loo qeybsaday iyagoo qabay in xaqoodi laga qadiyay.Su’aalaha lays weydiiyo waxaa ka mid ah miyeysan jirin labada dhinac wax heshiis ah oo ay wada galeen ka hor midowga?Maxamed Xaaji Ingiriis waa taariikhyahan, muxuu wax ka qoray midwoga iyo sida ay wax u dhaceen.”Midowga labada dhinaca wuxu ku yimid markii laga soo baxay dagalkii labaad, wadamadii gumeysiga ku jiray waxaa ka bilaabatay shuclad gobonimo doon ah, tii ayaa saameyn xoog leh ku yeelatay umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Maxaed Xaaji Ingiriis oo intaas ku daray “waxaa si degdeg ah loo sameeyay wax afka qalaad lagu yiraah ‘Act of Union’ oo ah heshiis midnimo oo ay wadagaleen gobolada waqooyi oo ka hoos baxay gumeysiga Ingiriiska iyo kuwii koonfureed oo ka hoos baxay maxmiyadii Qaramada midoobay ee Talyaanigu korka ka qiimeynayay, marka Act of Union-kaas ayaa lagu cadeeyay sharci ahaan qaabka ayey isu raacayaan”.”Sharcigaas waxaa ansixiyay baarlamaankii ka koban, kii waqooyiga ka yimid ee 33-da ahaa iyo kii koonfurta ee 90-ka ka koobnaa oo isku noqday 123, ayaa si gacan taag ah ugu codeeyay in ay aqbaleen”. XWaxaa jira warkale oo sheegaya in labada gobol ee Soomaaliyeed aysan wax heshiis ah kala qoran, oo si shuruud la’aan ah ay ku galeen midnimada.Cabdilaahi Aadan Axmed (Kongo) waa ninkii 26-ka June dajiyay calankii Ingiriiska ee saaray kii Soomaalida xafladii ka dhacay beerta xorriyadda ee magaalada Hargeysa. Waa shaqsiga kaliya ee ka nool wafdigii Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal hoggaaminayay ee tagay Muqdisho.Cabdilaahi oo ku sugan dalka Imaaraatka Carabta ayaan weydiinay dareenkii maalintaas ku jiray magaalada Muqdisho.”Markii aan Xamar tagnay si fiican ayaa naloo soo dhaweeyay, oo uu ugu horeeyo Cabdullaahi Ciise, garoonkii oo dhan baa buuxay” ayuu yiri Cabdilaahi oo intaas ku daray, “wax badan oo aan fileyn ayaa meesha ka soo baxay, wax qabaa’il la yiraahdo ayaa meesha ka soo baxay, marka is-fahamka waxaa uu ahaa in aan anaga qaadano dowalada iyagana ay qaataan baarlamaanka iyo sharcidajinta”.Hadaba sidee ku timid fikarada aheyd in la midoobo oo la dhiso dal Soomaaliyeed oo waqooyi iyo koonfur ka kooban? Cabdilaahi Kongo oo taas ka jawaabayay waxaa uu yiri in go’aankaas oo kaliya ay wateen.”Waxay ku timid Somalilnad ma aysan goosan wax kale oo aan ka aheyn israac, israacu marna kama imaan cid aan aheyn reer Waqooyi, qoladii kale wax kasta ayey dooneen in ay liqaanba” ayuu yiri Cabdilaahi oo intaas ku daray, “Alle ha u naxariisto Aadan Cabdulla Cismaan, nimankan isa soo dhiibay wuxu doonay in uu la taliyo oo laba dowladood oo federaal ah la noqdo… halkii aan qeybta ka heli laheyn iyagii ayaa kala qeybsaday… hadii ay qaateen madaxweynaha xaq waxaan u laheyn in aan raysawasare noqono”.Goboladii waqooyi burburki dwoalddii dhexe ee Soomaaliya kaddib gaar ayey u baxeen, waxay sheegeen in mdiwogii ay ka noqdeen oo ay sameysteen dowlad gaar ah taas oo mudadaas shaqeyneysay balse adduunka ma aqoonsan. Koonfurta Soomaaliya oo maanta la xusayo sanadguuradii 65-aad ayaan weli helin dowlad dhexe oo ka wada talisa dalka.
Sidee ku timid madaxbanaanida Soomaaliya iyo israacii labada gobol, maxayse labada dhinac ku heshiiyeen
Published on: