, 2025-04-13 14:12:19 ,
 SONNAQoraalka sawirka, Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay madasha diblomaasiyada ee Antalya ee TurkigaSaacad ka horMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey madasha diblomaasiyada ee Antalya ee dalka Turkiga oo madaxbadani ka qayb gasho ayaa hadalkiisa diirradda ku saaray ilaa shan qodob oo uu kaga hadlay xaaladda Soomaaliya, xiriirka dalalka dariska, qaddiyado ku gedaaman xaaladda Bariga Dhexe iyo xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya.Madax kale oo ka socoto dalal dhowr ah ayaa sidoo kale ka qayb-galay madasha diblomaasiyada ee Antalya oo ah madaal ay Turkigu gogosheeda dhigaan laganana hadlo xaaladdaha caalamka ka taagan.Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa qudhiisa shirka Antalya ka sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay ka qayb qaadashada xasiloonida caalamka iyo tan Bariga Dhexe.Madaxda markii ugu horreysay ka qayb galay shirka sanadkan ee Antalya waxaa ka mid ah madaxweynaha ku meelgaarka ah ee dalka Suuriya Axmed Sharac.Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoddobadan shanta ah ay ka mid ahaayeen waxyaabihii uu ku dul istaagay khubad uu ka jeediyey shirka.Taageerada Turkiga iyo xaaladda dalka SOCIAL”Turkiga iyo Soomaaliya waa saaxiibbo dhab ah oo ku salaysan dano wadaag ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo k ahadlayey xiriirka Turkey iyo Soomaaliya.Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay soo martay marxalado adag balse ay xaaladdu ka gudubtay burburkii, una gudubtay xaalad jilicsan, isagoo xusay in hay’adaha dowliga ah aysan weli qaan-gaarin heerkii loo baahnaa balse horumarro la taaban karo laga gaaray sanadihii u dambeeyay.Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa si xooggan u bilowday ka dib garab istaag gargaar oo xukuumadii raysal wasaare Erdogan sanadkii 2011 ay u fidisay Soomaaliya oo abaar darran ku dhufatay sanadkii 2011-kii. Abaartaas ayaa ka mid ahayd kuwii xumaa ee muddo soo mara Soomaaliya.Marka laga yimaado dhibaatooyinkaas, waxa uu xusay in ra’iisul wasaarihii xilligaas oo hadda ah madaxweynaha hadda talada haya ee Recep Tayyip Erdogan ay booqasho ku tageen Soomaaliya isaga iyo qoyskiisa iyo Golihiisa Wasiirrada, isagoo u muujiyay caalamka in Soomaaliya ay tahay mid la gaari karo oo aysan ahayn meel cidlo ah oo laga tago.Madaxweyne Xasan, ayaa hoosta ka xarriiqay in arrinta ugu weyn ee Soomaaliya aysan hadda ahayn macaluul, balse ay tahay argagixisanimada, wuxuuna carrabka ku dhuftay taageerada Turkiga – bixinta tababarrada, tignoolajiyadda iyo la-talinta ciidamada ammaanka.Turkiga ayaa sidoo kale fidiyey gogol ay ku wada hadleen dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo khilaafkoodu gaaray meel sare ka dib heshiis Muqdisho si weyn ugu carootay oo ay Addis Ababa la gashay Jamhuuriyada Iskeed Madaxbannaanida ugu Dhawaaqday ee Somaliland sanadkii 2024-kii .La dagaallanka argagixisada SOCIALMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa kaga hadlay dagaalka ay dowladdiisu kula jirto al-Shabaab iyo Daacish ee gudahha Soomaaliya.Wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya ay ku dadaaleyso sidii ay ku gaari lahayd maqaamkii ay ku lahayd caalamka.Waxa uu xusay in hay’ado badan oo caalami ah oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika iyo sidoo kale dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Turkiga iyo UK oo ay wehliyaan dowladaha deriska ah ay Soomaaliya ka taageeraan dhinacyada badan.Wuxuu madaxweynuhu sheegay in inkasta oo taageero dibadda ah ay jirto, “haddana la dagaallanka argagixisada ay hormuud ka tahay Soomaaliya, wuxuuna ku dhawaaqay in markii ugu horreysay tan iyo 1969-kii la qaban doono doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda dalka, walow kala aragti duwanaansho ay jirto.Horumarka ay gaartay SoomaaliyaIsagoo ka hadlayey tallaabooyinka horumarka ah ee dalku gaaray ayuu madaxwyne Xasan Sheekh xusay in Soomaaliya ay hadda ku fadhido kursiga an joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee QM ayna matalayso Bariga Afrika, sidoo kalena ay xubin ka tahay Jaamacadda Carabta, isagoo caddeeyay inuu rumeysan yahay in dalka uu gaari doono booska uu xaqa u leeyahay.Waxa uu sheegay in dalka uu doonayo in uu cod u noqdo dowladaha kale ee wajahaya caqabadaha la mid ah Soomaaliya.Wuxuu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay leedahay kheyraad qaali ah iyo goob istaraatiiji ah, balse habacsanaanta hay’adaha dowliga ah awgeed, aysan hay’adaha qaar diiradda saarin waxa ay ku soo kordhin karaan Soomaaliya.Isagoo ka hadlayay baahida loo qabo isbedello waara, madaxweynaha ayaa intaas ku daray in iyadoo qayb ka ah Midowga Afrika, Soomaaliya ay ku sii soconayso ajendaha Hiigsiga 2063-ka, ayna ka shaqeynayso sidii Afrika loogu beddeli lahaa goob ganacsi oo xor ah.Soomaaliya ayaa muddo-xileedka labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku biirtay Dallada Bulshada Bariga Afrika oo ah urur dhaqaale oo ay ku jiraan dalal ay ka mid yihiin Kenya, Uganda, Tansaaniya, South Sudan, Rwanda iyo DR Congo.Xiriirka Soomaaliya iyo  Itoobiya SOCIALWuxuu madaxweynuhu xusay in Soomaaliya iyo Itoobiya oo ah dalal deris ah ay wadaagaan taariikh soo jireen ah oo marar badan colaado ka jirtay, taasoo qayb ka qaadatay in labada dhinacba ay sii daciifaan muddo ka dib.Waxa uu sheegay in xiisadaha jira awgeed in si weyn diiradda loo saaray arrimaha ciidamada iyo difaaca, taasoo keentay in afgambi iyo kacdoono dhacaan.Wuxuu madaxweynuhu ku tilmaamay baaqii Ankara ee ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku kala saxiixdeen uu ahaa fursad qaali ah oo lagu qaabeynayo mustaqbalka wanaagsan ee labada dal.Waxa uu intaa ku daray in labada dhinac ay yeesheen booqashooyin is-dhaafsi.Isagoo tilmaamay in kulan kale oo ay ku lug leeyihiin labada dal uu ka dhici doono Turkiga, isagoo intaa raaciyey in  wada-xaajoodyadu ay socdaan, balse labadooduba ay doonayaan nabadd oo aysan colaaad rabin.Falastiiniyiinta iyo arrinta Qasa AnadoluMadaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale si weyn ugu hadlay xaaladda Qasa iyo Qadiyada Falastiin oo uu hoosta ka xariiqay in arrinta Falastiin ay tahay mas’uuliyad akhlaaqeed iyo mid diineed, Soomaaliyana aysan marnaba ka tanaasuli doonin arrintan. Waxa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la gaaro xal nabadeed oo labo dal ah.Isagoo ka hadlayay sheegashada ku saabsan qorshe la filayo in Falastiiniyiinta dib u dajin loogu sameeyo meelo ka baxsan dhulkooda ayuu tilmaamay.”Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya, mana jirto cid waligeed u soo dhowaan Soomaaliya in ay hesho dad Falastiiniyiin ah oo lagu beddelayo dhulkooda, xal uma aragno, ma aha in cid aqoonsanayso iyo in kale, laakiin fikradda ah in Falastiin laga saaro dhulkooda oo la geliyo dhul kale oo dad kale ah – anigu uma arko in taasi xal tahay haba yaraatee, haddii ay xal tahay, markaas qaar waa laga wada hadli lahaa.”Firkadda ah in Falastiiyiinta laga raro dhulkooda lana geeyo meelo kale oo dad kale dhulkooda ah uma arko in taasi xal tahay gebi ahaanba, mana rajaynayo taas.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Shan qodob oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay Itoobiya, Somaliland iyo Gaza
Published on:
