More

    Muniira Xaashi: Sida ay gabadhan Soomaaliyeed u doonayso in ay u beddesho bulshadeeda

    Published on:



    , 2025-08-28 13:05:07 ,

    Qoraalka sawirka, Muniira Xaashi, 27 jir doonaysa in ay u sarafto Somaliland si ay isbeddel u samayso Article InformationAuthor, Dani ThomasRole, BBC NewsSaacad ka horWaa qol lagu shiro oo ka soo horjeeda Grangetown, magaalada Cardiff. Waxa dhex yaalla kuraas iyada oo uu ka babanayo calanka Wales. Dhinaca kale waxa sudhan calanka saddex-midablaha ah ee Somaliland – jamhuuriyad iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaani oo ku taalla Geeska Afrika, oo xidhiidh qoto dheer la leh Wales.”Maanta waa maalin taariikhi u ah bulshada reer Somaliland ee Wales,” ayuu yidhi Prof Iid Cali Axmed.”Waxaynu xusaynaa sannad-guuradii 65-aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay Ingiriiska.”Waa guul muhiim u ah bulshada muddada dheer ku noolayd Cardiff oo degganayd in ka badan 150 sano.”Maanta waxaanu muujinaynaa safarkaas iyo xidhiidhka ka dhexeeya Wales iyo Somaliland,” ayuu 75-jirkani hadalkiisa ku daray.Qoraalka sawirka, Munaasabadda xuska ayaa lagu qabtay Channel View Leisure Center ee Grangetown’Dhaqankaaga ku faan’Hoolka waxa ku sugan odayaasha bulshada iyo marti ka socota baarlamaanka Somaliland. Dhallinyarada reer Wales ee asal ahaan ka soo jeedda Somaliland ayaa halkan u jooga si ay waxa uga bartaan taariikhdooda.”Waxay ila tahay in ay muhiim tahay, in dhaqankaaga aad ku faro-adaygto oo aad ku dhegganaato ahaanshahaaga,” ayay tidhi Muniira Xaashi oo ah 27 jir ku dhalatay kuna kortay Cardiff, islamarkaana sheegtay in ay tahay Somalilander Wales ah.”Waa muhiim in la soo dhaweeyo oo laga mid noqdo bulshada oo laga qayb qaato dhacdooyinkan oo kale.”Qoraalka sawirka, Saynab Axmed , 17 jir xiisaysnaysa in dhacdadan ay u turjunto reer WelesIntii ay xafladdu socotay , Saynab Axmed oo 17 jir ah ayaa khudbad ku ku soo jeedisay Ingiriisi iyo Soomaali ay u turjuntay Welsh.”Waxaan odhan lahaa waxaan ahay qof Wales ah, waxaan odhan lahaa waxaan ahay qof Soomaali ah. U malayn maayo in qof uga tanaasulo shakhsiyaddiisa si uu mid kale u sheegto,” ayay tidhi.Qoraalka sawirka, Dhallinyaro ka qaybgalaya munaasibad ka dhacday WalesMuniira iyo Saynab ayaa masrraxa soo fuulay si ay u hoggaamiyaan guddi ka hadlaya khibradda ay u leeyihiin Soomaalilaand. Arrintani waxa ay saamaysay hoolka oo dhan.”Cajiib,” ayuu yidhi Prof Axmed.”Runtii aad ayaan ula dhacay in qaar badan oo ka mid ah jiilkeenna da’da yar, ay yimaaddeen,” ayuu raaciyay.”Su’aalaha ay weydiinayaan… ballan-qaadka ay sameynayaan…Waxay muujinayaan in ay yihiin dad reer Somaliland ah, laakiin sidoo kale waa Welsh, sidoo kale waxay ku hadlayeen luqadda Welsh-ka.”Taasi runtii waxay i siisay dhiirrigelin, waan arrin dhaxal-reeb ah… ma dhiman doono dhaxalkaasi, wuu sii socon doonaa.”Qoraalka sawirka, Professor Iid Cali Axmed oo 75 jir ah ayaa ku faanay in uu arkay dhallinyaro wax ka baranaysa taariikhda SomalilandDhaxalka uu Professor Axmed tilmaamay waa ololaha ay Somaliland ugu jirto in la aqoonsado. Somaliland waxa ay leedahay taariikh cakiran – waxa ay gumaystaha Ingiriiska ku hoos jirtay 72 sannadood, ilaa ay xorriyadda ka qaadatay 26-kii June 1960kii.”Dhammaanteen aad ayaan u faraxsanayn,” ayuu yidhi Prof Axmed.Shan maalmood kaddib, 1-dii July1960kii, Somaliland waxay si iskeed ah ugu biirtay Soomaaliya.Laakiin 1991-kii, kaddib afgambigii milateriga ee uu hoggaaminayay ee Siyaad Barre iyo sannado badan oo dagaallo sokeeye ah, Somaliland waxay si iskeed ah ugu dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya.Waxa ay samaysatay nidaam siyaasadeed oo shaqaynaya, hay’ado dawladeed, boolis iyo lacag u gaar ah, bal se, 34 sanno ka dib Somaliland waxa ay weli aqoonsi kama helin beesha caalamka, walina Soomaaliya waxa ay u aqoonsan tahay qayb ka mid ah dalkeeda.’Cardiff waa meshii aan ku xasilay’Sannadkii 1991-kii, Faadumo Siciid Ibraahim oo ku soo barbaartay Newport ayaa ku soo laabatay Somaliland, waxaanay aakhirkii noqotay la-taliye sare oo dhinaca arrimaha dibadda u qaabilsan baarlamaanka Somaliland.”Waxaan ahay gabadh Wales ah,” ayay tidhi, “laakiin waxaan ku noolaa Somaliland muddo aad u dheer.”Waxay sheegtay in markii ugu horraysay ee dagaalladu qarxeen ay Cardiff noqotay meeshii ugu horraysay ee ay magan-gasho”.Waxay intaas ku dartay: “Dhallinyarada Wales waxay ogaanayaan in ay leeyihiin taariikh xiddidaysatay oo aan caadi ahayn.”Qoraalka sawirka, Faadumo Siciid Ibraahim oo la-taliye u ah baarlamaanka SomalilandSida ay waxa u dhacayaan waxa kormeeya maalintaas, Cali Cabdi oo ah shakhsi muhiim ka ah bulshada dhexdeeda.”Aad ayay muhiim u tahay in dhaxalkaas loo gudbiyo jiilka soo koraya,” ayuu yidhi. “Waxaan rabaa in aan arko Somaliland oo la aqoonsaday inta aan noolahay.”Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan ka guurnay jiilkii tagsiilayaasha iyo waardiayaasha, in kasta oo ay weli jiraan shaqooyinkaasi. Waxaan nahay xirfadlayaal IT, HR, shaqaale dawladeed iyo ganacsato.”Ilaa 50 xubnood oo bulshada ka mid ah ayaa ka soo qayb galay munaasibadda. Cali wuxuu u muuqdaa in uu ku faraxsan yahay sida ay wax u socdaan.Laakiin waxa uu ku adkaysanayaa in waxii ugu wanaasganaa ay maqan yihiin. “Waxaan hadda ku wajahan nahay badhtamaha Grangetown oo ku taal isgoyska Waddada, halkaas oo aan ku qaadan doonno kulan cunto-dhaqameed Soomaaliyeed ah- Bariis iyo Hilib.”Qoraalka sawirka, Bariis and HilibMakhaayad yar oo lagu xardhay calanka Wales iyo Somaliland, ayaa si is daba joog ah loogu qaybinayaa cuntooyinka hiddaha iyo dhaqanka ah – maraq, digir, hilib, saladh iyo bariis.”Tani waa qaybta ugu fiican maalinta munaasibadda. Macno weyn ayay leedahay!” ayuu yidhi Cabdi.”Cunto basbaas leh oo kulul. Bariis iyo Hilib waa astaan Soomaaliyeed oo aan qaldami karin.”Sidoo kale Muniira ayaa iyadna la dhacsan cuntada. “Waxay ila tahay in ay ahayd qaabkii ugu wanaagsanaa ee lagu soo gagabayn lahaa munaasiabdda maanta. Qof kastaa wuxuu helayaa cunto wanaagsan – waxaana wax walba ka sii wanaasgan in ay tahay cunno dhaqmeed-Soomaaliyeed,” ayay tidhi.Muniira si qiiro leh uga hadashay galisay dhacdadii maanta, ayaa tidhi: “Mustaqbalka dhow waxaan jeclaan lahaa in aan arko in aan noqon karo mid bulshadeeda isbeddel ka sameeya.”

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here