, 2025-04-16 19:50:25 ,
4 Saacadood ka horDowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay, faahfaahina ka bixisay maxaabiista ay ku soo wareejisay maamulka Khaatumo, halka la gaynayo iyo sida ay ula dhaqmayaan. Wareysi uu siiyay BBC, wasiirka cadaalada dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Macalin ayuu ku sheegay in maxaabiista ay la soo wareegeen ay haatan u socdaan baaritaano caafimaad.Dadkani la sii daayay oo ku dhowaad xirnaa labo sano ayaa dowlada Soomaaliya ay kala soo wareegtay maamulka Khaatumo, iyada oo qorshaynaysa inay ku sii wareejiso “qoyskooda iyo Somaliland”, sida uu wasiirku sheegay.”Maanta maxaabiis ma aha waa dad xor ah oo caafimaadkooduna waa fiican yahay, waana dad ay hadda ku socoto baaritaankii caafimaadka, caafimaadkoodana waa lala tacaalayaa” ayuu yiri wasiir Xasan.Talaabadii ugu horeysay ee ay dowladu qaaday markii ay la soo wareegtay ayuu wasiirku ku sheegay inay tahay dejin loo sameeyo si xaaladoodu caadi ugu soo laabato, ayna xirnayeen muddo labo sano ku dhow.”Marka ugu horeysa waxaa looga bilaabayaa in marka hore la dejiyo iyo inay caadi ku soo laabtaan, caafimaadkooda iyo daryeelkooda laga howlgalo, howlahaas ayaa hadda ku socda. Nolol fiican inay u bilaabato marka u horeysa oo ay bini’aadam caadi ah ku soo laabtaan ayaa shaqadeedii socotaa, dad arimahaasi ku xeeldheerna waa u xilsaaran yihiin” ayuu yiri.Wasiirku waxaa uu intaa ku daray ”Waxaa jira dadaalo lala xiriirayo, ehelkoodiina waa lala xiriirayaa markii iyaga la wareysto oo ay tafaasiil iyo xogtooda baxshaan, waxaa kale oo lala xiriirayaa Somaliland, dadkaasi sidii ay halkaasi ku tagi lahaayeen, waxaana guud ahaan arintan ay ku socotaa waa fariin nabadeed”.Waxaa uu Wasiir Xasan Macallin sheegay inuu uga mahadcelinayo SSC Khaatumo talabaadii u horeysay ee ay qaadeen, uuna dhanka Somaliland ka rajaynayo in talaabo taasi la mid ah ay qaado. OPMWaxaa uu kaloo ka hadlay dowrka dowlada ee maxaabiista ” Waa midka hadda aan ku tagnay SSC Khaatumo oo aan ka codsanay dadkaasi in la sii daayo, kuwa ugu nugul ee xaaladooda caafimaad iyo nololeed ay jilicsan tahay, iyo dumarka in la sii daayo, halkii haween ah ee ku jirtay waa la soo daayay, waxa ay ku jirtaa 25-ta, dad xanuunsan ayaa ku jira, kuwa jirkooda qaybo maqan yihiin ayaa ku jira, doorka dowladuna waxuu ahaa dadkaasi inay xoriyadooda ay helaan, daryeel iyo caafimaadna ay helaan”.Wasiirka waxaa uu kaloo xusay in aysan muhiim u ahayn in dadka la sii daayay ay ahaayeen shacab ama ciidan, tafaasiil ahaana aysan doorkooda ahayn.”Waa dad Soomaaliyeed oo diriray oo colaadi dhex martay, kow waxaan rabnaa in aan albaabkii nabada furno, wuxuuna albaabka nabada ku furmayaa talaabadaasi oo kale, sida aan rajaynayno haddii Illaahay yiraahdo”ayuu yiri.Booqashadoodii xabsiga dhexe ee Laascaanood oo ay booqdeen ayaa wasiirku sheegay inay ku soo arkeen, ayna danaynayeen, xogna inay ka soo helaan ay rabeen saraakiishii ciidamada ugu sareysay ee maxaabista ahayd, ayna indhahooda ku soo arkeen xabsiga oo ay soo wareysteen ciidamadii gacanta ku hayay xabsiga.”In ay xoriyadooda ka maqan tahay ayay noo sheegeen oo xuquuq aysan ka maqnayn oo aysan tabayn, waxaan u qaadanay runtii inay tahay wax wanaagsan oo soomalinimadan lagu yaqaan wayna farax galisay”ayuu yiri wasiir Xasan.Dadka kale ee xiran ayaa Wasiirka oo wax laga weydiiyay qorshahooda uu ku jawaabay ”Waa mida aan sheegay qorshuhu ama taladu waxa waaye dadkan maxaabiista SSC Khaatumo si shuruud la’aan ah ayay u soo daysay, si khaas ah waa dad xaalad bini’aadanimo iyo duruufo khaas ah ay haystaan, marka waxaan ka rajaynayno, waxa waaye Somaliland-na talaabadaas oo kale inay qaado oo ku dayashada mudan leh, ka dib waxaan rajaynaynaa wadahadalo inay furmaan, waxaan rajaynaynaa nabadu inay soo laabato, wadahadalku marka uu furmo ka dib, anagana doorkeenu waxa uu yahay bal in aan ka shaqayno wadahadaladu sidii ay ku furmi lahaayeen, nabad waartana sidii loo gaari lahaa, wixii kale ee awal markii hore dhaliyayna in laga xaalo oo khilaafkaas la xaliyo, laakiin fadhi, wadahadal iyo gogol in la isugu yimaado, doorka dowlada federaalka Soomaaliya waa intaas” ayuu yiri Wasiirka cadaalada Soomaaliya, Xasan Macalin. Somaliland TVDhankooda Somaliland oo ka hadashay arintan ayaa gaashaanka ku dhufatay, Wasiirka Warfaafinta Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa sheegay talaabadaasi ahayd “daandaansi siyaasadeed iyo hurin colaadeed”. Wuxuu intaa ku daray in lagu tuntay “xeerarka caalamiga iyo xorriyadda muwaadiniinta Somaliland, oo si sharci darro ah loo afduubay”.Wasiirku wuxuu intaa kudaray in aysan jirin wadahadal u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Somaliland oo ku saabsan sii deynta maxaabiista. “Maxaabiista uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya geeyey Muqdisho ma ahayn maxaabiis dagaal” ayuu yiri wasiirka warafaafinta ee Soamaliland.Isagoo ka si hadlayey go’aannada golaha wasiirrda ee Somaliland ayuu wasiirku sheegay in ay ka baxeen wadahadalladii u dhaxeeyey labada dhinac.”Maadaama ay dawladda Soomaaliya si joogto ah ugu kacday xadgudubyo ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland, iyo mabaadii’da wadahadalladi hore u dhex maray labada dal, golaha wasiirrada ee Somaliland waxay go’aamiyeen in laga baxo wadahadalladii lagula jiray Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka warfaafinta ee Somaliland Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.
Maxay tahay talaabada xigta ka dib markii dawladda Soomaaliya uu maamulka Khaatumo ku wareejiyey maxaabiis, maxayse Somaliland ka tiri
Published on:
