More

    Maxay booqashada Abiy Axmed kaga duwan tahay tii uu ku tagay Soomaaliya xilligii Farmaajo?

    Published on:



    , 2025-02-27 12:42:52 ,

    BBC SomaliQoraalka sawirka, Rii’sulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa goor dhaw kasoo degay magaalada Muqdisho.38 Daqiiqadood ka horRii’sulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa goor dhaw kasoo degay magaalada Muqdisho iyadoo halkaas uu kusoo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud halkaas oo uu sidoo kale salaan sharaf uga qaatay cutubyo gaar ah oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo diyaariyay soo dhaweyntiisa. Qabanqaabada soo dhaweynta wafdiga Abiy Axmed ayaa ka socotay magaalada Muqdisho ilaa maalintii shalay ahayd.Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa u muuqday bilooyinkii danbe in ay xalliyeen khilaaf u dhaxeeyo labada dal kaas oo ka dhashay heshiis is afagarad ahaa oo ay horey u wada gaareen Itobiya iyo Somaliland.Booqashadan ayaa ah tii labaad ee rasmi ah ee Abiy Axmed uu ku yimaado Soomaaliya intii uu xafiiska joogay.Safarkiisii ugu danbeeyay ee rasmiga ahaa waxa uu ahaa sanadkii 2018-kii in kasta oo uu shirar kale uu uga qeyb galay muqdisho oo uu u yimid sida caleema saarki Xasan Sheekh Maxamuud ee ee sanadkii 2022-kii iyo shir dalalka Bariag Afrika ay Muqdisho ku yimaadeen oo dhacy sanadkii 2023-kii, laakin booqashadani waa tii labaad oo rasmi ah ee Abiy Axmed uu ku yimaado magaalda Mqudisho.Booqashadan ayaa daba joogto booqashadii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu bishii Janaayo ku tagay Adis Ababa, booqashadaas oo ay labada dhinac markii danbe ay ku gaareen in lasoo celiyo xiriirka diblumaasiyadeed ee labada waddan iyo in dhinaca amniga si weyn la iskaga kaashado iyo in lasii amba qaado wadahadaladii Ankara. Wadahadaladan iyo isku soo dhawaansahaha labada dal ayaa imaanayey kadib markii bishii December ee sanadkii hore ee 2024-kiI la saxiixay wixii loogu yeeray baaqa Ankara oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ay soo gabagabeyeen khilaafkii mudada sanadka ahaa ka dhex jiray ee soo bilowday bishii January sanadkii hore ka dib markii madaxweynihii hore ee Somaliland Muse Biixi Cabdi uu heshiis is afagarad ah la galay Abiy Axmed kaas oo ku saabsanaa dhinaaca iskaashiga iyo weliba arrimaha ku saabsan gaaritaanka badda ee dowladda Itoobiya.Wahadaladaas ayaa la filayaa in laabda dal ay sii amaba qaadaan , waxaana xusid mudan in Toddobaadkan horraantiisa ay Muqdisho yimaadeen Taliayaaasha Sirdoonka iyo Milateriga Itoobiya halkaas oo ay wadahadal kula yeesheen dhigooda Soomaaliya , waxayn ka wada hadlen arrimaha ku aaddan amniga.Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa soo dhaweynta wafdiga Abiy Axmed iyadoo si weyn loo adkeeyay amniga caasimadda iyadoo sidoo kale duulimaadyada gudaha qaarkood la joojiyay in ay yimaadaan garoonka Aden Cabdulle Cismaan.Maxay booqashada Abiy Axmed kaga duwan tahay tii uu ku tagay Soomaaliya xilligii Farmaajo? Villa SomaliaQoraalka sawirka, Raii’sulwsaarah Itoobiay Abiy Axmed oo booqasho ku yimid Muqdisho sanadkii 2018kii.Kadib markii uu booqasho ku yimid dalka Soomaaliya Raii’sulwsaaraha Itoobiay Abiy Axmed sanadkii 2018-kii xilligaas oo u xafiisaka joogay Madxweynihii hore Maxamed Acbdullaahi Farmaajo ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen waxa ay si wadajir ah u sheegeen in labada dal uu dhex marayo iskaashi dhinacyo badan taabanaya, kaas oo uu xitaa qeyb ka yahay is dhexgalka labada bulsho.Waxa ay madaxda si wada jir ah xilligaas ugu dhawaaqeen guddi heer wasiir ah oo si dhaqso ah u hawlgalaya oo isku dhaf ah, kaas oo ka shaqayn doona fulinta waxyaabihii lagu heshiiyay.Qodobka 7-aad ee heshiiskaas ayaa ahaa kan ugu culus, wuxuuna ka hadlayay in labada dal ay ku heshiiyeen in ay wada maalgashadaan illaa 4 dekedood, iyo dhismaha waddooyin laami ah oo isku xira labada dal.Qodobka 12-aad ee heshiiska ayaa sidoo kale xusayay in labada dal ay si buuxdo ugu heshiiyeen in midba midka kale uu xushmeeyo madaxbanaanida, qaranimada iyo xornimada siyaasadeed ee dalalkan. Iyada oo sidoo kale ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa midnimada Soomaaliya.Heshiisyadaaasi ay kal galeen Itoobiya iyo Soomaaliay gaar ahaan kuwa ku aadan maalgashiga dekadaha iyo dhismaha waddooyin laami ah oo isku xira labada dal ayaanay waxba ka hir gelin.Dhanka kale booqashadan Abiy Axmed ee Muqdisho ayaa kusoo aadeeyso iydoo heshiis laga gaaray tirada ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM ee ka howlgalaya Soomaaliya taas oo ciidamda Itoobiya ay qeyb kasii ahaan doonto howlgalkan kadib markii dowladda Soomaaliya oo markii hore diidaneyd ay ogolaatay in ciidamada Itoobiya ay kasii mid ahaadaan howlgalka ciidamda nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.Booqashadni waxa kusoo aadeeysaa iyada oo labada dal ay heshiis ka gareen khilaafaaad soo wajahay xiriirka labada dal ayna is ku dayayaan in ay dhayaan boogaha ka dhashay khilaafaadkaas.

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here