More

    Maxaan ka ognahay khasaaraha dabkii ka kacay mid ka mid ah suuqyada waaweyn ee Hargeysa

    Published on:



    , 2025-02-03 15:47:55 ,

    Wariye Saleebaan Saxansaxo/BBCQoraalka sawirka, Dad badan oo xalay ka hoyaaday meheradahooda oo camiran ayaa saaka u yimid meeshii dambas ahArticle informationAuthor, Saleebaan SaxansaxoRole, 7 Saacadood ka horDab xooggan oo xalay saqdii dhexe ka kacay Suuqa Idaacadda ee Magaalada Hargeysa, ayaa sababay khasaare hantiyeed oo balaadhan kaas oo burburiyey meherado kala duwan oo ku yaallay suuqaasi.Suuqan dabku ka kacay oo ah kan saddexaad ee ugu weyn Magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland, oo ku yaalla dhinaca waqooyi ee idaacadda Radio Hargeysa, ayaa xalay 12-kii habeenimo, uu dabku ka kacay mid ka mid ah Meherada ku yaala suuqaas, kaas oo markii dambe si weyn ugu fiday qaybaha kale ee suuqa oo ah mid cadhiidhi ah oo ka samaysnaa jiingado iyo baco.26-ka mid ah gaadiidka Dabdemiska, ayaa ka qayb qaatay xakamaynta dabkan oo si weyn ugu faafay guud ahaan suuqaas oo isugu jira mid lagu iibiyo dharka, raashinka, alaabta guryaha iyo dawaaralayaal, iyada oo saacado uu dabkaasi holcayey, aakhirkiina lagu guulaystay in la joojiyo, sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili.Khasaare intee leeg ayaa ka dhashay Suuqan Wariye Saleebaan Saxansaxo/BBCQoraalka sawirka, Dabka ayaa gaystay khasaare xoogganInkasta oo aanu dabkan sababin khasaare nafeed, haddana waxa ka dhashay khasaare hantiyeed oo badan, kaas oo soo gaadhay hantidii dhex taalay suuqan oo mid isku raran ahaa.In ka badan 500 oo meherradood oo kala duwan oo suuqan gubtay ku yaallay ayaa ku bas beelay, sida uu warbaahinta u sheegay Maayar kuxigeenka Hargeysa Khadar Nuur “Ilaa shan boqol oo meheradood oo yaryar oo ganacsi ah ayaa ku gubtay suuqan, sida guddidu inoo sheegtay. Dawlad hoose ahaana waxa aanu u saarnay guddi tirokoob ku samaysa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkan” ayuu yidhi Maayar kuxigeenka Hargeysa, waxaanu intaasi raaciyey “Cabbir ahaan inta dabku gaadhay waxa ay dhan tahay laba kun, boqol iyo laba iyo sagaashan Mitir oo meherado kala duwan ku yaalleen”.Dadkan khasaaruhu ka soo gaadhay suuqan gubtay waxa ka mid ah Layla Mataan Cali, oo laba meheradood oo mid bakhaar raashinka ahaa kaga gubtay dabkan xalay ka kacay suuqa Idaacadda.Layla Mataan oo khasaaraha soo gaadhay uga warantay BBC-da, ayaa sheegtay in aanay waxba uga badbaadin hantidii u dhex taallay labada meheradood, waxaanay yidhi “Safar aan ka keenay Itoobiya shalay oo isugu jira Digir iyo hadhuudh ayaa halkan igaga gubtay, raashinkan oo lacag gaadhaysa ilaa laba kun iyo shan boqol oo dollarka Mareykanka la iga soo siiyey oo aan ugu tala galay bisha ramadaan. Kiradii gaadhiga ii soo qaadayna la igu leeyahay ayaa halkan iga shuf beelay, oo aanay waxba iiga bixin. Baakhaar iyo meherad iska soo horjeeda ayaan ku haystay suuqa labadiiba way gubteen” ayey tiri.Khadar aw Axmed Cismaan, oo isagana BBC u warramay isagoo dul taagan Meherad uu suuqan ku lahaa oo dambas isku bedeshay, ayaa isna sheegay in uu xalay ka tegay Meheradiisa oo camiran, saakana uu u yimid iyada oo dabku burburiyey, oo hantidii u dhex taallay aanay waxba ka badbaadin “Suuqaygii oo nabad ah ayaan xalay ka tagnay, isaga oo dambas ah ayaan u imid saaka, oo waa annagaa dul taagan, waxba igama badbaadin. Waan iska dhex taag-taaganahay, wax naga kaxeeya ayaanu la’nahay”Khadar, waxa uu xusay in qoyskiisa oo shan xubnood ka koobnaa iyo saddex shaqaale ah oo u shaqaynayey iyo qoysaskooduba ay nolol maalmeedkooda ka heli jireen meheradiisa, balse saaka ay naxdin ku noqotay sida ay ugu yimaadeen meheradooda “noloshayda, ta qoyskayga iyo saddex qof oo shaqaale ah halkan ayaan u soo shaqo tegi jirnay, balse saaka dambaskaas ayaanu dul taaganahay, meel aanu ku hagaagno ma garanayno”.Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo gaadhay maanta suuqa gubtay, ayaa sheegay in ay xukuumaddiisu wax la qaban doonto dadka khasaaruhu ka soo gaadhay dabkii meheradaha badan ku gubteen ee Suuqa Idaacadda ee magaalada Hargeysa.Maxaa sababay dabka ka kacay suuqan Wariye Saleebaan Saxansaxo/BBCQoraalka sawirka, Dad badan ayaa ku hanti beelay dabkaan xalay ka kacay suuqanCali Maxamed Nuur (Dheereeye), oo ah Agaasimaha Waaxda ka hortagga Masiibooyinka dawladda Hoose ee Hargeysa, oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in ay baadhis ku hayaan waxyaabaha keenay in dabkan ka kaco suuqa Idaacadda ee Hargeysa “Ilaa imika ma cadayn karo sababta keentay dabkan, laakiin baadhis ayaanu wadnaa marka ay dhamaato, waanu soo saari doonaa natiijada sababta keentay dabkan”.Qaar ka mid ah dadka Meheraduhu kaga gubteen Suuqan, ayaa BBC-da u sheegay in mid ka mid ah Meheradaha suuqa ku yaallay gudaheeda dabkii ka kacay, uu ku fiday meheradihii kale ee ka agdhowaa, taasna ay keentay dabka balaadhan ee khasaaraha keenay.CabdiNajah Khadar Diiriye, oo ah khabiir dhinaca dabka ah, horena ula soo shaqeeyey Ciidanka Dabdembiska, ayaa sheegay in dabka noocan oo kale ahi ka dhasho laydhka shidan oo xilliga habeenkii laga tego “Dadku marka ay dhamaysteen isticmaalka laydhka waxa ay ka tagaan laydhkii oo baxaya ama adeegyada sida talaagaha ayey kaga tagayaan, taasina waxa ay keentaa in dabku qarax sameeyo” Ayuu yidhi Khabiirkan oo u warramay BBC-da.Dabka ka kacay suuqan xalay ayaa waxa uu ku soo beegmay, xilli loo diyaargaroobayo bisha barakaysan ee Ramadaan oo muddo bil ka yari ka hadhsan tahay, isla markaana meheradaha ku yaala suuqaas ay isu diyaarinayeen in ay ka faa’iidaystaan dhaqdhaqaaqa suuqa oo aad dadku wax uga iibsadaan xilliyadan oo kale.Dabka ka kacaya suuqyada ku yaalla Magaalooyinka Somaliland ayaa soo badanayey sannadihii u dambeeyey, iyada oo sannadkii 2022-kii dab weyn oo ka kacay suuqa Waaheen ee Hargeysa uu burburiyey hanti malaayiin dollar ah.Sannadkii 2024-ka, waxa ciidanka dabdemisku ka hawl galeen hawlgal dab oo ka badan sideed boqol oo ka dhacay Somaliland, kuwaas oo lagu badbaadiyey 125 qof iyo hanti ka badan shan Milyan oo dollarka Mareykanka ah, sida lagu sheegay warbixinta sannadlaha ah ee ay soo saaraan Ciidanka Dabdemiska Somaliland.

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here