More

    Maxaad kala socotaa dabkii Daalo ka kacay, sideese xaalku yahay

    Published on:



    , 2025-07-01 21:10:21 ,

    Telefishanka Qaranka SomalilandArticle InformationAuthor, Saleban SaxansaxoRole, Weriye, HargeysaX, @SSaxansaxoReporting from Hargeysa, Somaliland2 Saacadood ka horMuddo ka badan 24 saacadood weli qaybo ka mid ah Buurta caanka ah ee Daalo oo dhinaca Waqooyi qiyaastii 16-KM kaga beegan magaalada Ceerigaabo, waxaa ka holcaya dab halkaas ka bilowday gelinkii dambe ee Isniintii.Sida uu BBC-da u sheegay masuulka Gobolka Sanaag u qaabilsan Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Somaliland Maxamed Yuusuf, waxaa weli socda la tacaalidda dabka iyo sidii loo xakamayn lahaa in aanu dhul hor leh ku faafin.Masuulkan ayaa sida oo kale xusay in halkaas ay gaadheen gurmadyo kala duwan oo ka kala yimid Hargeysa, Burco iyo deegaanno kala duwan, kuwaas oo maanta ku biiray gurmadka bakhtiinta dabka aaggaas ka oogan.Inkasta oo Buurta Daalo tahay mid balaadhan, haddana qaybaha dabku ka kacay ayaa ah deegaannada loo yaqaan Halleera oo ah dhul beeralay ah oo ku yaala xagga hoose ee Buurta iyo Xero Libaax oo ah qayb dhinaca sare ee buurtaasi ah.Maxamed Yuusuf oo ah Isu duwaha Wasaaradda Deegaanka ee Gobolka Sanaag oo la hadlay BBC-da maanta gelinkii dambe ee Talaadada, isaga oo jooga goobta dabka saameeyey, ayaa sheegay in saaka gelinkii hore labada meelood ee dabku ka kacay mid ahaan la xakameeyey, hase yeeshee gelinkii dambe ee maanta uu dib u kacay dabku, taas oo keenay in xaaladdu sii adkaato. “Dabkaas intaa aanu xakamaynay ayuu haddana dib u bilowday mar kale, waxa aanu isku dayeynaa in aanu xakamayno oo aanu dhaafin halkiisa, gurmadkii noo yimid qayb ayey ka yihiin dedaallada lagu bakhtiinayo dabka” Ayuu yidhi Maxamed YuusufWaxa kale oo uu sheegay in dhulka gubanayaa oo laba qaybood ah mid ahaan ku qiyaasayaan cabirka dhulka gubanaya Siddeed ilaa Sagaal KM, oo cidhiidhi ah oo gaadiidka dabka la dagaallamaa aanugeli karin, dadkuna meelaha qaar ay adag tahay in ay gaadhaan. “Gaadiid badan oo dab demis ah ayaa noo yimid, laakiin waxa u suurto geli la’ in ay gaadhaan, madaama oo dhulku cidhiidhi yahay, wax keliya ee aanu adeegsanayno waa majarafado iyo madaraqyo, waxa kale oo aanu awoodno ma jiraan.” ayuu sii raaciyey Mxamed. Muxuu yahay khasaaraha ilaa hadda uu sababay dabka Buurta Daalo?Inkasta oo aanay jirin wax dhimasho ah oo ka dhashay dabkan, haddana waxa jira dhaawacyada dad gaadhaya labataan qof oo laba ka mid ah laga dhigay Isbitaal ku yaalla Magaalada Ceerigaabo, halka kuwo kalena dhaawacoodu fudud yahay.”Laba ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Deegaanku waxa ay yaalaan Isbitaalka Ceerigaabo, hal askar oo jabay oo imika la qaaday ayaa jira, ilaa sagaal askari oo dhaawacyo fudud soo gaadheen ayaa jira iyaguna. Dadka Deegaanka ilaa shan qof oo dhaawacyo ah ayaa jira” Ayuu yidhi Isu duwaha Wasaaradda Deegaanka ee Gobolka SanaagSidoo kale meelaha uu dabku saameeyey waxa ka mid ah dhul beeralay ah oo lagu magacaabo Xidh-xidh iyo Gaacidh, kuwaas oo uu baa’biiyey beero halkaas ku yaalay, oo qaarkood loo dalxiisi tegi jiray.Ma jiraan illaa hadda tiro rasmi ah oo la xidhiidha inta ay leeg yihiin beeraha gubtay, madaama oo weli dabku holcayo, oo ka soo baxay laamha dawladda dhexe iyo gobolka ee Somaliland. Telefishanka Qaranka SomalilandDabka soo noqnoqtay ee ka kaca buurta Daalo xidhiidh noocee ah ayuu la leeyahay isbeddelka Cimillada?Inkasta oo si rasmi ah aan loo ogeyn sababaha dhaliyey dabka ka kacay Buurta Daalo, isla markaana ay Masuuliyiinta Somaliland sheegeen in ay ku hawlan yihiin la tacaalidda dabka, sida oo kalena ay baadhitaan samayn doonaan, haddana sida uu BBC u sheegay Maxamed Cabdi Cabdilaahi oo ah cilmi baadhe dhinaca deegaanka ah oo ka tirsan Jaamacadda Cammuud waxa jira dhawr qodob oo sabab u noqon kara dabkan:”Waxa ka mid ah waxyaabaha dabkan loo aanaynayo in dadku aanay inta badan u arkin khatarta dadka oo ay dabka iska shidaan iyaga oo aan u eegin goobta iyo wakhtiga, waxa kale oo ka mid ah cimilada oo isbeddeshay, oo dhulka ay dhirtu ku badan tahay marka ay cimiladu kulushay way qalashaa, taasina way sababi kartaa.” Ayuu yidhi Maxamed CabdiWaxa kale oo uu xusay Maxamed Cabdi Cabdilaahi in isbeddelka cimilladu uu qayb weyn ka noqon karo dabka Buurta Daalo ka kacay, waxaana uu yidhi “Marka la eego cilmi baadhisyadii u dambeeyey iyo dhacdooyinkii adduunka ka dhacay dabkan si weyn ayuu xidhiidh ula leeyahay isbeddelka cimillada, madaama oo cimiladu isbeddelayso oo heerkulku badanayo, oo dabeecaddii deegaanka wax badan iska beddeleen qallayl badan ayaa dhulkii ku yimid, haddii qalaylkaas bato in ay u nuglaadaan dabka. waayo waxa badanaya dabaylaha, iyagu waxay keenayaan in dhirtu is xoqdo oo si fudud dabku uga dhasho”Cashar noocee ah ayaa laga baran karaa dabka ka holcaya buurta Daallo? .Qoraalka sawirka, Maxamed Cabdi Cabdilaahi, khabiir dhanka Cimillada ahWasiirka Deegaanka ee Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ay awooddooda ay ka baxsan yahay wax ka qabashada dabka buurta Daalo.Sida uu leeyahay Maxamed Cabdi Cabdilaahi oo ah cilmi baadhe dhinaca deegaanka ah, ayaa sheegay in casharro badan laga baran karo dabka ka kacay buurta Daalo.Maxamed, ayaa sheegay in casharradaas ay ka mid yihiin in la diyaariyo waxyaabaha muhiimka u ah masiibooyinka dabiiciga ee sidan oo kale ah: “Waxaa muhiim ah in la helo cid si gaar ah ugu tababaran dabka noocan oo kale ah, waxa kale oo laga baran karaa in la kordhiyo kormeerka deegaanka iyo ilaalintiisa, in deegaanka loo dhaweeyo adeegyada muhiimka ah oo aan Hargeysa laga gurman, in la kordhiyo wacyi gelinta bulshada ee dabka iyo khatartiisa iyo in dadka deegaanka loo sameeyo maamul hoose oo arrimaha ka hor tagidooda aykaga shaqayn karaan” ayuu yidhi markale Cilmi baadhe Maxamed Cabdi Cabdilaahi.Dabka ayaa ka mid masiibooyinka ay guud ahaan dhulka Soomaalidu muddooyinkan danbe la daaladhacayaan, kuwaas oo soo noqnoqda, badanaana geysta khasaare baahsan.

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here