, 2025-08-15 19:36:08 ,
gett2 Saacadood ka horDowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ka falceliyay hadalkii kasoo yeeray Senatorka caanka ah ee reer Maraykan Ted Cruz, kaas oo ka codsaday madaxweyne Trump in la siiyo Somaliland aqoonsi heer dal ah, maadaama ay muddo ka badan soddon sano ay baadi goob ugu jireen helitaanka aqoonsi caalami ah.Senator Ted Cruz ayaa sheegay in Somaliland inkasta oo ay wajahday khataro haddana ay ku taagnayd la yeelashada Maraykanka xiriir dhow, waxaana si dhow ay ugala shaqaynaysay kor u qaadida iskaashiga milatari, dadaalada la dagaalanka argagixisada iyo iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi. Waxaana uu intaasi sii raaciyay; ”Si taasi loogu sameeyo saamaynta ugu weyn iyo faa’iidada ugu weyn ee danaha ammaanka qaranka Maraykanka, waxa ay u baahan tahay heer dal. Waxaan kuugu baaqayaa in aad siiso ogolaanshaha aqoonsi.”Sidee uga falcelisay Somaliland?Somaliland ayaa soo dhoweysay hadalka Senator-ka oo ay uga mahadceliyeen u qareemida maamulkooda, waxaana qoraal la soo dhigay barta bulshada ee X, ee horay loogu yaqaanay Twitter ay wasaarada arrimaha dibadda Somaliland ku daabacday ”inay kaga mahadcelinayaan Senator Ted Cruz taageerada uu muujiyay iyo u qareemida aqoonsi ay Somaliland hesho”.Waxaa kale oo wasaarada isla bartaasi ay kusoo qortay in ”in ka badan soddon sano, Somaliland ay ku taagnayd nabbad, xasilooni iyo maamul dimuqraadi ah. oo ay hormuud u ahayd waxyaabaha ay wadaagaan ee ay ka siman yihiin”Dhowr qoraal oo isla barta X ay wasaaradu dib ku soo daabacday ayaa waxaa kale oo ay ku tiri; ”Waxaynu ku taaganahay xoojinta xiriirkeena dulqaadka ku dhisan ee Maraykanka ee baadigoobka ujeedooyinka aynu wadaagno.”Sidee uga falcelisay dowladda Soomaaliya?Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda ka hadashay hadalka dalabka aqoonsiga Somaliland ee ka soo yeeray musharaxii hore ee isreebreebka xisbiga jamhuuriga ee madaxweynanimada Maraykanka Ted Cruz.Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar oo loo yaqaan Cali Balcad ayaa ku soo daabacay bartiisa X in dalalka geeska Afrika ay haysato xaalado kala duwan oo ay kamid yihiin abaaro iyo xagjirnimo, isaga oo ugu baaqay Maraykanka in ay iska kaashadaan xasiloonida iyo dimuqraadiyada.”Geeska Afrika kuma yaalo kalagoys. Xagjirnimo, abaar, rabshado iyo waxyeelo la soo gaarsiiyo ganacsiga caalamka dalabka iskaashiga, uma baahna burbur. Soomaaliya iyo Maraykanka waxa ay awooddaan ayna tahay in wadajiraan si loo difaaco xasiloonida, dimuqraadiyada iyo guusha wadaaga ah.”Safiirka Soomaaliya ee Maraykanka Daahir Xasan Carab ayaa isagana qoraal ay ku shaabadaysan tahay safaarada Soomaaliya ee Washington, kuna taariikhaysan 15 Agoosto, 2025, oo uu soo dhigay barta X ku sheegay in ”Soomaaliya ay ku taagan tahay iskaashiga ammaanka ee ay la leedahay dowlada Maraykanka. “Waxaynu si dhow ugala shaqaynaynaa madaxweyne Trump iyo miltariga Maraykanka la dagaalanka kooxaha ISIS iyo Al-Shabaab, iyada oo in ka badan labaatan duqaymo wadajir ah ay wada sameeyeen sanadka 2025 kali ah- heer iskuxirnaan oo weyn oo ka kormaraya sanadihii hore”Qoraalka warqada safiirka ayaa sidoo kale lagu xusay ”kooxaha argagixisada waxaa ay helaan dhul markii waxyeelo ay soo gaarto midnimada iyo sharafta dhuleed. Siyaasad kasta oo daciifinaysa madaxbanaanida Soomaaliya waxa ay dhiirigalinaysaa xagjiriinta iyo khatar galinta xasiloonidda guud ahaan Geeska Afrika”Jamhuuriyada iskeed madax banaanideeda ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegtay inay kala laabatay Soomaaliya midnimadii 1960-kii, ayna soo ceshatay madaxbanaanideeda sanadkii 1991kii, haatana ay baadigoob ugu jirto aqoonsi caalami ah.Soddonkii sano ee la soo dhaafay Somaliland ayaa maamuladii kala duwanaa ee soo maray ay ku dadaalayeen inay aqoonsi caalami ah u helaan deegaankooda, iyada oo dowlada Federaalka Soomaaliya ay dhankeeda qabto in Somaliland ay tahay qayb kamid ah Soomaaliya.Waxaa guul daraystay wadahadalo dhowr ah oo dhex maray labada dhinac ee Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland inay isku waafaqaan jihida wadahadalka ee labada dhinac.
Falcelinta Soomaaliya iyo Somaliland ee hadalkii Senator Ted Cruz ee Aqoonsiga Somaliland
Published on: