, 2025-06-03 15:20:36 ,
Xafiiska Afhayeenka M JSL4 Saacadood ka horHoggaamiyaha xisbiga ODM ee dalka Kenya Raila Odinga, ahaana ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Kenya, ayaa shalay hoygiisa uu ka deggan yahay Nairobi ku casuumay madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).War kasoo baxay afhayeenka madaxweynaha, Xuseen Aadan Cige, ayaa lagu sheegayy in kulanka diiradda lagu saaray hagaajinta xiriirka labada dhinac oo dhinacyo kala duwan ah, sida nabadda iyo ammaanka, waxbarashada, isdhaafsiga dhaqan iyo qeybo kale.Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha Afrika, iyagoo ku baaqay xal ay Afrika hoggaamiso iyo horumar loo dhan yahay.”Waxa xusid mudan in Mudane Raila Odinga uu muddo dheer ahaa saaxiib dhaw iyo taageere mayal-adag oo ay Jamhuuriyadda Somaliland leedahay.””Intii uu socday kulanka ayaa labada hoggaamiye waxa ay ka wada hadleen sidii loo dardargelin lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood ee Somaliland iyo Kenya, iyo sidii ay labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen xagga dhaqaalaha, isku socodka, aqoonta iyo arrimaha isteraatejiga ah.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.Madaxweynaha Somaliland ayaa dhankiisa uga mahad naqay “saaxiibtinimada soo jireenka ah ee uu Raila Odinga la leeyahay Somaliland iyo taageeradiisa”. Xafiiska Afhayeenka M JSLRaila Odinga oo dhexdhexaadiye weyn ka ah Bariga Afrika ayaa horey meelo fagaaro ah uga taageeray qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland, isaga oo ugu baaqay Golaha Fulinta Midowga Afrika inay u aqoonsadaan Somaliland dal madaxbanaan.”Midowga Afrika wuxuu u baahan yahay inuu xaqiiqda ku baraarugo oo aysan suurtogal ahayn in labadan dal aan la isku keeni karin oo aan hal loo aqoonsan karin,” ayuu yiri sanadkii 2020. “Somaliland waa xaqiiq ay tahay caalamka inuu ku baraarugsanaado.” Ayuu intaa raaciyay.Raila Odinga oo sidoo kale ah siyaasiga ugu faca weyn islamarkaas na mudada dheer xabsi ku jiray gudaha Kenya waxa uu isku tilmaamaa in uu yahay saaxiib dhow ee madaxweynihii labaad ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo ay isbarteen xilliyadii uu Cigaal xubinta ka ahaa dowladdii rayidka Soomaaliya oo uu Raysal wasaare ka noqday iyo dowladdii kacaanka oo uu la shaqeeyay. Xafiiska Afhayeenka M JSLMadaxweyne Cirro ayaa sidoo kale toddobaadkii hore kulan la qaatay madaxweynaha Kenya William Ruto.Madax ka tirsan wafdiga Cirro ayaa sheegay in kulanka looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashi dhanka waxbarashada, nabadda iyo ammaanka, isdhexgalka dhaqaalaha, iyo dowladnimada.Sidoo kale madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo wafdigiisa ayaa kulamo la yeeshay wakiilada iyo safiirada caalamka ee fadhigoodu yahay Niarobi, ayadoo Cirro uu xarigga ka jaray xafiiska Somaliland ay ku leedahay Nairobi.Kenya ayaa markii hore joojisay qorshaha ay jamhuuriyadda goonni isu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland ku dooneysay inay xafiis diblomaasiyadeed uga furato magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay u aqoonsan tahay dal madax bannaan, isla markaana aysan ogolaan karin in Somaliland ay xafiis diblomaasiyadeed ku yeelato magaalada Nairobi.Somaliland, waxay gooni isu taageeda ku dhawaaqday sanadkii 1991-kii, balse ma helin aqoonsi ballaadhan oo caalami ah oo ku saabsan madax-bannaanideedaKenya ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto xiriirka ay la leedahay Somaliland, balse ay u aqoonsantahay dowlad-goboleed ka tirsan Soomaaliya, isla markaana ogolaansho ka hesho Soomaaliya.Wafdiga Madaxweyne Cirro ayaa maanta dib ugu laabtay Hargeysa.Ka sii wad akhrinta
