, 2025-08-23 13:48:56 ,
AFPQoraalka sawirka, .Saacad ka horDanjirihii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre Jr ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya ay tahay in looga mahadceliyo in ay xakameeyeen Al-Shabab.Safiirka ayaa si gaar ah uga hadlay in sababaha aysan al-Shabab u gaarin goobaha kale sida Puntland iyo Somaliland ay tahay in ciidamada Soomaaliya iyo saaxibadda caalamiga ah ay xakameeyeen.”Waxa ay tahay in Somalilnd iyo Puntland ay gartaan ayaa ah waxa ay ciidamada qaranka ee Soomaaliya iyo xulufada caalamiga ah gaar ahaan Midowga Afrika, waxay sameeyeen inay ku xakameeyaan al-Shabab dhanka Koonfurta dalka, marka in ay yiraahdaan eega sida aan u wanaagsanahay oo weeraro al-shabab ah kama dhacan aaggeenna,” ayuu yiri safiirka.Danjire Larry Andre Jr oo wareysi ay ka qaadday gabadh lagu magacaabo Dr Hodan Cali laguna baahiyay baraha bulshada ayaa farta ku fiiqay in ciidamada Soomaaliya iyo saxaibbada caalamiga ah ay tahya in looga mahadceliyo howsha ay qabteen ee ah in Shabab ay ku hor-istaageen koonfurta Soomaaliya.”Waa in ay yiraahdaan waad mahadsan tihiin ciidamada qaranka Soomaaliya iyo saaxabbadooda caalamiga ah oo iyagu al-shabab ku hor-joosaday oo ku xakameynayay Koonfurta,” ayuu hadalkiisa ku daray.Maxaa loo fasiran karaa hadalka Safiirka? Baraha bulshadaCiidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo daafay xoojiyay dagaalka ay kula jiraan al-Shabab.Meelihii u dambeeyay ee laga saaray al-Shabab waxaa ka mid ah ahaa degaanka Bariire oo saldhig muhiim ah u ahaa dagaalayahannada Shabab.Maxamed Nuur Qalimow, oo isagu ka faallooda arrimaha ammaanka ayaa la qaba safiirka fikirka ah in xakameynta Shabab ee Koonfurta ay tahya midda keentay in kooxdu aaney gaarin deegaannada Somaliland iyo Puntland.”Run ahaantii waxaa loo fasiran karaa in nabadda ay maanta ku naaloonayaan Somaliland iyo Puntland ama ay leeyihiin nabad ayaan haysanaa in aysan dhici lahayn haddii ciidamada qaranka Soomaaliya iyo kuwa midowga afrika aysan halkaasi ku hor-istaagin al-shabab” ayuu yiri Mr Qalimow.Mr Qalimow ayaa inta ku daray in hadalka safiirka uusan ahayn wax uu iska yiri, balse laga yaabo in ay hayaan xog ku saabsan sababaha aysan shabaab ugu fidin Soomaaliya inteeda kale.”Waxad mooddaa safiirka Mareykanka koley FBI-da Mareykanka waxa aduunyada ka dhacaya wax aysan la socon ma jiro , waxaa laga yaaba ( Mareykanka ) in ay xog wayn ka hayaan in sababta ay labadaas deegaan ay nabadda ku yeesheen ay tahay in howsha ciidamada Atmis iyo kuwa Soomaalida ee halkaa ku dhimanaya ee dagaalka kula jira inay aad uga faaiideysteen” ayuu intaa ku daray.Inkastoo qaybo ka tirsan mamaulka Puntland ay ciidamada mamaulkaasi kula dagaallamayaan Daacish, haddana meelaha ugu badan ee al-Shabaab lagula dagaallmo waa deegaannada Koonfurta Soomaaliya, iyadoo shabaabkuna ay weerarro iyo qaraxyo ka gaystaan magaalooyinka iyo farriisimada ciidamada ee deegaannada Koonfurta.Dhawaan al-Shabaab waxaa ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kala wareegeen magalaooyin muhiim ah oo ka tirsan goboolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.Dadka qaar ayaa qaba in Somaliland iyo Puntland ay amnigooda ka shaqeeyeen isla markaana ay adagtahay in Shabaab ay halkaasi tagaan oo ay ka sameyaan falal amni darro ah oo la mid ah kuwa ka dhaca Koonfurta.Wa kumaa Larry Andre Jr? US GovLarry Edward André, Jr, Wuxuu dhashay sannadkii 1961. Shahaadada koobaad ee jaamacadda wuxuu 1983, ka qaatay Machadka Claremont McKenna ee California.Sannadkii 1988-dii ayuu qaatay shahaadada labaad ee Jaamacadda, oo culuumta Siyaasadda uu ka bartay Machadka Maamulka iyo Maareynta Caalamiga ah ee Arizona.Markii ugu horreysay ee Afrika uu yimid waxay sannadkii 1983-dii, wuxuuna si bilaash ah ugu shaqeynayay hay’ad. Wuxuu qaaradda ku sugnaa illaa 1985.Ka dib markii Jaamacadda uu ka soo qalinjebiyay wuxuu André ku soo noqday Afrika, wuxuuna ka shaqeynayay mashruuca dib u dejinta qaxootiga, intii u dhexeysay 1988 illaa 1990.Danjire Larry E. André, Jr, ayaa ka fariistay Waaxda Arrimaha Dibedda iyo dublamaasiyadda May 2023 ka dib 38 sano oo uu ku soo shaqeeyay arrimaha guud ee caalamka.Muddadii 33-aad ee uu joogay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, waxa uu ka soo shaqeeyay wadamada badan.Dalalka uu ka soo shaqeeyya waxaa ka mid ah Somaaliya, Jabuuti iyo Mauritania.Danjire André meelaha kale uu ka soo shaqeeyay waxaa ka mid ah agaasime ku xigeenka xafiiska fulinta arrimaha Afrika; Sarkaalka Maamulka, Safaaradda Mareykanka ee Guinea; Sarkaalka Maamulka, Qunsuliyadda Mareykanka ee Kaduna (waqooyiga Nigeria); Ku-xigeenka La-taliyaha Maamulka, Safaaradda Maraykanka ee Ciraaq; iyo Sarkaalka Adeegyada Guud ee Kormeerka, Safaaradda Bangladesh ee Maraykanka.
Safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya oo sheegay sababta aysan Shabab u gaarin Puntland iyo Somaliland
Published on: