More

    Muxuu salka ku hayaa khilaafka ka taagan gobolka Sanaag

    Published on:



    , 2025-07-08 21:15:18 ,

    XQoraalka sawirka, Badhan, Sanaag8 Luulyo 2025Jamhuuriyadda Iskeed Ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ayaa dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku eedeysay in ay faragelin ka waddo gobolka Sanaag, gaar ahaan in ay ciidamo geysay deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag, isla markaana ay hubeyneyso dadka shacabka ah.Hadalkan ka soo baxay Somaliland ayaa imaanaya iyadoo xiisad ay ka taagan tahay gobolka Sanaag taas oo u dhaxeysa dhinacyo kala duwan.BBC-da ayaa la hadashay wasiirka warfaafinta Somaliland, Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay deegaano nabad ah dhibaato ka abuureyso.”Waxaa nasiib-darro ah wixii ay mas’uulka ka ahaayeen iyo nabadgalyadii Muqdisho ee looga fadhiyay iyo koonfurta Soomaaliya ay ka sameeynayeen in ay ku fashilmeen, taa badalkeedana ay ka bilaabeen deegaano nabad ah carqalad iyo ciidamo in ay ka qoraan”.Wasiirka waxa uu sheegay in waxa ka socda gobolka ay u arkaan daandaansi iyo faragelin lagu sameynayo Somaliland. Wuxuu kaloo sheegay wasiirka in dowladda Soomaaliya ay ciidamo geyneyso deegaano ka tirsan Sanaag sida deegaannada Badhan iyo Dhahar.BBC ayaa weydiisay wasiirka caddeymaha uu hayo ee la xiriira in dowladda Soomaaliya ay ciidamo geyneyso deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.”Dalka anagaa joogna, warka aan idin siineyno waa wax jira, waraaqo ayey soo saareen wasaaradooda arrimaha gudaha oo lagu leeyahay waxaan ismaamul goboleed dhameystiran u sameyneynaa Sool-bari iyo Sanaag-bari” ayuu yiri wasiirka oo sheegay haddii khilaaf ka jiro dadka deegaanka in wixii khilaaf ah ay Somaliland khibrad u leedahay sidii ay ku xalin laheyd.BBC-da ayaa weydiisay Axmed-Yaasiin sababta ay ku diidayaan hadii ay jiraan dad deegaanka oo halkaas shir ku qabsaday si ay mustaqbalkooda uga arrinsadaan. Wuxuu sheegay wasiirka in aysan cabburin dadka.”Degmada Ceerigaabo wixii khilaaf ah ee ka dhacay madaxweynaha wuxuu u dhigay gogol, sidii ayeyna u fidsan tahay, haddana meel wanaagsan ayey noo mareysaa” ayuu yiri wasiirka oo sheegay in aysan caburin dadka ayna tixgeliyaan ra’yiyada kala duwan ee dadku qabaan.Wasiirka oo sidoo kale ka hadlay baaq ay u direen beesha caalamka ayaa sheegay in baaqoodu uu la xiriiray arrinta gobolka.”Beesha caalamka waxaan ugu baaqnay lacagta loogu talogalay in Soomaaliya nabadgalyadeeda lagu ilaaliyo, ciidanka Soomaaliya ee halkaas jooga mushaar iyo dhaqaale u qaataan oo la doonayo in rabshado looga abuuro dhulkaas” ayuu yiri wasiirka oo ku tilmaamay dowladda Soomaaliya in ay duulaan ku tahay. Somaliland information ministeryQoraalka sawirka, Axmed-Yaasiin Sheekh Cali, wasiirka warfaafinta Somaliland,Dhinaca kale, dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisay eeda uga timid Somaliland ee ah in ay abaabul ciidan ka wadaan gobolka Sool.Wasiir ku xiigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo BBC-da la xiriirtay ayaan weydiinay waxa ka jira eedda Somaliland.”Hadaladaas waa hadalo aan raad laheyn oo been-abuur ah ah, runtii wax ka jira ma lahan, dowladda Soomaaliya waxay u taagan tahay in ay dadka Soomaaliyeed nabadeyso oo ka shaqeeyso in ay isku soo dhawaadaan”.Mar aan weydiinay war ka soo baxay dowladiisa oo sheegaya in maamul loo sameynayo Khaatumo ayuu ku jawaabay wasiirka in tahay mas’uuliyad saaran dowladda federaalka Soomaaliya.”Dowladda dalka iyadaa ka mas’uul ah, howlaha la xiriira taageerada maamulada dalka ka jira iyo sida dadka Soomaaliyeed laysugu soo dhaweyn lahaa, waa mas’uuliyad dowladda saaran” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo intaas ku daray in maamulka Khaatumo uu yahay mid cusub oo ka tirsan maamulada dowladda federalka.”Khaatumo waa maamul curdun ah oo dowladda Federalka ka tirsan, sida markii warfdiga raysalwasaaraha ay booqdeen looga heshiiyay, waxay wasaarada arrimaha gudaha ka taageereysay sidii ay maamulkooda u dhameystiri lahaayeen oo dhismahooda u hagaajin lahaayeen si la mid ah maamuladii ka horeeyay” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala oo sheegay in ay tahay shaqo lagu cawinayo dadka deegaakaas ku nool iyo sidii ay danahooda uga tashan lahaayeen.Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sheegay in uusan aaminsaneyn in faragelin loo arko xiriirka ay dowladda Federalka la sameyneyso dadkeeda.”Dowladda Soomaaliya oo dalka Soomaaaliya faragelineysaa ma aqaano xigmadda ay ku dhisan tahay iyo meesha uu eraygaas ka yimid, dowladdu waxay u dhaaratay in ay u adeegto dadka Soomaaliyeed”.Ma ahan Somaliland cidda kaliya ee diidan in dowlada federalka ay timaado gobolada Khaatumo ee sidoo kale Puntland ayaa ka horjeeda.Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in deegaandaas ay ka dhaceen doorashooyinkii Puntland.”Dadka Puntland ee Sanaag deggan taladooda Puntland ayey taal, taladooda iyagaa xor u ah, waxay goosteen maamulkii ay wax ka dhiseen in ay ilaaliyaan, haddii aad idinku goosateen in aad maamul gaar ah noqotaan, fariinteydu waxay weeye halkaa ku ekaada hadii aad halkaa ka xadgudubtaan, wax aanan anaga mudneyn, idinkana mudnayn ayey arintu isu bedeleysaa” ayuu yiri.

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here