, 2025-07-04 10:06:06 ,
Tv-ga qaranka4 Luulyo 2025Magaalada Muqdisho waxaa mar kale shir ku yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay Wehliyaan guddiga dowladda ee wadahadallada u xil saaran iyo Madasha Samatabixinta ee mucaaradka.Shirkaas oo ahaa wareegii labaad wadahadalada ayaa waxaa la sheegay in labada dhinac ay ka wadahadleen arrimo dhowr ah oo hore loogu heshiiyey in ajandaha ay ka mid noqdaan.Mucaaradka oo dhankooda BBC la hadlay ayaa waxay sheegeen in ay dowladda isku fahmeen qaar ka mid ah qodobadii laga wadahadlay.Af-hayeenka madasha mucaaradka ee la baxday Samatabixinta Danjire Daahir Maxamuud Geelle oo BBC la hadlay ayaa sheegay in muhiimadda kulanka uu ahaa in diiradda la saaro afar qodob oo xasaasi ahaa.”Waxaa balantu ahayd in afar qodob oo asaasi ah aan ka wadahadalno, arrimaha amniga inaan ka wadahadalno, arrimaha midnimada aan ka hadalno, arrimaha dastuurka aan ka hadalno, arrimaha doorashooyiinkana aan ka hadalno” ayuu yiri Mr Geele.Mr Geele ayaa farta ku fiiqay in kulankii hore waxyaabaha lagu ballansanaa ay ka mid ahaayeen in madaxda madasha ay la xiriiraan madaxda maamul goboleedyada maqan ee Puntland iyo Jubbaland, arrintasina ay fuliyeen oo ay madaxwaynaha uga warbixiyeen.”Waxaa lagu ballamay inta aan shirka labaad la isugu soo laaban in aan la xiriirno maamul goboleedyada labada ah ee ka maqan oo aan ka shaqeyno sidii ay ku imaan lahaayeen, dabcan howshii aan isku ogeyn oo madaxwaynuhu naga rabay maadaama baryahan ay kala xanaaqsanaayeen labadaas maamul waan la xiriirnay, madaxwaynaha warbixin ayaan ka siinay in xaalku fiican yahay, arrimahanna ay soo dhaweynayaan” ayuu intaa ku daray.Af-hayeenka madasha mucaaradka ee la baxday Samatabixinta Daahir Maxamuud Geelle wuxuu carabka ku dhuftay in caqabadda ka hortimid marka laga hadlayo labada maamul ee maqan ay tahay arrinta Jubbaland.”Caqabado ayaa waxay ka jiraan xagga Jubaland oo marna xagga duulimaadka ama cunaqabateyn ay saaran tahay, marna mashariicdii ka xanniban yihiin, marna haddee madaxwaynihii nafsadiisa Jubbaland ay dacwo ka taalo meeshaan” ayuu yiri Mr Geele.Maxaa la isku fahmay, maxaa-se la isku fahmi waayay? Daahir Maxamuud GeelleQaar ka mid ah qodobadda muhiimka ahaa ee ay labada dhinac ka wadahadleen shalay ayaa la isku fahmay.Mucaaradka ayaa waxaa ay sheegeen in la isku fahmay qodobo ay ka mid yihin ‘amniga iyo la dagaalanka argagixisada’.”Afartii arrimood oo aan sheegay labo ka mid ah-na waan isku waafaqnay oo waan isla meel dhignay, arrimaha amniga iyo la dagaalanka argagixisada dalka sidii looga qaban lahaa iyo arrimaha midnimada soomaaliya” ayuu yiri Af-hayeenka madasha mucaradaka ee Samatabixinta.Daahir Maxamuud Geelle ayaa xusay in qodobka aan la isku fahmin uu yahay qodobka dastuurka oo uu sheegay inuu muhiim u ahaa wada-xajoodka.”Arrimahaas dastuurka ayaan isla meel-dhigi waynay” ayuu intaa ku raaciyay.Danjire Daahir Geelle ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda marka ay qaadayso tilaabo ka baxsan dastuurka ay tahay inay kala tashato dhinacyada kala duwan.”Sideedaba dowladda markay ku kaceyso tallaabo ka baxsan dastuurka waxay u baahan tahay heshiis inay ka gasho marka dastuurka la baddalayo ama dastuurka wax lagu darayo, ama laga dhimayo markay tahay ama mudda xileedka markuu dhamaado halkee la aadaa, arrimahaasi waxay dowladda u baahan tahay dadka inay kala arrinsato” ayuu yiri Mr Geele. baraha bulshadaMaxay ka tiri dowladda?Dowladda fedraalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkan wajiga labaad uu ku qabsoomay jawi wanaagsan.”Shirkii Wadahadalka ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta oo galay wareegii labaad, ayaa Maanta oo ay bishu tahay 3-da bisha Luulyo 2025, waxaa shir iskugu yimid Madaxweynaha JFS, xubnaha Guddiga dowladda u xilsaaran wadahadallada iyo Madasha Samataxibinta” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.Bayaan ay dowladda soo saartay ayaa sidoo kale lagu sheegay in wareeg saddaxaad ee shirka lagu ballamay 20 bisha Luulyo.”Shirka oo ku qabsoomay jawi aad u wanaagsan ayaa falanqeyn dheer ka dib, waxaa la isku waafaqay in la isku soo laabto 20-ka Luulyo, 2025 si loo sii ambaqaado arrimihii laga wadahadlay” ayuu bayaanka intaa raaciyya.Shirkan ayaa waxaa horey ugu baaqday oo gogosha u fidisay dowladda federalka, islamarkaana ka hor inta uusan bilaaban wareegii koowaad waxaa uu baaqday dhowr mar.Siyaasiyiinta ku mideysan madasha Samatabixinta oo uu gudoomiye u yahay madaxwaynihii dowladdii kumeel-gaarka ahayd Sheekh Shariif sheekh Axmed ayaa labadii kulan ee ugu dambeeyay ka qeyb galay.Balse waxaa xusid mudan in maamulada Puntland iyo Jubbaaland ay diideen ka qeyb galka Kulamada ay dowladda ay gar-wadeenka ka tahay.Arrimaha dastuurka iyo doorashada ayaa ah qodobada ugu muhiimsan ee ay labada dhinac ee mucaarada iyo dowladda ay isku hayaan.
Maxay yihiin qodobada la isku fahmi waayay kulankii madashada samatabixinta iyo dowladda
Published on: