, 2025-06-11 12:36:20 ,
Social Media3 Saacadood ka horOdayaal iyo waxgarad ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegay in ay ku jiraan kulammo iyo dadaallo ay doonayaan in lagu sii daayo rag muddo ka badan 10 maalmood afduub loogu haysto guri ku yaala magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, sida ay sheegeen.Odayaasha ayaa sheegay in raggan loo xidhay nin dhawr iyo toban sano kahor lagu dilay magaalada Baydhabo oo deegaan ahaan ka soo jeeday gobolka Mudug.Malaaqa reerka ay ka dhasheen ragga ku xidhan Gaalkacyo, Ugaas Cali Ugaas Xasan oo u warramay BBC, ayaa sheegay in raggani ay gacanta ugu jiraan shaqsiyaad. “Muddo 13 maalmood laga joogo ayaa nala yidhi, odoyaal ka mid ah beesha aan ugaaska u ahay ayaa lagu qafaashay Gaalkacayo, oo guri niman shakhsi ah leeyahay ku xidhan ayaa la yidhi” ayuu BBC-da u sheegay Ugaas Cali”Askari xilligii Cabdillaahi Yuusuf uu Baydhabo joogay oo laga dilay in ay u haystaan ayay na yidhaahdeen” ayuu sheegay Ugaas Cali Ugaas XasanRagga xidhan ayaa tiradadoodu lagu sheegay siddeed nin in ay yihiin.Odoyaasha ka soo jeeda dhanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in intii hore ay ku mashquulsanayaan xogta waxa loo haysto iyo halka ay ku xidhan yihiin.Sidaas darteedna aanaay la xidhiidhin maamulka deegaanka, balse hadda wixii ka danbeeya ay diyaar u yihiin in ay is waraystaan oo arrinta xalliyaan. GalkacyoMaxay maamulka gobolka Mudug ka yidhaadeen dhacdadan?Kaddib markii warkaasi soo baxay, BBC-da waxa ay raadisay oo la xidhiidhay maamulka gobolka Mudug ee Puntland. Faysal Sheekh Cali Maxamed Jifo-jabsade waa Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, iyada oo la weydiiyey waxa ay dhacdadan ka ogyihiin iyo sida ay wax u jiraan dhankooda.Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa shegay in aanay waxba ka jirin warka ah in ay guri ku xidhan yihiin.”Waxaan kuu caddaynayaa in aan dad guri ku xidhan aanay jirin, oo saldhig boolis ayay ku xidhan yihiin, waxaana ay u xidhan yihiin waaran maxkamadeed”, ayuu Guddoomiyuhu u sheegay BBC-da.Waxana intaa Guddoomiyuhu sii raaciyey in muddadaa ku dhaw labaatanka sano, marba in ay beeluhu wada hadlayeen oo la heshiinayey si magtii loo helo se aanay waxba ka hir gelin.”Makaa nimankani waa qabiilkii magta lagu lahaa oo nootaayadii baan hayaa ay labada qabiil ay ku heshiiyeen ee magta ku qabsadeen” ayuu Faysal Sheekh Cali Maxamed u sheegay BBC-da.Waxaana dhanka kale guddoomiyuhu sheegay in dadkani ay yihiin dad maamulka iyo dadka dalka deggan ka mid ah isla markaana ay marayaan sharcigii dhulkii ay ku noolaayeen.Waxaana Guddoomiyuhu ka digay in arrintaas aan la siyaasadayn ee ay dhacdadani tahay dhacdo beelo magtoodii kala heli waayey oo isasoo dacweeyey.Kiisaka dilalka ayaa badanaa Soomaalidu mag kala qaadataa taas oo marar ka qaar qaadata muddo dheer.Dhacdadan ayaa se u eg mid hor leh oo dhinacyadu ay isku eedaynayaan afduubasho iyo in aan dhanka kale bixin wixii la isku ogaa.Ka sii wad akhrinta
Maxaan ka ognahay xogta rag la sheegay in ‘lagu afduubtay’ magaalada Gaalkacyo?
Published on: