, 2025-05-13 19:52:48 ,
Getty Images2 Saacadood ka horDowlad goboleedka Puntland oo ay BBC du wax ka waydiisay jiritaan xog lagu faafiyay baraha bulshada, oo sheegysay diyaarado dagaal oo ay soo iibsatay Puntland, ayaa waxa uu sheegay in warkaasi uu yahay dhab.”Helikabtaro dagaal oo ambalaasyo iyo kuwa wax duqeynayayba isugu jira oo firxadka … duqeynaya, howlahaas oo dhan diyaarado fulinaya ayaa la keenay.” ayuu yidhi Maxamuud Caydiid DirirWasiirka warfaafinta ee puntland.Wasiirku ayaa sheegay in Puntland ay awooddo in ay diyaarado iibsato “qanina tahay”.Wuxuu sheegay in diyaaradahani yahiin labo nooc; kuwo dagaal iyo kuwa gargaarka degdegga ah gaysta, mase uusan xusin tirada rasmiga ah ee diyaaradahaan.”Puntland… way isku tashatay. Dowlad iyo shacaba [howlgalka] intaas le’eg oo ilaa bishii January soo socday oo maanta maraya bishii shanaad keli bay ku ahayd,” ayuu raaciayay hadalkiisa.Wuxuu sidoo kale xusay in ay jiraan saaxiibbo caalami ah oo ka qayb qaatay howlgalka, isaga oo xusaya wasiirku dowladdaha Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta in ay taageereen dagaalka ka dhanka ah urur ISIS.Misaaniyadda Puntland ee sanadka 2025 ayaa ahayd lacag dhan $466,840,762 oo doolara Maraykanka ah, taas oo ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen golaha wasiirada Puntland, iyadoo la sheegay in miisaaniyaddani korodhay boqolkiiba 18 % marka loo eego sanadkii ka horeeyay. GoogleMuuqaalo baraha bulshada lagu shaaciyay ayaa muujinaya diyaarado u muuq eg nooca loo yaqaanno Eurocopter SA341F2 Aérospatiale Gazelle, kuwaas oo la sheegay in ay soo iibsatay Puntland. Muqaal kale oo iyana lagu baahay Facebook ayaa muujinaya iyaga oo maraya meel xeeb ah, halkaas uu wasiirka warfaafinta Puntland ku sheegay in ay tahay magaalada Boosaaso.Diyaaradahaan ay sheegtay Puntland in ay iibsatay ayaa kusoo aadaya xilli uu wali socdo howlgalka maamulkaasi uu wado ee ka dhanka ah kooxda ISIS oo duqeymo dhanka kale kala kulmaysa dowladda Maraykanka. 9-kii illaa 11-ka bishaan ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in uu ka fuliyay duqeymo ka dhan ah kooxda Daacish ee Soomaaliya ka dagaalanta.Taliska AFRICOM ee Maraykanka ayaa warqoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in 70 km meel dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Boosaaso ee Caasimadda gobolka Bari uu duqeyn ka fuliyay isla bishaan. Sidoo kale goob dhan anka koonfureed 60km kaga beegan magaalada Qandala, ayuu sheegay in ay ka fuliyeen duqaymo ay ku beegsadeen ururka ISIS. Warkaas waxaa lagu xusay in Daacishta Soomaaliya ay cadeysay doonisteeda iyo awoodeeda ay rabto in ay ku waxyeelayso ciidamada Maraykanka.Waxay noqonaysaa markii ugu horeysay ee xubin ka tirsan maamul goboleedyada Soomaaliya si rasmi ah uu u qirto hayshashada diyaarad dagaal.Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ay soo iibsatay diyaarado nooca dagaalka ah iyagoo ka qayb qaatay dagaalada ka dhanka ah ururka Alshabaab ee ka socday badhtamaha koonfurta Soomaaliya.Bishii Maarso ee sanadkaan Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka cirka ee Soomaaliya oo adeegsanayo diyaaradaha ay dowladda Soomaaliya soo iibsatay ay door weyn ku lahaayeen dagaalka ballaadhan ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya kaas oo ay illaa 2007-dii dowladda Soomaaliya dagaal kula jira.