More

    Dawladda Soomaaliya oo farriin adag oo la xiriirta markabka ay PMPF qabteen ee hubka sida u dirtay Puntland

    Published on:



    , 2025-07-23 19:55:34 ,

    XSaacad ka horAyadoo ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay markab hub sida oo Puntland ay qabatay ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay Dawladda Federaalka lagu cambaareeyay qabashada markabkaas. Markabka oo lagu magacaabo SEA WORLD ayaa ku socday calanka Jasiiradda Comoros.Warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda oo ah hadalkii ugu horreeyey ee ay ka soo saarto ayaa lagu sheegay ”in markabku uu kusii jeeday Dekedda Muqdisho, isaga oo ay saarnaayeen qalab ciidan oo loo waday xarunta tababarka ciidamada ee TURKSOM, si waafaqsan heshiisyada iskaashiga difaac ee u dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, shixnadduna ay ku socotay sifo sharci oo si buuxda u waafaqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah”.Warsaxaafadeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo baxay ayaa lagu soo xigtay qoddob dastuuri ah oo sida lagu sheegay ah ”Qodobka 54aad ee Dastuurka oo dowladda federaalka Soomaaliya uu si gaar ah ugu xil saarayo difaaca amniga qaranka bad iyo barriba. ”Afduubka” markabkan oo ay fuliyeen kooxo ka tirsan dowlad-goboleedka Puntland in uu si toos ah ugu xad-gudbayo Dastuurka KMG ah, wuxuuna dhaawacyaa gobannimada, midnimada iyo madax-bannaanida qaranka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay daabacday warbaahinta dowladdu.Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dalbatay warsaxaafadeedka ay soo saartay in si ”dedeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo markabka, maadaama uu sido shixnad sharci ah oo loogu talagalay ujeeddooyin difaac, oo laga maarmaan u ah sugidda amniga iyo xasilloonida dalka oo ay ku jirto Puntland”.Dowladdu waxa ay ku dalbatay sida ay ku sheegtay warsaxaafadeedka ‘Sida kucad xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan heshiiska Qaramada Midoobay ee sharciga badaha (UNCLOS) ee 1982′, falkasta oo lagu afduubto Markab ganacsi ama mid si sharci ah oggolaansho uga haysta dowlada, waxa ay hoos imaanayaan qeexitaanka ”burcad-badeednimo’, waana dambi ciqaabeed si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed”.Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale warsaxaafadeedkeda ku sheegtay inay ” ka go’an tahay ka hortagga falalka burcad badeednimada iyo maxkamadaynta shakhsiyaadka iyo kooxaha ku lugta leh bucad-badeednimada, iyadoo la raacayo xeerarka ciqaabta qaranka iyo kuwa caalamiga ah”.Markabka oo ku jira gacanta maamulka Puntland, haatanna ku xiran magaalada Boosaaso ayaa dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay tallaabo amni oo sharciga waafaqsan ka qaadayso. ”Sii heysashada sharci darrada ah ee markabka SEA WORLD, waxay horseedeysaa in Dowladda Federaalka ah ay tallaabo amni oo sharciga waafaqsan ka qaado goobaha iyo furdooyinka xuddunta u noqda falal burcad-badeednimo oo liddi ku ah xeerarka qaranka iyo kuwa caalamiga ah. Tilaabooyinkaas oo ay ku hubinayso amniga maraakiibta sida sharciga ah ku maraya badda Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka oo ay ku jirto Puntland in faragalin kasta oo aan sharci ahayn ay halis gelinayso amniga qaranka iyo midka gobolka ”Ugu dambayn, dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka oo ay ku jirto Puntland, inay ixtiraamaan waajibaadka dastuuriga ee dowladda Federaalka ee ku saabsan arrimaha difaaca iyo maareynta bad-maaxidda, faragelin kasta oo aan sharci ahayn waxa ay halis gelinaysaa amniga qaranka iyo midka gobolka. Rich Tedd/XMarkabka oo siday hub iyo gaadiidka dagaalka ayaa dhowaan warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda warfaafinta Puntland lagu sheegay in ”Markabkan Sea World uu jabiyay xeerarka caalamiga ah ee dhigaya in markab shisheeye uusan si sharci-darro ah ku geli karin biyaha xuduudda badeed ee dowlad kale, gaar ahaan marka uu xambaarsan yahay hub muuqda oo laga yaabo in uu halis amni abuuro”.Maxaa ka dhalan kara oo cawaaqib ah halka ay kala taagan yihiin dhinacyaduWasiiru dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Cabdinuur oo soo dhigay bartiisa bulshada ee Facebook eryada ”Hadduu xalaal noqday!!!” ayaa dad badan ay u fasirteen in uu uga jawaabayo warsaxaafadeedka DFS ee ku aadan in Puntland ay soo wareejiso markabka ay gacanta ku dhigtay.Ma jiro war kale oo rasmi ah oo dhanka Puntland kasoo baxay oo isla arrintan jawaab u ah.Cabdiweli Gureey oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya ayaa ka hadlay waxyaabaha ka dhalan kara haddii la sii dayn waayo Markabka SEA WORLD ee haatan ay Puntland gacanta ku hayso ee ku xiran Magaalada Boosaaso.”Madaxdu ha ahaato Federaal ama Puntland in arrimo isku goodin ah ay dhacdo anigu ma aaminsani, in sharci wax lagu xalliyo ayaa haboon, howshaa waxa ay u furaysaa wajiyo badan cadowga, Soomaaliya xaaladda aynu ku jirno waa aynu u jeednaa, marka waxa aan aaminsanahay in si sharci ah loo baaro, gantaalo Maanta Soomaaliya ma dalban karto.Cabdiweli gurey wuxuu aaminsan yahay in la eego dukumentiga shixnadda uu markabku sido si xal looga gaaro.

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here