, 2025-02-11 19:27:18 ,
MOHAMED DAHIR32 Daqiiqadood ka horKoox looga shakisan yahay inay yihiin burcad badeed Soomaali ah ayaa gacanta ku dhigay dooni kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Yemen, xilli ay maraysay meel ka baxsan xeebaha Geeska Afrika, sidaas waxaa baahiyay wakaaladda warar ee AP oo soo xiganeysa ay masuuliyiin ay ka hadlay arrinkaa gelinkii dambe ee Isniintii.Ciidamada badda ee Midowga Yurub, gaar ahaan howlgalka lagu magacaabo EUNAVFOR Atalanta, oo arrinkaan ka hadlay ayaa sheegay, in dhacdadan ay wali ku wadaan baaritaan.Howlgalka ayaa waxa uu sheegay in weerar lagu bartilmaameedsaday Doon shiraaceed duq ah oo maraysay biyaha Bariga Dhexe, balse ku beegan magaalada Eyl ee Soomaaliya.Shirkadda amniga badda ka shaqaysa ee Ambrey ayaa sheegtay in xilligii weerarku dhacayay la arkay kooxda la tuhunsan yahay oo xadaya saddex doonyood oo yar yar oo ay ku rakiban yihiin matooro kiiba uu leeyahay awoodda – 60-fardood. Ambrey ayaa sheegay subaxnimadii hore ee Talaadada in “koox looga shakisan yahay burcad badeednimo lagu arkay” iyagoo ka baxaya xeebta magaalada Eyl.Burcad badeeda ayaa toban sano ka hor la baabi’iyay howlgalladii ay ka sameyn jireen biyaha Soomaaliya. Kordhinta ilaalada badda caalamiga ah, dawladda dhexe ee Muqdisho – caasimadda Soomaaliya oo sii xoogaystay, iyo dadaallo kale ayaa sababay in burcad-badeedda aad falalkooda hoos loogu dhigoTan iyo sanadkii la soo dhaafay 2024 ayaa waxa ay u muuqatay in xeebaha Soomaaliya ay ku soo laabanayaan dhaqdhaqaaqii falalka burcad Badeeda.Kudhawaad muddo toban sano oo ay falalkaas joogsadeen ayaa waxaa sanad iyo barkii la soo dhaafay dhacay in ka badan 20 weerar oo ay qaadeen kooxo la xiriirinayo burcad badeednimo.Balse burcadda ayaa marwalba waxay ku andacoodaan in ay ahaan jireen kaluumeysato, ayna nolol maalmeedkoodii hor istaageen dooomaha jariifka ah.Kalluumeysiga sharci darrada ah ayaa ahaa muran sanado badan Soomaaliya ka taagnaa.Maraakiib badan oo kalluumeysi ayaa ku shaqeeya ruqsad la’aan ama ruqsado ay bixiyaan hay’ado aan awood u lahayn inay sidaas sameeyaan, sida ay qabto hay’adda caalamiga ah ee ka dhanka ah dambiyada abaabulan ee dalalka isaga gudba.Waxay soo xiganaysaa caddaymo ay ku jiraan xogta dayax gacmeedka, si ay u muujiso in qaar badan oo ka mid ah maraakiibta ay ka yimaadeen Shiinaha, Iran, Yemen iyo Koonfur-bari Aasiya. Warbixin kasoo baxday safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay lumiso lacag dhan $300 malyan sanad walba.Howlgalka Atalanta’s Admiral Manuel Alvargonzález Méndez ayaa sheegay in ciidamadiisu ay kaliya beegsadaan maraakiibta burcad badeedda, ayna hadda sidoo kale ku qasban yihiin in ay maraakiibta ka difaacaan fallaagada Xuutiyiinta Yemen.