More

    Wax ka ogow xaqiiqda ka dambeysa dharka laga dalbado shirkadda Shein iyo halka lagu sameeyo

    Published on:



    , 2025-01-13 12:33:27 ,

    Xiqing Wang/BBCQoraalka sawirka, BBC ayaa la hadashay shaqaalaha shirkadda ee deegaanka Panyu ee gobolka Guangzhou, loona yaqaannp “xaafadda Shein”2 Saacadood ka horGuuxa harqaannada ayaa ah mid si joogto ah looga maqlo qeybo ka mid ah Guangzhou, dekad mashquul ah oo ku taalla Webiga Pearl ee koofurta Shiinaha.Wuxuu guuxa kasoo baxaa daaqadaha furan ee warshadaha laga soo bilaabo subixii ilaa saq-dhexe habeenkii, iyadoo lagu tolayo funaanadaha, buumaha, garannada, surwaallada iyo dharka dabaasha kuwaasoo loo dhoofiyo ilaa 150 dal.Kan waa dhawaqa Panyu, deegaanka loo yaqaanno “xaafadda Shein”, tiro warshado ah oo taageera shirkadda dhanka faashiyonka ee ugu weyn adduunka.”Haddii maalmaha bishu yihiin 31 maalmood, waxaan shaqeyn doonaa 31 maalmood,” mid ka mid ah shaqaalaha ayaa sidaa u sheegay BBC.Intooda badan waxay sheegeen in keliya ay hal maalin oo fasax ah leeyihiin bsihii.BBC ayaa dhowr maalmood halkan ku qaadatay: waxaan booqannay 10 warshad, waxaan la hadalnay afar milkiile iyo in ka badan 20 shaqaale. Waxaan sidoo kale waqti ku qaadannay suuqyada shaqaalaha iyo kuwa iibiya marada dharka laga tolo.Waxaan ogaannay in wadnaha ay ku shaqeyso shirkadda ay yihiin shaqaale fadhiya meesha ka dambeysa mashiinnada harqaannada oo ilaa 75 saacadood toddobaadkii shaqeynaya taasoo kasoo horjeedda sharciga shaqaalaha ee Shiinaha.Saacadahaas kuwo aan caadi ahayn kama aha Guangzhou, oo hoy u ah shaqaale miyiga ka yimid oo raadinaya dakhli sare; ama gudaha Shiinaha, oo muddo dheer ahayd xarunta warshadaha ugu badan adduunka.Balse waxay su’aalaha aan dhammaadka lahayn kusii biiriyaan Shein, oo mar ahayd shirkad aan sidaa loo aqoon oo Shiinaha lagu aasaasay taasoo muddo shan sano gudahood caalami ku noqotay.Shirkaddan oo weli si gaar ah loo leeyahay, waxaa lagu qiyaasaa qiimaheeda ilaa £36bn ($60bn) haatanna waxay daneyneysaa inay ka mid noqoto liiska suuqa iibka saamiyada ee London.Horumarka ay degga ku gaartay, si kastaba, waxaa hareeyay muran la xiriira sida ay ula dhaqanto shaqaalaha iyo eedeymo la xiriira shaqaaleyn qasab ah.Sanadkii lasoo dhaafay waxay qiratay inay ogaatay in carruur ay ka shaqeynayeen shirkadaheeda Shiinaha.Shirkadda ayaa diidday in la wareysto balse waxay BBC qoraal ugu sheegtay in “Shein ay ka go’an tahay hubinta in dhammaan shaqaalaha loola dhaqmo si caddaalad ah oo sharaf leh” ayna tobnaan milyan oo doollar ku bixineyso xoojinta mamulka iyo u hoggaansamidda”.Waxay intaa ku dartay: “Waxaan u halgannaa inaan heerka ugu sarreeya u dejinno mushaarka waxaana dhammaan saaxiibbada ganacsiga ka dooneynaa inay u hoggaansamaan shuruucdeenna. Waxaa intaa dheer, Shein waxay la shaqeysaa hubiyeyaal si loo hubiyo u hoggaansamidda.”Guusha Shein waa mid dhumuc leh – barta internet-ka waxaa ku jira boqollaal kun – iyo qiime-dhimis ballaaran: £10 sakooyinka ama toobabka, £6 funaanadaha, waana qiime celcelis ka hooseeya £8.Dakhliga sanadlaha ayaa kordhay, kaasoo dhaafay shirkadaha sida H&M, Zara iyo Primark-ga UK. Iibka qiime-dhismita waxaa horkacaya meelaha sida xaafadda Shein, oo hoy u ah ilaa 5,000 oo warshado, intooda badanna ay yihiin kuwo dharka kasii iibiya Shein.Dhismooyinka waxaa loo qoondeeyay harqaannada dharka lagu tolo, duubab maryaha dharka laga tolol iyo baco ay ka buuxaan haraaga dharka. Albaabbada qeybta hoose ee dhismaha ayaa mar walba u furan doorarka aan dhammaadka lahayn ee wax dejinta iyo rarista.Markii ay maalinta dhammaato, qaanadaha waxaa laga buuxiyaa dharka la dhoofinayo, baco cad lagu asteeyay magaca shanta xaraf ka kooban ee shirkadda u gaarka ah.Balse xitaa kadib 22:00, harqaannada- iyo dadka ku howlan – ma istaagaan iyadoo maryo badan ay imaanayaan, gawaari-xamuul oo ay ka buuxaan agabka. Xiqing Wang/ BBCQoraalka sawirka, Marada laga sameeyo dharka ee shirkadda uu ganacsigeeda ku socdo… Xiqing Wang/ BBCQoraalka sawirka, Aalaaba ilaa habeen ayaa lagu gaaraa Panyu”Waxaan caadi ahaan shaqeynaa, 10, 11 ama 12 saacadood maalintii,” waxaa sidaa tiri haweeney 49 jir ah oo kasoo jeedda Jiangxi taasoo aan dooneyn inay magaceeda sheegto. “Maalmaha Sabtida waxaan shaqeynaa ilaa saddex saacadood in ka yar.”Waxay ku sugan tahay luuq ciriiri ah, oo dhowr qof ay isugu soo xoomeen boor meesha ku dheggan.Waxay akhrinayaan xayeysiinnada shaqada ee boorka ku qoran, iyadoo tijaabineysa tolliinka labo surwaal oo meesha kasoo laalaada.Tan waa warshadda dharka ka iibisa Shein. Warshadaha ayaa qandaraas lagula galaa inay dharka ku sameeyaan dalabaad – qaar weyn, qaar yar. Haddii surwaallada ay yihiin kuwo aad loo jecleysto, dalabaadku wuu badanayaa, sidaa si la mid ahna waa qasab in wax soo saarku kordho. Warshadaha ayaa kadib shaqaaleysiiya shaqaale ku meel gaar ah oo kasoo baxa dalabka aysan fulin karin shaqaalahooda joogtada ah.Haweeneydan ka mid ah muhaajiriinta Jiangxi waxay raadineysaa qandaraas muddo kooban ah.”Wax aad u yar baan helnaa. Qiimaha nolosha halkan aad bey u sarreysaa,” ayay tiri, iyadoo intaa raacisay inay rajeyneyso inay lacag ku filan sameyso si ay ugu dirto labadeeda carruur oo la nool ayeydood iyo awowgood.”Waaa lacag nalagu siiyaa calaa surwaal,” ayay tiri. “Waxay ku xiran tahay sida uu sheygu u adag yahay. Wax fudud sida funaanad waa wax ka yar hal doollar calaa shey waxaana saacaddii sameeyaa ilaa hal xirmo.”Tijaabinta tolliinka surwaallada waxay muhiim u tahay in go’aankaas la gaaro. Dhammaan hareeraheeda, shaqaalaha ayaa isku dhufsanaya inta ay ku heli doonaan sameynta mid walba oo dharka ah iyo inta ay ku sameyn karaan saacaddiiba.Luuqyada ciriiriga ah ee Panyu waxay u taagan yihiin suuqyada shaqaalaha, iyadoo subaxyadii la buuxo xilli shaqaalaha iyo kuwa qandaraasyada gaaban raadiya ay isugu soo xoomaan meelaha ka dambeeya halka lagu iibiyo quraacda. Xiqing Wang/ BBC Xiqing Wang/ BBCSaacadaha caadiga ah ee shaqada waxay u muuqdaan kuwo kasoo bilowda 08:00 ilaa wixii ka dameeya 22:00, sida ay BBC ogaatay.Tan waxay waafaqeysaa warbixin ay soo saareen kooxda xuquuqda u ololeysa ee Switzerland ee Public Eye, taasoo ku saleysneyd wareysiyo lala yeeshay ilaa 13 shaqaale warshadaha dharka ka shaqeeya oo dhar usoo saara Shein.Waxay ogaadeen in tiro shaqaale ah ay si xad-dhaaf ah u shaqenayeen. Waxaa lagu xusay in gunnada caadiga ah iyadoo waqti dheeraad ah aan la shaqeyn ay ahayd 2,400 yuan (£265; $327) – wax ka hooseeya 6,512 yuan oo Isbahaysiga Asia Floor Wage Alliance uu sheegay in loo baahan yahay inuu noqdo “gunnada lagu noolaado”. Balse shaqaalaha aan la hadalnay waxay awoodeen inay shaqeystaan inta u dhaxeysa 4,000 iyo 10,000 yuan bishii.”Saacadahaas ma ahan kuwo aan cadi ahayn, balse waxay caddaay inay sharci-darro tahay waxayna meel uga dhaceysaa xuquuqda aadanaha aasaasiga ah,” sida uu sheegay David Hachfield oo kooxdaas ka tirsan. “Waa nooc meel ka dhac xad-dhaaf ah tanna waxay u baahan tahay in la arko.”Celcelis ahaan saacadaha shaqada toddobaadkii waa inaysan ka badan 44 saacadood, sida ay qabaan shuruucda shaqaalaha ee Shiinaha, oo sidoo kale qeexaya in kuwa wax shaqaaleeya ay tahay inay hubiyan in shaqaaluhu ay helaan ugu yaraan hal maalin oo nasasho ah toddobaadkii. Haddii milkiile uu doonayo inuu saacadahaas kordhiyo, waa inay noqotaa sababo gaar ah. Xiqing Wang/BBCQoraalka sawirka, Shaqaalaha ayaa la lacag lagu siiyaa calaa shey. Funaanad iska caadi ah waxay ku helaan wax ka yar hal doollar Iyadoo xafiisyada ugu weyn ee Shein ay haatan ku yaallaan Singapore, waxay beeniyaan in inta badan alaabaheeda laga keeno Shiinaha.Guusha Shein waxay soo jiidatay dareenka Washington, oo aad uga walaacsan shirkadaha Shiinaha.Bishii June, ninka uu Donald Trump u doortay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay inuu “walaac weyn oo anshaxa ah” ka qabo “xiriirka qotada-dheer ee ay Shein la leedahay Dadka Jamhuuriyadda Shiinaha”: “Shaqaale addoonsi, dukaamo lagu dhidido, iyo khidadooyin ganacsi ayaa ah siraha qurmoon ee ka dambeeya guusha Shein,” ayuu soo qoray.Cid walba kuma raaceyso erayada uu doortay Rubio inuu ku qeexo xaaladaha ku gedaaman warshadaha dharka ka iibiya Shein. Balse kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in saacadaha dheer ee shaqada, oo hab-nololeed u noqday dad badan oo reer Guangzhou ah, waa kuwo aan caddaalad ahayn.Mahsiinnada ayaa go’aamiya maalinta.Waxaa loo hakiyaa qado iyo casho, marka shaqaalaha oo gacanta ku heysta qalabkooda, ay u saftaan inay cunno soo iibsadaan. Haddii aysan jirin meel la fadhiisto, waxay istaagaan waddooyinka.”Waxaan warshadahan ka shaqeynayay in ka badan 40 sano,” ayay tiri haweeney keliya 20 daqiiqo ku qaadatay inay wax cunto. Tan keliya maalin kale ayay u ahayd.Gudaha, shirkadahaaan booqannay ma ahan kuwo ciriir ah. Waxay leeyihiin nalal ku filan iyo marwaxado warshadeed oo loogu talo-galay inay shaqaalaha qaboojiyaan. Boorar waaweyn ayaa ku boorrinaya shaqaalaha inay soo sheegaan shaqaalaha carruurta ah – tan oo u muuqata inay jawaab u tahay in la helay labo kiis oo carruur ka shaqeyneysay warshadda sanadkii lasoo dhaafay. Xiqing Wang/BBCQoraalka sawirka, Warshadaha waxay leeyihiin nalal badan… Xiqing Wang/BBCQoraalka sawirka, iyo marwaxado waaweyn oo gudaha qaboojinaya BBC ayaa ka warheysa in shirkadda ay si dhow ula socoto warshadaha dharka ka iibiya kahor qorshaheeda ka mid noqoshada Suuqa Saamiyada London.”Tan waxay ku saabsan tahay sumcaddooda,” ayuu yiri Sheng Lu, oo cilmiga faashiyonka ka dhiga Jaamacadda Delaware. “Haddii Shein ay ku guuleysan karto IPO taas waxay la micno tahay in loo aqoonsan yahay shirkad fiican. Balse haddii ay tahay inaysan lumin kalsoonida maalgashadayaasha, waa inay xoogaa mas’uuliyad ah qaataan.”Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ay Shein wajahayso waa eedeymaha ah inay suufkeeda ka hesho gobolka Xinjiang ee Shiinaha.Suufka Xinjiang oo mar loo aqoonsanaa mid ka mid ah kuwa ugu tayada fiican adduunka, ayaa hoos u dhac uu ku yimid kadib markii ay soo baxeen eedeymo la xiriira in lagu soo saaro iyadoo la adeegsanayo shaqaaleysiin qasab ah oo Muslimiinta Uyghur ee laga tirada badan yahay ah – eedeyn ay Beijing si joogto ah u beeniso.Sida keliya ee looga bixi karo cambaareyntan waa inaan wax la qarin, ayuu yiri Prof Sheng says.”Ilaa aad si buuxda u shaaciso liiska warshaddaada, ilaa aad dadka u caddeyso warshadaha aad dharka ka qaadato, haddii kale waxaan u maleynayaa inay aad ugu adkaan doonto Shein.”Faa’iido weyn, ayuu intaa ku daray, inay tahay in warshadda dharka siisa Shein ay ku taallo Shiinaha: “Dalal aad u yar ayaa leh warshado dhammeystiran oo wax laga qaato. Shiinaha ayaa tan leh – cidna lama tartami karto.”Dalalka tartanka kala dhaxeeyo sida Vietnam iyo Bangladesh ayaa alaabaha cayriinka ah ka keensada Shiinaha si ay dhar uga sameeyaan. Balse warshadaha Shiinaha waxay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin waxa gudaha lagu sameeyo, laga soo bilaabo marada ilaa shinyeerka ilaa galluusyada. Marka way fududdahay in waxyaabo badan la sameeyo, waxayna awoodaan inay si degdeg ah u sameeyaan. Xiqing Wang/BBCTaas ayaa gaar ahaan u shaqeysa Shein oo xajmigooda ay go’aamiyaan dalabaadka. Haddii dadka wax iibsanaya ay barta internet-ka ee shirkadda ay ku dhuftaan saako, amaba ay waqti dheer ku qaataan eegidda funaanad, shirkadaha ayaa warshadaha weydiisanaya inay wax intaa ka badan sameeyaan – iyo si dhaqsi leh.Shaqaalaha ku sugan Guangzhou, tan caqabad ayay ku noqon kartaa.”Shein waxay leedahay faa’iidadeeda iyo khasaaraheeda,” mid ka mid ah milkiilayaasha warshadaha ayaa inoo sheegay. “Waxa fiican ayaa ah in dalabka uu marba marka ka dambeysa sii bato, balse faa’iidada ayaa yar oo go’an.”Shein, marka la eego weynaanteeda iyo saameynteeda, waa mid aad u gorgortanta. Marka milkiilayaasha warshadaha waxay ku qasbanaanayaan inay qiimaha ka jaraan meelaha kale, tanoo aalaaba ay ka dhalato in gunno yar ay shaqaalaha siiyaan.”Kahor Shein, annaga ayaa soo saaraneynay oo iibineynay dharkeenna,” ayuu yiri milkiilaha saddex warshadood. “Waan qiyaasi karnay qiimaha, go’aansan karnay sicirka oo xisaabin karnay faa’iidada. Hadda Shein ayaa xakameysa sicirka, waana inaad ka fekertaa qaabab aad u yareyn karto qiimaha.”Marka dalabaadku kordho, si kastaba, waa faa’iido. Shirkada ayaa ilaa hal milyan oo xirmo maalintii dunida u kala dhoofisa, sida laga soo xigtay xogta ShipMatrix, oo ah shirkad la talin. Xiqing Wang/ BBC”Shein tiir ayay u tahay waaxda faashiyonka,” ayuu yiri Guo Qing E, oo dharka ka iibiya Shein.”Waxaan bilaabay markay Shein bilaabatay. Waxaan usoo joogay sare u kaceeda. Markaan daacadda ka hadlo, Shein waa shirkad fiican oo Shiinaha ku taalla. Waxaan u maleynayaa inay xoogeysan doonto, sababtoo ah waqtiga ayay wax ku bixisaa. Tanna waa sababta ay u tahay tan loogu kalsooni badan yahay.”Haddii lacagta dabeecaddeenna la rabo in la bixiyo 15ka, iyadoo aan la eegeyn inay tahay malaayiin ama tobnaan malaayiin ah, lacagta waqtigeeda ayaa lagu bixiyaa.”Shein, marka la eego saacadaheeda xad-dhaafka ah iyo mararka qaar lacagtay bixiso oo yar, uma noqon karto mid ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan shaqaalaheeda. Balse dadka qaar waxay u tahay dakhli sumcad leh.Bannaanka waa mugdi shaqaalahana waxay dib ugu laabanayaan warshadaha kadib marka ay soo casheeyaan.Saacado kadib, kadib marka shaqaale badan ay habeenkii gurigooda aadaan, leyrarka dhowr dhisme ayaa sii shidan.Dadka qaar ilaa saq-dhexe ayay shaqeeyaan, sida uu inoo sheegay mid ka mid ah milkiilayaasha warshadaha. Wuxuu sheegay inay doonayaan inay lacag badan helaan.


    Ganacsi,Aasiya,Britain,London,Shiinaha

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here