, 2024-04-08 11:21:47 ,
Cali AaryoQoraalka sawirka, Cali Aaryo iyo gubashada carwadiisa ee labada mar8 Abriil 2024Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dab ka kacay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.Dabkan oo ka billowday qaybta bagaashka lagu iibiyo ee u dhexeysa qaybta loo yaqaano Dahablaha iyo Khaliifa ayaa si dakhso leh ugu faafay dhul baaxad leh, halkaas oo ay ku hanti beeleen dad u badan ganacsatada dharka iyo kabaha iibiya.Illa hadda lama shaacin sababta ka dambeysey dabkan oo ah kii labaad oo ka kaca suuqa ugu weyn dalka muddo bil gudaheed ah, hase yeeshee ganacsatada qaar ayaa sheegay in dabku ay koronto dhalisay.Tobanaan ganacsato ah ayaa ku hanti belay dabka iyadoo ay ahayd xilli uu suuqu aad u mashquul badanyahay loona diyaar garoobayay munaasabadda ciidul fidriga oo maalmo qura ay ka dhimanaayeen.Mid kamid ah ganacsatada oo lagu magacaabo Cali Aaryo ayaa ku waayay carwo uu lahaa oo uu ku iibinayay dharka dumarka laguna magacaabi jiray ‘Carwo Cali Aariyo’, iyadoo ay tahay markii labaad ee ay sidan oo kale carwo uga gubato.Hadal uu Cali kusoo qoray baraha bulshada ayaa noqday mid saameyn badan yeeshay kaas oo la isla wadaaga. Waxa uu yiri, “Maalin kaleba yeelkeede, maanata kursiga aan ku fadhiyo shaqo kumahayo, micnha meeshu waa faaruq alxamdulih Alxamdulih Alxamdulih Alle ayaa igaqatay wana kuqancsanahay”.Intaa kadib, Cali oo BBC-da la hadlay ayaa yiri, “Aniga waa markii labaad ee ay dhibaatadan igu dhacdo waliba aan ku waayo hanti badan, laakiin ma niyad jebi doono oo shaqadeydi waxan rajeynayaa in aan meesheedii kasii bilaabo” ayuu yiri Cali Aaryo.“Waxa habeenkii siddeed saac iyo bar habeennimo (2:30-am) kasoo tagay carwada, shaqadu waxa ay u socotay si qurux badan, suuqa oo dhan waa uu wada iftiimayay, hase yeeshee subixii waxa aan u imid dambas iyo dukaamadii oo aan lakala garaneyn”, ayuu sii raaciyay Cali. Cali AaryoQoraalka sawirka, Carwo Cali AaryoCali waxaa kale oo uu murugo ku tilmaamay in gubashadan ay kusoo beegantahay xilli loo diyaar garoobayo munaasibadda ciidda isla markaana ay tahay wakhtiga ugu badan ee ay ganacsatu ku xisaabtamaan ganacsiga ugu xooggan.“Qadarta waan ku qanacsanahay, laakiin waxa saameynta ugu badan igu reebay ayaa waxa ay tahay in xilli aan dukaankii soo buuxiyay isla markaana ay ciidda soo dhawdahay uu dhibku dhacay, waa xilli lacagteennii oo dhan aan carwada gelinnay, haddana qadar ilaahay ayaa dhacay Alxamulillaah”, ayuu yiri.Waxa uu sheegay in dabka uu ku waayay in kabadan lixdan kun oo dollar (60$), walibana saameynta dabka ka dhaca suuqa bakaaraha ay soo daba socotay ilaa 2017-kii oo ay carwadiisii hore ka gubatay.Cali waxa uu sheegay in xilliga uu dabku kacayay uu suuqa ka maqnaa, markii uu yimidna uu maqlay in dabku ay koronto dhalisay. SocialQoraalka sawirka, BakaaroGuddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo booqasho ku tagay suuqa bakaaraha dhowr habeen kahor dabka ayaa ammaany sida ay wax u socdaan hase yeeshee mashaqada kadib ayaa lagu dhaliilay in dadkii dhibku ku dhacay uusan wax xiriir ah lasameyn.“Guddoomiye Madaale habeen hore suuqa Bakaaraha ayuu yimid, waxa uu daawanayay quruxda iyo sida ganacsigu u kala socdo, habeenkii ayuu suuqa wakhti ku qaatay suuqa, laakiin hadda marka uu dhibku dhacay wax iridda nagasoo istaago ma arkin”, ayuu yiri ganacsade Cali Aariyo.“Awaamiirtii iyo amarradii ay dowladdu bixin lahayd ayaa gaabis ah, xilligan oo kale oo ciidda loo diyaar garoobayo waa in amar ay dowladdu bixiso oo laga fakaro waxa iman kara ee khatarta ah, waayo iyaga ayey mas’uuliyad ka saarantahay,” ayuu isna qabaa Xoogsade oo ah gudoomiyaha ganacstaada ee Suuqa.Dabka ka kacay suuqa weyn Bakaaraha ayaa ku soo aaday xilli suuqa uu ka jiro mashquul ka dhashay dadweyne badan oo munaasibadda Ciidda darteed illaa habeenkii saqdhexe halkaas ka dukaameysanaya.Dabka ka kaca suuqyada ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho ayaa in badan soo laalaabtay, wallow badankood aan la garaneyn waxa sababay.Waxaa cad in ganacsato badan ay ku hanti beelaan, iyagoo markiiba halkaa kasii wada jihaadka nolosha iyo raacista wadada soo kabashada.
Ganacsi,Ganacsiga hal abuurka ah
‘Tukaankeyga oo aan si fiican u camiray ayaan habeenkii ka tagay, subixiina waxa aan u imid dambas kaliya’ – Bakaaraha
Published on: