, 2023-11-18 12:15:48 ,
Maxamed 18 Nofembar 2023Ruqiyo Aweys Aboow waxay ka mid ahayd dadkii ganacsigooda ku baaba’ay dab xoog leh oo xalay ka kacay suuqa degmada Xamar Weyne kaas oo dhaliyey khasaare hantiyadeed oo baahsan.Waxay sheegtay inay haysatay dukaan ay ku gadaysay noocyada alaabta la isku qurxiyo kaas oo nolosha qoyskeeda ay ku dabari jirtay. Ruqiyo ayaa ah hooyada sagaal caruura ah oo agoon ah.“Wuxuu noo ahaa mid noloshayada ku tiirsanayd,waxaan haystaa caruur agoon ah oo aabahood dhawaan iga geeriyooday oo aan cid kale oo iga caawisa jiran. Waxay ahayd mashaqo weyn oo nagu dhacday balse wax kale ma awoodno inaan qadarta ku samirno ahayn” ayey BBC u sheegtay Ruqiyo.“Waxaan saaka hortaaganahay dukaankaygii oo gubtay oo la xaaqayo waa niyad jabbay, waayo markaan dib u eego xaafadii an ka imid ma haysto waxaan dib ugu celiyo” ayey intaa ku dartay Ruqiyo Aweys. Maxamed Bukhaari Xasan Maxamed wuxuu siddeed sano sano ka hor bilaamay hamigiisa ganacsi isagoo ka bilaabay shaqaale dukaan lagu gado dharka dumaka ilaa makrii danbe uu samaystay mid isaga u gaara oo leeyahay.Dabkii xalay ayaa Bukhaari sheegay inuu burburay hiigsigiisa. Wuxuu BBC-da u sheegay in hanti uu ku qiyaasayo ilaa 40 kun oo dollar ay kaga gubatay dabka.“ Waxay ahayd nasiib daro laakiin waa qadar, waxan aahay aabe leh afar caruura waxan kaloo masuul ahaa walalahay iyo waalidkay hada waxaa ku soo dhacay meel eber ah, alaabta dukaanka taalay waxay u badnayd dharka baatigaa oo ganacsigaygu u badnaa ma jirin lacag cad oo taalay dukaaanka” ayuu yiri Bukhaari.Wuxuu qabaa in hadii dab damisku xili hore imaan lahaa ugu yaraan wax laga caymin lahaa dukaankiisa iyo xarumaha kale ee ganacsi kuwaas oo bas belay.Hadda ma garanayo wax ii qorshaa ayuu BBC-da u sheegay Bukhaari isagoo dareemaya culays weyn kuna waabariistay xaalad gacmo marnaana.Ciidamadda dab damista ee gobolka Banaadir ayaa xili danbe ku guulaystay inay damiyaan dabka oo tiro badan oo dukaamada ganacsiga baabi’iyey kuna fiday qaybaha kala duwan ee suuqa.Sida ay sheegeen qaar ka mida ganacstada dukaamada kulahaa suuqa oo ka mid yahay Bukhaari Xasan Maxamed waxaa dabku ka bilowday dukaan xirnaa oo aan la furin maalinimadii kaas oo loo malaynayo inay koronto sababtay dabka kaas oo raacay balayaasha ku teedsanaa goobaha ganacsiga.Khasaaraha ugu xoogan ayaa gaaray ganacsatada gaariyooleyda ah oo ku ganacsada hareeraha wadooyinka Gudoomiyaha gobolka Banaadir Xuseen Yuusuf Jimcaale oo goobta booqdayt ayaa sheegay in lala xisaabtami doono shirkadaha korontada hadii ay qaadan waayeen taxadar looga hortago inuu dabab ka kacaan suuqyada kale duwan.Dowlada Soomaaliya wali war kama soo saarin inta uu le’egyahay khasaaraha hantiyadeed ee dabkaasi gaarsiiyey suuqa degmada Xamar Weyne oo ka mida suuqyda ugu waaweyn magaalada Muqdisho. Maxamed Xiliyadii dabku hore uga kacay suuqya Xamar Bashii July Sanadkii 2011-kii dab xoog leh ayaa ka kacay suuqa Xamar Weyne kaaso ka bilowday xarun ganacsiga ee Risaala oo dhabarka danbe kaga dhagan yahya saldhiga Booliska afar irdood ee degmadaasiSida ay saraakiishu xaqiijiyeen dabka waxaa sababay qarax ay sameeyeen fiilooyinka korontada kaas oo sababay khasaare hantiyadeed oo weyn.Dab kale oo xoogan ayaa mar kale qabsaday suuqa Xamar Weyne bishii juune sanadkii 2012-kii, waxyeelo ayaana dabku gaarsiiyey qaybaha kala duwan ee dukaamadii iyo sandaqado ganacsi oo halkaasi ku yaalay.Dabka ayaa la sheegay inuu ka dhashay burjiko dab looga tagay oo taallay meel ku dhow kawaanka hilibka iyo suuqa qudaarta, iyadoo dhowr jeer uu dab noocan oo kale ah ka kacay suuqa, kaasoo geystay khasaare hantiyeed.Sidoo kale suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ayaa xiliyo kala duwan oo ay ugu danbaysay sanadkan dab xoog leh oo dhaliyey burbur hantiyadeed uu ka dhashay.Sababa khasaaruhu u bato ayey saraakiisha dowladu ku macneyey in ciidamadda dab damisku ay la kulmaan ciriri ka jira wadooyinka laga galo suuqyada iyo suuqyada qaar oo ay adag tahay in la gaaro wadooyinka oo xun owgeed.
Ganacsi,Dhaqaalaha,Soomaaliya
‘Tacabkii sideeda sano saacado gudahood ayuu ku baab’ay…maanta qado iskama bixin karo’
Published on: