More

    Suud kiro ah: Oday damiin ah iyo shuruudaha kale ee kaa xiga dharkan kirada ah

    Published on:



    , 2023-11-03 11:36:57 ,

    Qoraalka sawirka, Xarunta kiraynta Suudadka ee Muqdisho3 Nofembar 2023Ganacsato dhallinyaro ah ayaa Muqdisho ka hirgaliyey nooc ganacsi oo ku cusub Soomaaliya, kaas oo sidoo kale adeegyada ay bixinayaan uu yahay mid naadir ku ah magaalooyinka Soomaaliya.Yaasiin Cabdillaahi Maalin oo ka mid ah mulkiilayaasha xaruntan ganacsi oo lagu magaaco Kiro Suud ayaa BBC-da u sheegay in sababta ay u hindiseen ganacsigan uu yahay baahida ay dad badan oo bulshada ka mid ah u qabaan adeeggan.Kiraynta agabka aroosyada dumarka waa mid caadi ka ahaa deegaano badan oo ka mid ah Soomaaliya, balse kiraynta dharka ragga gaar ahaan suudka waa mid ku cusub suuqyada ganacsiga xilligan.Qiimaha lagu kireeyo suudadka ay hayso Kiro Suud ayaa ku kala xiran sida maamulka sheegay hadba sida loo adeegsanayo ama xaflaha lala aadayo. Kuwaas oo la nooc ah kuwa la tolo ama laga keeno dalka dibadiisa.“Nooc kasta waa haynaa kuwa aroosyada kuwa qalin jabinta, sagootinta ama soo dhaweynta, sidoo kale waxaan haynaa kuwo le’eg qofkasta ha yaraado ama ha waynaado” ayuu yiri Yaasiin Cabdilaahi MaalinQiimaha suudadka lagu kiraynayo ayaa u kala qaalisan heerka ama hadba meesha lala aadayo sida aroosyada iyo munaasabadaha kala duwan, waxaana ugu qaalisan kan aroosyada oo lagu kiranayo 24-kii saac 30 doollar maadaama sida ay maamulku sheegeen ay yihiin suudad gaar ah, halka kuwa xafladaha caadiga ah lagu kireeyo 15 doollar.Dhallinyarada ganacsigan furay waxay xuseen inay iyagu hore u qabeen baahida xaruntan oo kale balse aysan helin xilligoodi, taas badalkeedana ay u diyaariyeen dhallinyarada aan awoodin inay soo gataan suud waqtiyada farxadooda ay u sameeyeen fursadan ay ku heli karaan.Damaanada iyo nadaafada.Qoraalka sawirka, Xarunta lagu kireeyo Suudka ee MuqdishoYaasiin Cabdullaahi Maalin oo ah maamulaha xarunta, kana mid ah mulkiilayaasha ayaa sheegay in si ay u hubiyaan badqabka ganacsigooda ay u yaallaan shuruudo ku xiran qofka adeegsanaya suudadkooda“Is aaminaadu si fiican ayey noogu socotaa, inta hadda xaruntu furan tahay macaamiilkeedu marka uu noo yimaado ama qaadanayo suudka waxaan ka qaadnaa dukumenti cad sida baasaboor, laysanka darawalnino ama aqoonsi dowladeed haddii uusan labada haysanna waxaa uu la imaanaya qof yaqaan oo ganacsade ah ama rahan” ayuu yiri Yaasiin Cabdilaahi Maalin.Hadii qofka suudka doonaya ee aan haysan aqoonsi gaar ah ama aan damiin helin waxaan u sheegnaa in laga qaadayo dhigaal lacageed oo gaaraya $50, taas oo u noqonaysa marka uu dib u celiyo alaabta uu qaatay.Ma sheegin maamulka xaruntan in waqtiga uu qofku haysan karo suudka ay ka badan tahay 24 saac oo ah waqtiga uu dib u u keeni karo suudkii uu qaatay ama uu mudadda dheeraysan karo qofka doonaya.Yaasiin oo ka hadlay hubinta nadaafada dharkan maadaama uu yahay mid adeegsigiisa u furan dad badan ayaa tilmaamay inay uga yaalaan xaqiijin badan iyo ilaalinta caafimaadka bulshada.“Intaanan furin xaruntan waxaa la tashay dhaqaatiir caafimaad, maadaama dharku yahay saddex nooc oo kala ah funaanad, shaati, jaakad iyo surweel oo dadka istcimaalaya ay ku dhididi karaan waxaan ugu taxadarnay sidii ugu fiicnayd oo lagu ilaalin karo nadaafada, waxaana haysanaa qalab aad u wanaagsan oo lagu dhaqo” ayuu yiri Heerka shaqo la’aanta dhallinyarada Soomaalida ee gudaha dalka ayaa ah mid sarraysa taas oo kor u qaadday in dhallinyaro badan oo ay ku jiraan kuwa hal abuuray xarunta Kiro Suud ay hindisaan ganacsiyo kala duwan si ay noloshooda u maareeyaan.Sidoo kale fursadaha shaqo galinta ee haya’adaha dowladda iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay ayaan daboolin baahida shaqo la’aaneed ee ka jirta Soomaaliya.In ka badan 70% dadka Soomaalida ayaa ka yar da’da 30 sano jir sida ay xoguhu tilmaameen.Haya’adda shaqaalaha ee Qaramada Midoobay e ‘ILO’ ayaa sheegtay in heerka shaqo la’aanta Soomaaliya ay gaartay wax ka bdan 20.05% sanadkii 2022 sida laga soo xigtay uruurinta tilmaamaha hormarka ee Bangiga aduunka


    Ganacsi,Dhallinyarada,Ganacsiga hal abuurka ah

    Related