More

    Maxay Somaliland ka tiri amarka ka soo baxay dowladda Soomaaliye ee la dul-dhigay xawaalada iyo shirkadaha ganacsiga?

    Published on:


    , 2024-08-25 09:44:15 ,
    Somaliland

    SOCAIL

    Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa ka jawaabtay war qoraalla oo ka soo baxay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee dowladda Federalka Soomaaliya kaas oo amar lagu dul-dhigay shirkado ganacsi oo la faray inay ku beddelaan magaca “Somaliland” kan “Soomaaliya”.

    Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) ayaa BBC-da u sheegay in arrintaasi u oolin Somaliland aysana waxba ka qaban karin

    “Waxaan u aragnaa in beryahan in dagaaladaa iyo cadaawadaa wadeen oo waraaqo qor qoreeyeen. Haddii dowdii Siyaad Barre ay magaca Soomaaliya u isticmaashay in dalka Somaliland ku burburiso kuwaan iminka oo aan itaal hayn inta ay awooddi karaan waa inay dunida iyo shirkadaha warqado u qorana intay awooddayaan ay dagaal ka dhigayaan” ayuu yiri wasiir Cali.

    Wuxuu intaa ku daray in arrintaasi inaysan ka soconayn Somaliland.


    Ganacsi,Soomaaliland,Ganacsi,Soomaaliya,Duullimaad

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here