, 2023-11-25 20:10:22 ,
25 Nofembar 2023Kuleyl daran baa jira. Qorraxdu waxay toos ugu dhaceysaa maskaxda, waxaa sanka kaasoo galaya cunnada Itoobiyaanka, iyo sidoo kale qaxwada iyo luubaanta.Dadkan oo intooda badan kasoo jeeda Itoobiya ayaa waxay meel yar oo ay ku noolaadaan ka heleen Pikadus, oo aan ka fogeyn caasimadda Jabuuti.Dad aad u badan oo Itoobiyaan ah ayaa halkan ku nool, marka loo barbardhigo Jabuutiyaanka, waxayna u muuqdaan kuwo sameystan ismaamul u gaar ah.Waxaa jira qaar badan oo sharcidarro ku noo. Sida ay sheegeen dadka deegaanka, halkan nabad bay ugu nool yihiin si ka duwan qeybaha kale ee Jabuuti.“Gudaha Picadus cabsi la’aan baan ku joogaa,” ayuu yiri Jiji, oo Jabuuti ku noolaa muddo dheer. Wuxuu kala jeedaa inuusan cabdi badan ka qabin booliiska.Ingiriis, Amxaariga, Tigrinya iyo luqado kale ayaa halkan looga hadlaa.Picadus kama foga caasimadda Jabuuti – keliya 12km ayay u jirtaa.Jabuuti waa ubucda dhaqaalaha iyo wax dhoofinta ee Itoobiya, waxayna maalin walba soo dhoweysaa gawaari xamuul oo sida alaabo.Waaxda Gaadiidka ee Itoobiya ayaa halkaas xarun ka furatay si loo dardar geliyo adeegyada.Magaaladan deriska la ah Itoobiya, waxaa ku yaalla dukaamo, ganacsiyo, meel lagu qaxweeyo, carwooyin dhar iyo qaar kaloo badan.Waxaa ku yaalla maqaayado badan, darawallo ayaana halkan isugu yimaada oo waqtigooda ku bixiya.Mohammed Sanin wuxuu Picadus ku noolaa in ka badan lix sano. Hadda dhow unbuu kasoo laabtay Itoobiya.“In ka badan 75% darawallada halkan ayaa lagu arkaa,” ayuu yiri. Pikadus dad badan ayay hoy u tahay. Qaarkood way usoo hijroodeen, qaarkood way usoo qaxeen, qaarkoodna qaxootinnimo ayay u yimaadeen. Qaar baa shaqo usoo raadsaday balse muddo dheer sii joogay.Muraad* ayaa tusaale u ah. Keliya waa 21 jir. Wuxuu BBC u sheegay in qoyskiisu ay soo barakaceen kaddib isku dhacii xadka ee Oromada iyo Soomaalida.Waxay qaxootinnimo usoo raadsadeen gobolka Bartamaha Orissa oo u dhow magaalada Galan. Halkaas ayuu wax ku bartay.“Waan shaqeysan doonaa,” ayuu yiri, isagoo walaalkiis kasoo qaatay lacagta uu ku tegay Jabuuti. Balse Pikadus ayuu ku hakaday.“Dhalinyaro badan oo shaqo la’aan ah ayaa halkan jooga,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray inuusan keligii ahayn qofka shaqo la’aanta ah.Ninkan dhalinyarada ah ma uusan helin wixii uu rajeynayay. Wuxuu ka shaqeynayay hoteel. Waxaa jira dhalinyaro badan oo sidiisoo kale ah.’Itoobiyada Yar’Picadus micnaheedu waa 12 luqadda Faransiiska. Dadka deegaanka waxay ugu wacaan PK-12 (Piquer à douze).Balse Itoobiyaanka waxay ugu yeeraan Mikadus, Bikadusis.“Isku soo duub, waxaan dhihi kartaa Itoobiyada Yar. Haddii aad xaggaas aaddo, waxaad keliya arkeysaa hoteel Itoobiyaan ah.“Inta badan dukaamada Itoobiyaanka, teendhooyinka Itoobiyaanka waa guryaha Itoobiyaanka,” ayuu yiri Muraad.Muxuusan qof Itoobiyaan ah ka heleyn halkan? Ayaan weydiinnaay Muraad.“Wuu noolaan doonaa inta uuba halkan ku nool yahay.”Haddii uu shaqo waayo wuxuu iskala noolaanayaa walaalihiisa isagoo aan weyneyn wuxuu cuno.’Waanu isku dhex jirnaa’Qof walba wuu ordayaa sababtoo ah way shaqeeyaan. Waxaad arkeysaa dhalinyarada Harerge oo ku hadlaya Oromo iyagoo wax ku iibinaya Soomaali.Waxad eegayaan wajiga qofka luqadda ayayna beddelayaan. Waxaa sidoo kale jira kuwo ku hadlaa Cafar iyo Soomaali sidoo kale Faransiis iyo Carabi. Sidaasi waaba dabeecadda suuqa.Birhan waa hooyo leh hal cunug. Muddo labo sano ah ayay ku nooshahay Picadus. Lix bilood ayay haatan iibineysaa qaxwo.Waxay koobkii qaxwada ah iibisaa 20 Birta Itoobiya ah. Macaamiisheedu waa Itoobiyaan.“Waxa halkan jooga waa Itoobiyaan iyo Soomaali, waan isku dhex jirnaa,” ayay tiri.Birta ayaa kasoo gudubtay xadka Getty ImagesHallkan keliya Itoobiyaanka ma imaan balse sidoo kale lacagtooda Birta ayay la yimaadeen.“Haddii aad heysato lacagta Itoobiya, waad ka faa’iideysaa,” ayuu yiri Muraad*.Tan iyo xornimadii Eritrea, Itoobiya ayaa dekadda Jabuuti u adeegsan jirtay ganacsiga dibadda iyo gudaha.Gawaarida ayaa alaabo kasoo dejin jiray muddo sanado ah.Darawallada ayaa marka uu doorkoodu yimaado halkan ka daabula alaab. In ka badan 200km ayay u socdaan si ay u galaan xadka Itoobiya.Darawallada ayaa sheegay inay waddadu xun tahay ayna labo maalmood ku qaadato dhanka Gacanka iyo hal maalin oo dhanka Diri Dhawa ah.
Itoobiya,Ganacsi,Afrika,Ganacsi,Jabuuti
