More

    Dhowr tilmaamood oo kuu sahlaya sida aad u kala saari karto sawirka saxda ah iyo kan garaadka macmalka ah

    Published on:



    , 2024-03-12 08:21:42 ,

    Qoraalka sawirka, Sawirrada macmalka ah ee AL12 Maarso 2024Dunida casriga ah waxaa soo badanaya sawirrada qaabka dhijitaalka ah loogu badali karo dhawr nooc ama xitaa laga soo saaro qaab kale oo asal ahaanba ka duwan sida saxda ah, iyadoo la adeegsanayo garaadka macmalka ah ee loo yaqaanno (AI), way sii adkaanaysaa in la aamino waxa ay indhaheenu arki karaan.Farsamooyinka loo isticmaalo in sawirada lagu maamulo waa kuwo aad u casriyeysan, dabcan waxa aan galnay duni ka duwan tii hore marka ay noqoto habka casriga ah ee tiknoolojiyadda, waxa aan galnay xilligii been-abuurka la barbar dhigayay waaqiciga iyo waxa saxda ah ee jira.Sawirrada noocan oo kale ah ee la beddelo waxay horseedi karaan faafitaanka macluumaadka khaldan waxayna xitaa saameyn ku yeelan karaan ra’yiga dadweynaha iyo dhacdooyinka muhiimka ah sida doorashooyinka.Iyada oo sawirka boqoradda Wales iyo carruurteeda lagala baxay wakaaladaha wararka ayaa waxaa laga walaacsanyahay sida “loo maareeyay”, waxaana lasoo dhex dhigay baraha waliba si aan horay loo arag.Haddaba, ma jiraan waxyaabo aan sameyn karno si aan u aragno sawirka laga yaabo in la beddelay ama AI lagu sameeyay?Muujinta shucaaca iyo harkaIftiin aan caadi ahayn inta badan waa astaanta in sawirka la bedelay. Hubi dhibcaha iftiinka ee indhaha dadka, tusaale ahaan, Isha gudeheeda iftiin ayaa inta badan ka muuqan doona dadka indhahooda. Haddii cabbirka iyo midabka aysan ku habboonayn goobta, ama haddii ay u muuqdaan kuwo kala duwan, markaa waxaa laga yaabaa inaad gasho xaalad shaki. Habka aragtida iyo walxaha ka muuqdaa dusha sare ee sawirka ayaa sidoo kale bixin kara tilmaamo.Hooska waxyaabaha sawirka ka muuqda ayaan wada muuqan karin haddii la isku daray sawirro badan, hase yeeshee maskaxda ku hay in sawirrada qaar lagu qaadi karo meelo iftiin badan. Waxaa habboon in la eego habka iftiinka u baxayo marka loo eego wajiga qofka. Haddii Qorraxdu ay gadaashooda taagantahay, tusaale ahaan, dhegahoodu waxay u ekaan karaan casaan ama guduud xigeen.Garaadka macmalka ah ayaa sidoo kale soo saari kara iftiin aan habooneyn iyo hoos aan markii hore jirin, laakiin sida cad, AI ayaa sameyn kara wejyo aad loo rumeysan karo xitaa marka loo eego aadanaha. PRINCE OF WALESQoraalka sawirka, Qoyska boqoradda WalesGacmaha iyo dhegahaHabka kale ee xaqiiqo helidda waa in la raadiyo sifooyin ay adagtahay in mararka qaar la helo. Barnaamijkan AI ayaa hadda ku liita samaynta gacmaha iyo dhegaha ama hagaajinta qaababkooda iyo xitaa tirada faraha. Kuwani waa astaamo isku mid ah oo inta badan dhiba farshaxaniisteyaasha, laakiin sida dhinacyada kale ee sawirada AI lagu sameeyay dadku waxay u muuqdaan kuwo dhab ah, kuwaasi waxay abuuraan shaki aan caadi ahayn oo u muuqda mid aan dabiici u ahayn indhaheenna.Eegmada dhinacyada xogtaWaxa hoose ee ku dhex qarsoon gunta sawirada dhijitaalka ah ayaa ah xogo badan oo kaa caawin kara in ay yihiin been abuur ama inkale. Mar kasta oo kamarad dhijitaal ahi ay sawirka qaaddo, xogo badan ayaa lagu qoraa faylka sawirka. Tusaale ahaan, Jadwalka waqtiga ayaa horseeday su’aalo ku saabsan in madaxweyne Donald Trump uu dhab ahaantii ka shaqeynayay Aqalka Cad maalin kadib markii uu shaaca ka qaaday in laga helay xanuunka Covid-19 bishii Oktoobar ee 2020-kii.Qoraalka sawirka, Sameynta sawirrada macmalka ahShanqaraha sawirkaDareemayaasha kamarad kasta oo dhijitaalka ah ayaa leh cillado yaryar oo wax soo saara kuwaas oo keena khaladaad gaar ah oo ka tagaya nooc la garan karo sida “faraha” ku sawirma ama laga dhex arki karo haddii si aad ah loo fiiriyo sawirada. Tani waxay markaa la xiriirtaa kamarad gaar ah waxayna kaa caawin kartaa in la aqoonsado sawirka la farsameeyay. Sawirka AI lagu sameeyay ma muujinayo in gacmaha lagu taabtay ama faro ay ku yaalliin.Qalabka xaqiijintaShirkadaha internetka sida Google-ka ayaa soo saaray qalab lagu xaqiijinayo sawirka oo dadka ka caawin kara in ay ogaadaan sawirada AI ay soo saartay. Facebook iyo Instagram waxay bilaabeen inay calaamadiyaan sawirrada AI ay soo saartay ee ka imanaya ama lagasoo gelinayo dhinaca Meta waxayna shirkadaha kale qorsheynayaan inay sidaas oo kale ku sameeyaan sawirada ay soo saareen aaladaha AI.


    Teknoloji,Ganacsi,Britain,Internet

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here