, 2024-07-10 10:30:11 ,
BBC SportQoraalka sawirka, Lamine Yamal, xiddig usoo baxay qaranka Spain10 Luulyo 2024Mudadiiba mar, ayaa tartamada Yurub laga dhaliyaa gool boggaga taariikhda baal aan tirmeyn kaga qorma. Waa la xasuustaa, dib baa loo daawadaa, waana laga sheekeeyaa tobanaanka sanno ee soo socota ilaa laga arko mid lamid ah.36 sanno kahor, tartankii Euro 1988 ayay ahayd markii uu Van Basten dhaliyay gool wacdare hal taabasho ah oo taariikhda galay. Sidoo kale Paul Gascoigne ayaa isna goysmo iyo orod kelyaale ah oo daawadayaaashii garoonka joogay af kala qaad ku riday ka dhaliyay Euro 1996, isla tartankii uu Karel Poborsky ka dhaliyay fagta ilaa hadda lagu soo qaato dib umilicsiyada Koobka Qaramada Yurub.Liiskaas waxaa hadda ku biiray goolkii Lamine Yamal uu ku bareejeeyay Faransiiska kulankii afar-dhamaadka Euro 2024.Iyadoo Spain lagu hogaaminayo 1-0, ayaa Yamal kubad qurux badan ka soo laaday meel ka baxsan diilinta ganaaxa isagoo la helay xagal sare oo uusan goolhayahu celin kareynin xitaa haddii laba maalin kahor loo sii sheegi lahaa.Sidaasna uu ku dhaliyay gool u ogolaaday in saddaro uu ku yeesho buuga taariikhda.Da’diisa oo 16 sanno ay 362 maalin kaliya u dheertahay ayuu ku noqday laacibkii ugu cimriga yaraa ee gool ka dhaliya taariikhda koobka Qaramada Yurub. Intii xalay daawanaysay na waxay garoonka ka baxeen iyagoo is weydiinaya sida ay suurtagal ku noqon doonto in rikoorkaas la jabiyo.“Xiddig ayaa dhashay” iyo “In waxaas oo kale la sameeyo, waa karti iyo bar” waxay ahaayeen haddalo ay ruugcadaayo hore iyo laacibiin kasoo ciyaaray Yurub ay xalay ku hadaaqayeen.Gary Lineker iyo Alan Shearer oo ka tirsanaan jiray weerarka Ingiriiska ayaa xalay BBC ka yiri; “Goolkani wuxuu ahaa daqiiqadii ugu mudneyd ciyaarta, malaha mayee daqiiqadii ugu mudneyd tartanka oo dhan.”‘Bandhig Cabqari’Gool ay taageereyaasha ku sugnaa gudaha garoonka Allianz Arena iyo adduunka oo dhan la cajabeen daawashadiisa, ayaa xirfadda ka dambeysay waxaa ka la yaab badnaa maskaxda tiri la beegso daqiiqadaas.Waxay ahayd daqiiqad gool lagu lahaa oo ciyaartu 1-0 maraysay, koobku waa midkii Qaarada loogu daawashada badnaa, waa xilli cadaadiska iyo khalkhalku figta sare joogo, in Yamal go’aan ku qaato masaafadaas inuu ka laado kubadda, waxay go’aan ku dhisan maskax badni.Bilowgii ciyaarta iyo is kululeyntii ba wax isku kalsooni darro iyo cadaadis ah ma uusan muujin. SI furan ayuu ula kaftamayay saaxibadiis garoonka kula jiray oo dhoolacdeyntu kama tirmeyn wajigiisa.“Waxaan daawanay bandhig cabqari” ayuu yiri macalinka xulka Spain Luis de la Fuente mar uu ka hadlayay goolka Yamal.“Waxaan u baahanay inaan aad u ilaalsano. Waxaan ka rajeenayaa inuu sii wadi doono, hab ciyaareedkan iyo dabeecadan oo uu markasta kor u qaadi doono xirfadiisa”.Waan ku tashan karnaa hadda iyo sannado badan oo soo socdaba” ayuu yiri mar uu saxaafadda la hadlayay.Yamal waxa uu rabaa in uu guulaysto, si uu ‘riyadiisa u rumeeyo’ Getty ImagesQoraalka sawirka, Lamine Yamal waxa uu dhaliyay hal gool, isaga oo caawiyay saddex kale horyaalka qaramada Yurub 2024Yamal ayaa hadda koobka Qarama Yurub saameyn ugu yeeshay masraxa caalamiga ah, balse horey ayuu buugaagta rikoorka wax ugu qortay xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee kuso bandhigay Barcelona.Waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee kulan lagu soo bilaabo iyo sidoo kale gool dhaliyihii ugu yaraa ee horyaalka Isbaanishka ee La Liga.Yamal ayaa 17 jirsanaya 13ka Luulyo – hal maalin ka hor finalka koobka Qaramada Yurub ee Euro 2024, kaasoo Spain ay wajihi doonto England ama Netherlands midkii soo baxa.Mar laga wareysanayay niyada uu ku wajihi doono final-ka ayuu sheegay in waxa kaliya ee uu rabo in uu sameeyo si uu ugu dabaaldego dhalashadiisa ay tahay “guul oo kaliya”.Xulka ay Spain wajihi doonto final-ka, waxaa lagula talinayaa inaysan siin da’yarkan wax dhiirigelin dheeri ah, sidii ay France sameeyeen.Ciyaarta intaysan bilaaban, ayaa laacibka khadka dhexe ee Adrien Rabiot sheegay in Yamal uu u baahnaan doono “in uu muujiyo wax ka badan intii uu ilaa hadda ku soo bandhigay tartanka”.Dhammaadkii ciyaarta, ayaa Yamal isagoo dabaaldegaya ugu jawaabay: “Hadda hadal.”Daaficii hore ee England Rio Ferdinand ayaa yiri: “Waxay u ekeyd in Yamal markii uu arkay hadalka Rabiot ay maskdiisu ku tiri, ku dheh: “Waan ku tusi doonaa”.
Ciyaaraha Fudud,Xeendaabka dhaqaale ee Yurub,Ciyaaraha,Spain
‘Xiddig cusub ayaa dhashay’ – Taariikhda qormeysa ee ‘cabqariga’ Lamine Yamal
Published on: